Marwada Koowaad Ee Somaliland Oo Ka War-bixisay Shirweyne Caalami ah oo ay kaga Qeyb-gashay Ingiriiska

0
516

London (DAWAN)-Marwadda koowaad ee qaranka Somaliland, Marwo Aamina Sh. Maxamed  Jirde (Aamina Weris), ayaa ka qayb-gashay  shir caalamiya oo dawladda Ingiriisku ku qabatay magaalada London, kaasi oo lagaga hadlayey sidii adduunka looga joojin lahaa hablaha yar-yar ee guurka lagu qasbo, iyaga oo aan da’dii guurla gaadhin iyo gudniinka fircooniga ah.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen Madax ka socotay illaa 50 dawladood, ayaa Marwadda Madaxwaynaha Somaliland ka mid ahayd ergooyinkii lagu casuumay ee ka qayb-galay shirweynahaas

Marwada Madaxwaynaha Somaliland, oo xalay khadka Telefoonka ugu warantay TV-ga Qarabka, iyada oo ku sugan Magaalada London, ayaa oo faahfaahin ka bixisay  shirkaas waxaanay tidhi “Shirku waxa uu ahaa shir caalami ah oo lagaga hadlayay gudniinka fircooniga ah iyo caruurta yar-yar ee guurka lagu khasbo, konton Dal oo adduunka ka tirsan ayaa ka soo qayb-galay, hay’daha jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa ka soo qayb gashay, UNICEF, WHO iyo WFP iyo qaar kale oo badan, waxa ka soo qaybgalay hay’adaha NGO-yada loo yaqaan, waxa ka soo qayb galay qaar iyaga gudniinka fircooniga ah lagu sameeyay ama lagu khasbay iyagoo yar-yar inay guursadaan, waxa ka soo qayb-galay bulsho fara badan oo dhalinyaro u badan oo olole ugu jira sidii arrintaa loo joojin lahaa oo caalamka oo dhan ka kala yimid, Dawladda Ingiriiska ayaa xoog uga soo qayb-gashay, waxa ka hadlay raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameroon, waxa ka hadlay raysal-wasaara ku-xigeenka Ingiriiska, waxa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxa ka hadlay ugu yaraan 7 Wasiir oo dawladda ingiriiska ah, Xoghaya qaramada midoobay Bankin Moon ayaa isna Shaashadda shirka laga soo saaray (oo kaga qayb-galay) iyo Madaxa qaramada Midoobay u qaabilsan haweenka, markaa shirkaasi waxa uu ahaa shir caalamku isugu yimid, waxa ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Norway, wasiir ka socda Sweden iyo madax kale oo yurub iyo Afrika ah , waxaa ka soo qaybgalay laba marwo Madaxwayne, aniga iyo marwada Madaxwaynaha dalka Burkino Faso, labadayadaa ayaa wax marwooyin Madaxwayne ah ka soo qayb-galnay, markaa shirku waxa uu ahaa shir la isku arkay, shir wax ku ool ah ka soo baxay ayuu ahaa oo aqoon la kala faa’iidastay ayuu ahaa.”

Marwo Aamina-weris oo sii hadlaysa ayaa sheegtay “Dawladaha Sweden, Swiserland, Maraykanka iyo Ingiriiska lacago ayay ugu deeqeen sidii arrinkaa loo joojin lahaa, Somaliland-na waxa la casuumay aniga iyo Edna Aadan, waxa kale oo la casuumay Sheekh Almis Yaxye  oo ka mid ah culimada waaweyn, doodaha ayaanu ka qayb-galnay wixii dalka ka jira ayaanu ka warannay, Somaliland-na guul ayaanu shirkaas uga soo hoynay,”ayay tidhi, waxayna intaasi ku dartay “Shacbiga reer Somaliland Waxaan leeyahay Ciid Mubaarik.”

By: Yoonis M.Jaamac

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply