Xeeladii Al-shabaab ku Khaarajisay Saado Cali Warsame & Taariikhdii Faneed Ee Marxuumad Saado Cali

0
916

Muqdisho (DAWAN)- Alle  u naxariistee xildhibaan, Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xubnaha haweenka ah ee baarlmaanka Soomaaliya ku jira ayaa Shalay-galab laga  toogtay dhabarka dambe ee huteelka ay deggenayd ee Ambassador oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Xildhibaannadan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen dambley gaadhi watay, kuwaas oo isku hor-gooyay gaadhi ay wadatay dabadeedna toogtay iyada iyo darawalkeediiba, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xildhibaanad haweeney ah oo baarlamaanka ka tirsan lagu dilo Muqdisho. “Kooxo hubeysan oo gaadhi watay ayaa isku hor-gooyay gaadhi ay la socotay Saado Cali, waxaa lagu furay rasaas, isla goobta waxaa ku dhintay xildhibaannada iyo darawalkeedii ku waday gaadhiga,” ayay tidhi haweeney ganacsi ku haysata agagaarka huteelka Ambassador oo la hadashay  warbaahinta. Dableyda dilka geystay ayaa markiiba goobta ka baxsaday sida ay haweeneydani u sheegtay warbaahinta, iyadoo ay markiiba goobta ku hungoobeen ciidammadda dawladda Soomaaliya oo tagay. Marxuumadda ayaa waxay ahayd marka laga soo tago xildhibaannimada mid ka mid ah fannaaniinta Soomaalida  ee sida weyn looga yaqaanay mandaqadda Soomaalidu degto oo dhan, waxaana tan iyo sannadkii 2012 ka mid ahayd baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ku baaqi jirtay in lagu dadaalo sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa. Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilka xildhibaannada, iyadoo la sheegay inay dileen xildhibaanada iyo darawalkeeda rag ku hubeysnaa qoryo culus oo ku sugayay meel ku dhow huteelka ay deggenayd ee Muqdisho. “Ciidamadeenna gaarka ah ayaa fuliyay dilka xildhibaanad Saado Cali Warsame, waxayna tani qayb ka tahay dilalka qorsheysan ee aan doonayno inaan ku layno xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya,” ayuu yidhi sarkaal u hadlay Al-shabaab.  Saado Cali Warsame ayaa ku noqonaysa afar xildhibaannadii sannadkan lagu dilay magaalada Muqdisho. sidoo kalena waxay laba ku noqonaysaa xildhibaannadii la dilay inta lagu jiray bishan barakeysan ee Ramadaan.

ALLE ha u naxariistee waxa ay Saado Cali Warsame fanka ku soo biirtay horaantii toddobaatanaadkii waxaana fanka ku saaciday inay ku soo biirto Idiris Cigaal oo haystay  idaacadda Radio Hargeysa.

Fanaanadu waxay ka mid ahayd fanaaniintii laf-dhabarta u ahayd Hoboladii Waabarri waxaanay heesaheedii u horeeyay ay la wadaagtay  ALLE ha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Muuse Ismaaciil Qalinle. Waxa ka mid ahaa heesihii u horeeyay ee ay qaaday “Badda cagaha geliyoo soo xidho cunaamiga” waxay safka hore kaga jirtay fanaaniintii hoboladii Waabari waxaana ka mid ahayd riwaayadihii ay ka qeyb qaadatay Riwaayadii la odhan jiray“Dumistii Aqalkayga iyo arooskii inankayga” oo uu hal-abuuray Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganey) waxay riwaayadaasi soo baxday 1976-kii. Waxa kale oo ka midaa “Xuud baa liqay Jacaylkii” oo uu lahaa Abwaan Sangub iyo “Xuskii Jacaylka” oo uu Abwaan Sangub curiyay.

Sidoo  kale waxay xidigad ka ahayd riwaayadii “Xoriyo Nin Gayaa ha Guursado” oo uu sameeyay abwaan Sangub.

Sida uu noo sheegay Ku xigeenka madaxa wararka ee TV-ga Qaranka Cali Axmed Cawaalle (Caano-dhame)  oo ah lafo-gurre fanka daraaseeya ayaa noo xaqiijiyay in riwaayadihii kale ee ay kaalinta ka qaadatay ay ka mid ahayd Riwaayadii caanka ahayd ee “Laankuruusar” oo lidi ku ahayd taliskii gacanta kululaa ee Siyaad Barre oo soo baxday sanadkii 1989-kii, riwaayadaasi oo ka mid ahayd riwaayadihii bulshada lagu dhacsiiyay bahalnimadii Taliskii Siyaad Barre.

Saado Cali waxa kale oo ay ahayd gabadha kaliya ee ka qeyb qaadatay silsiladii maansadii uu bilaabay Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye ee la odhan Jiray “Deelley”.

Waxay ka mid ahayd hablihii tiir dhexaadka ahaa ee ka tilmaanaa hobboladii loo yaqaanay Hooyadda fanka ee Waabarri.

Sida uu noo sheegay Cali Caano-dhame waxa Saado Cali ka sakow riwaayadihii ay ka qeyb qaadatay ka badnaa riwaayadihii ay sida qubanaha ah u soo saartay oo iskugu jiray kuwo ay inta badan la qaadeen Muuse Ismaaciil Qalinle  iyo Cabdi Baadil, waxa kale oo jiray heeso badan oo kale oo ay kaligeed qaaday oo aynu ku xasuusan karno “Liibaan ma leh adduunoo, adigoo ku laday Nabad, mar-mar bay lugtaadani luxudka kuu horseedaa” heestaas oo uu curiyay abwaan Aadan Tarabi.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply