Wasaaradda Ganacsiga Oo Qaraar Kasoo Saartay Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Shirkaddo Ganacsi

0
517

Hargeysa, (Dawan)- Wasaaradda ganacsiga iyo maal-geshiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa go’aan kasoo saartay khilaaf soo kala dhexgalay laba shirkadood oo ganacsi oo madax-banaan, kaasoo la xidhiidha caalamada muujinaysa nooca agabka ay keenaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgeshiga ayaa war-saxaafaddeed uu soo saaray waxa uu ku caddeeyay cidda xaqa u leh caalamadda ay isku qabteen labada shirkadood oo dalka keena caleenta shaaha.

Labadda shirkadood oo kala ah shirkadda Shaahyo-cab iyo shirkadda shah-yahan, waxaanay labadda shirkaddoodba dalka keenaan caleenta shaaha.

War-saxaafaddeedka agaasimuhuna wuxuu u qornaa sidan:

“Arrinta muranka ganacsiga caleenta shaaha keena, ka dib markii ay isku khilaafeen calaamadaha ku yaalla shaaha madow ee ay dalka keenaan labadda shirkaddood ee kala ah.

1-      Shirkadda shaah-yahan

2-      Shirkadda Shaahyo-cab

calaamadaha ay isku khilaafeen oo ah ubax cagaaran oo uu ku dhex jiro koob shaahi oo uu dusha ka saaran yahay Nambarka 1,wasaaradda ganacsigu waxa u cadaatay in ay calaamaddaasi ku horeysa shirkadda Shaahayo-cab, isla markaana loo dayn doono.

Arrinkaas muranka dhaliyayna waxaanu kusoo gabo-gabaynay go’aamadan:

1-      Sumadaas koobka No1 saaran yahay ubaxuna ku dhex jiro koobku ay iska leedahay shirkada shaah-yacab

2-      In shirkadda shaah-yahan ay ka guurto sumaddaas

3-      In shirkadda shaah-yahan ay tahay iyana calaamaddeedu ay kildhiga iyo koobka uu shaaha ku shubayo ee dhabarka kaga yaala bacda 250-grm ee caleenta shaahu ku jirto.

4-      In hadda wixii laga bilaabo uu iibsaday caleen shaah ah shirkadda shaah-yahan ee ku sun tan calaamaddaas koobka iyo wanka oo dhan ee lacagteeda laga hayo mooyaane inaanu waxa kale sumaddaas kusoo qoran karin, muddo 2 bilood ahna ku dhameeyo

5-      In wasaaradda maaliyada iyo dekada Berberaba u cashuurnaa shirkada shaah-yahan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply