Itoobiya Iyo Somaliland Oo Kullamo Dheeraad ah Ku Falan-qeeyay dib u furista Soohdinta labada Dal

0
494

ADDIS-ABABA (Dawan)- Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed  Waran-cadde ayaa shaaca ka qaaday inay dawladda Itoobiya si dhakhso ah u furi doonto soohdinta ay la wadaagto Somaliland, ka dib markii kulamo badan oo wada tashi ah ay labada dawladood Hay’adahooda amnigu ku yeesheen Addis-ababa isla markaana isku waafaqeen in si dhow loo sii joogteeyo wada shaqaynta labada dal.,

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa uu sheegay inuu dawladda Itoobiya uu uga mahad celinayo xidhiidhka saaxiibtinimo iyo wax-wada qabsiga labada dal “Waxaan Magaaladda Addis-ababa aan kula kulmay masuuliyiinta laamaha amniga Itoobiya, waxaanan sii ambo-qaadaynay natiijadii kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya dhawaan wada yeesheen ee la xidhiidhay sidii loo furi lahaa xuduudka u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya. Arrintaasi si weyn ayaanu uga hada tashannay waxaana loo furayaa sida ugu dhakhsaha badan,”ayuu yidhi  Wasiir Cali Waran-cadde.

Wasiirka arrimaha gudaha waxa  kale oo uu kulan la yeeshay dublamaasiyiin ka tirsan safaaradda Ingiriisku ku leedahay dalka Itoobiya, kulankaasi oo uu xusay inay ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa wada shaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska,

“Waxa kale oo aan Addis-ababa kula kulmay dublamaasiyiin ka tirsan safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Itoobiya, waxaanan ka wada hadalnay sidii kor loogu sii qaadi lahaa cilaaqaadkii taariikhiga ahaa ee ka dhaxeeyay Ingiriiska iyo Somaliland, waxaanan uga xog-waranay xaaladda guud ee dalka iyo ammaanka Somaliland oo ah mid cago adag ku taagan oo la isku halayn karo,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Labadaas shirba waxa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha gudaha Taliyaha Sirdoonka qaranka iyo Ku xigeenka safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Md. Ayaanle Salaad Diiriye.

Weftiga Wasiirka Daakhiliga waxa uu shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa ka dib markii uu soo dhammaystay socdaalkii shaqo ee ay ku joogeen Itoobiya.

By: Cumar M.Faarax

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply