Waxgaradka Degmada Maxamuud Haybe Oo Qoddobeeyay Baahiyaha Bulsho Ee Ka Jira Degmadaas

0
504

Hargeysa, (Dawan)- Masuuliyiinta  degmada Maxamuud Haybe  ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay baahiyaha ugu waaweyn ee ka jira deegaankaas.

Qaar ka mid ah madax dhaqameed, aqoonyahan, waxgarad culimo aw diin haweenka  iyo  dhalinyarada degmada Maxamuud Haybe ayaa toddobaadkan kulano ay yeesheen, waxay  qiimeyn  ku sameeyeen baahiyaha  ugu waaweyn ee ka jira deegaannadaas hoos yimaada degmada, waxaanay kasoo saareen bayaan ay qodobeeyeen.

1-      Baahida biyaha

2-      Baahida caafimaadka

3-      Baahida wadooyinka

4-       Baahida nabadgelyada

Masuuliyiintu waxay bayaankoodan ku sheegeen in ay biyo la’aantu tahay halis weyn u haysa gaar ahaan bulshada danyarta ah.

Waxa kale oo ay tilmaameen  in ay jirto xaalad la xidhiidha adeegyada caafimaadka, keliya uu degmadaasi ka jiro  dhakhtarka manhal oo ganacsi ah, bulshada danyarta ahina aaanay waxba uga dan ahayn.

Waxa kale oo ay tilmaameen dhinaca wadooyinka inay ka jirto baahi badan oo  aanay la isku socon karin in badan oo ka mid ah qaybaha degmada Maxamuud Haybe maadaama oo ay tahay  buuro iyo jeex-jeex.

Sidoo kale, dhinaca nabadgelyada waxay masuuliyiintu tilmaameen  iyagoo ku xisaabtamaya bedka baaxada degmada iyo tirada dadka ku nool inuu ka jirto  saldhiga Qudhac Dheer iyo rugta ku taala masalaha, kuwaasoo aan hanan karin adeegyada nabadgelyada.

Sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay, in lagu soo kordhiyo saldhigyo iyorugo boolis, masuuliyiinta Maxamuud Haybe waxay  bayaankoodu ku muujiyeen  codsi  ay u dirayaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda caafimaadka, iyo wasaaradda biyaha si wax looga qabto baahiyaha caqabadda adag ku ah  jiritaanka bulshada Maxamuud Haybe.

Masuuliyiintu waxa kale oo ay kulankoodaa ku hambalyeeyeen boqorka guud ee koonfurta Hargeysa Boqor Raabbi Yuusuf Cabdilaahi oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid u tagaan mar walba horumarinta danaha bulshada degmada, adkaynta nabadgelyada iyo ixtiraamka jiritaanka qaranimada Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply