Wasaaradda Dhalinyarrada Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Kala Xadaysay Heerarka Kooxaha Ciyaaraha

0
532

HARGEYSA (DAWAN)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Mr.  Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa shaaca ka qaaday inay kala xadeeyeen Kooxaha heerarka kala duwan ee kubadda cagta Somaliland, waxaanu tilmaamay inay kal-dambe qaban doonaan tartankii ciyaareed ee ugu weynaa oo ay ku loolami doonaan naadiyada heerarka koowaad illaa saddexaad.

Agaasime Maxamed Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay qeybtii labaad ee waraysi dheer oo uu xafiiskiisa ku siiyay Sabtidii Tifaftiraha Guud ee DAWAN Mr. Cumar Maxamed Faarax, waxaanu waraysigan kaga hadlayaa waxyaabihii u hirgalay inay fuliyaan wasaarad ahaan afartii sanadood ee ugu dambeeyay iyo sharcigii dalxiiska oo ay abuurayaan si loo dhaqan geliyo.

Agaasimaha waxa uu sharxay qoddobada ugu waaweyn ee ay wasaaradoodu qaranka uga wakiilka tahay, waxaanu yidhi “Wasaarada xilka ugu wayn ee ay  qaranka u haysaa waa arrimaha  dhaliyaradda,  ciyaaraha iyo dalxiiska iyo aataarta qadiimka ah. dhaliyarada Somaliland waa arrimaha had iyo goor laga hadlo waayo mujtamaca Somaliland dhaliyarada ayaa ugu badan wadankeennu waa wadan soo koraya waa sababta xooga loo saarayo mudooyinkan dambe waa sidii loo jihayn lahaa, shaqo loogu abuuri lahaa, sidii caqligooda  iyo aqoontooda kor loogu qaadi lahaa, sidii wadaniyad loogu abuuri lahaa hawl lahaas ayaa ugu badan waxa laga shaqeeyo.”

Maxamed Xuseen waxa uu sheegay in la ansixiyay siyaadii dhalinyarada wax loogu qaban lahaa, waxaanu yidhi  “Waxa kale oo jirta xagga ciyaaraha oo ka mida adeegyada dhalinta loo qabto oo ah waajibaadka wasaarada iyo xaga dalxiiska, inta dambe shaqada ugu badan ee aanu haynay waxay ahayd inaanu isku dubaridno siyaasad cadna u samayno taa waa lagu guulaystay. Siyaasada dhaliyarada Somaliland madaxwaynaha ayaa baasgareeyay qorshe ayaa loo sameeyay kaas ayaa dhaqan galintiisa lagu jiraa sidii looga dhigi lahaa mashaariic is fasisha haddii ay tahay xagga caafimaadka, deegaanka, ciyaaraha iyo haddii ay tahay shaqo abuurka, wacyigalinta tahriibka waxaas oo dhan gacanta ayaa lagu hayaa waxaanu rajeynaynaa in wax la taaban karo ay ka soo baxaan madaxwaynuhu guddi ayuu u saaray tahriibka waxaanay soo ururiyeen xog fiican dhawaan baa  shirweyn lagu soo bandhigi doonaa xogtii ay daah-fureen.”

“Waxa kale oo iyana jira tababaro aanu u qabanay dhalinyaradda oo mudooyinkan dambe socday oo la doonayay in dhaliyarada kor loogu qaado marka ay ka baxaan iskuulada iyo jaamacadaha  had iyo  goor waxay dhibaato ka qabsanaysaa sidii ay shaqo u abuuri lahaayeen sidii ay iyagu shaqo u heli lahayeen, sidii ay isu tilmaami lahaayeen markaa waxaanu  qabanay tababarro dalka oo dhan laga qabtay kuwaas oo loogu fududeynayay sidii si fudud ay u heli lahaayeen ama u raadsan karaan  shaqo,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Agaasimaha ciyaaruhu waxa uu ku dooday in shaqooyinka dalka yaalla iyo shaqooyinka dhalinyarada wax baratay ay doonayaan uu farqi u dhaxeeyo, waxaanu yidhi  “Mararka qaar waxaad arkaysaa shaqooyinka dadku ay rabaan iyo shaqooyinka dalka yaalaa inay kala duwan yihiin oo dhalinyaradu ka han-weyn tahay shaqooyinka gacanta lagu qabto ee farsamadda ah, waxaanu ku wacyi-gelinaa inay shaqadii soo baxdaba ay ka shaqeeyaan oo aanay diidin.sanadkan  oo kaliya waxa lagu tababaray  xirfadaha  oo ka faa’iidaystay illaa 3800  oo Dhalinyaro ah, Biyaha, Wastaadada, Nijaarada, Laydhka, Allamuuniyamka, Dawaarka iyo  Cunto karinta, waxaanan rajaynaynaa  inta sanadka ka hadhayna 2000  oo qof oo kale ay ka faa’iideystaan.”

Maxamed Xuseen waxa uu intaas ku daray inay kala xadeeyeen kooxaha heerka koowaad iyo labaad isla markaana ay sanadka fooda innagu soo haya u qaban doonaan wareegii u weynaa ee ciyaaraha dalka oo ay ku hirdami doonaan naadiyadda heerarka koowaad illaa heerka saddexaad “Waxa aanu sidoo kale  tayaynay ciyaaraha kala duwan oo aanu ku dedaalnay sidii aanu  u dhisi lahayn kooxo ciyaareed oo cusub kuwii horena u tayayn lahayn. waxaanu ku faraxsan nahay in wasaarado dhowr ahi ay qaateen kooxo kubadda cagta iyo ta kollayga ah oo ku ciyaara magacooda. waxa kale oo aanu kala xadeynay  heerka darajooyinka kooxaha si sanadka soo socda uu dalka ugu furmo wareeg weyn  oo ay wadagaan kooxaha heerka 1-aad 2-aad iyo kuwa 3-aad, waxaan kale oo ka shaqaynay  inaanu tayayno garsoorka, si arrimahaasi noogu suurto galaan waxaanu bedelay iskuduweyaashii goboladda waxaanan u magacownay dhalinyaro jaamacadaha ka soo baxday lixda gobol ee waaweyna waxaanu iskuduweyaashooda u samaynay xafiisyo ay ku shaqeeyaan,”ayuu yidhi Agaasimaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaruhu.

Ugu dambayn waxa uu sheegay inay qorshaynayaan sidii loo abuuri lahaa siyaasadii dalxiiska oo fure u noqon doonta in Somaliland ay soo jiidato dalxiiseyaasha caalamka.  “Dalxiiska waa qayb muhiin ah oo wasaarada ka mid ah  oo baryan damba aanu doonayno inaanu  kor u qaadno sidii loo soo noolayn lahaa,  waa waxyaabaha aan aadka looga fakirin meelaha dalxiiska Somaliland loo iman karo iyo goobihii oo gacanta dowlada ka baxay intooda badan dedaalna aanu ugu jirno sidii loo soo celin  lahaa oo loo samayn lahaa  siyaasadii dalxiiska oo la waafajinayo dhaqankeenna iyo diinteennaba. Sidaas awgeed sharcigaas waanu samaynaynaa waxaanan u gudbin doonaa Goleyaasha baarlamaanka. Siyaasada dalxiisku waa ta aynu ku dhaqmayno ee suurto-gal inooga dhigaysa inaynu yeelano goobo dalxiis oo dalxiiseyaasha adduunku ku soo hirtaan dawlad ahaanna dhaqaale innaga soo geli karo,”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu.

By: Yoonis M. Jaamac

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply