Wasaaradda Dibu-dejinta Oo Tabobar U qabatay Guddida Xaafaddaha State House-ka Iyo Stadium-ka

0
527

Hargeysa, (Dawan)- Wasaaradda dibu-dejinta ayaa tabobar u qabatay guddiyada xaafaddaha State House-ka iyo Stadium-ka ee magaalada Hargeysa, kaasoo  la xidhiidha sida ay uwada-shaqeeyaan labadaas xaafaddood iyo wasaaradda dibu-dejintu.

Tabobarkan oo ay soo qabanqaaabisay wasaaradda dibu-dejinta ayaa waxa  ugu horeyn halkaas hadal ka jeediyay agaasimaha guud wasaaraddaas Maxamuud Jibriil Yoonis, kana warbixiyay sababta ay uqabteen tabobarkaas, waxaanu yidhi, “Dadka danyarta ahi xerooyinka ay magaaalada Hargeysa ka degan yihiin waa 8 xero mid kastaana  guddi bayleedahay,  guddidaasina waa 120, waxaanu ku rajo weynahay haddaanu nahay wasaaradda in dhammaan wixii dadka  danyartu   degan yihiin  la siin doono tabobaro noocan oo kale ah, markaa  waxa maanta nasiib leh oo aanu madashan kula kulanay  guddida labada xero ee ay dadka danyarta ahi degan yihiin, uguna weyn marka loo eego  xeryaha kale stadium-ka iyo State House-ka sida aanu ka war qabno  8,811 qoys ayaa ku jira labada xero ee stadium-ka iyo state house-ka, dadkaasi run ahaantii waa dad danyar ah, nuxurka kulanka tababarkani waxa uu yahay in aad wax badan oo aad garanaysaan iyo wax cusubba la idiinku sheego.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda dibu-dejintu wuxuu sheegay in guddida xaafaddaha danyarta ahi ay door muhiim ah ugu jiraan wasaaradda. “Gudidan  dadka  danyarta ahi ku jiraan aad bay u qiimo badan yihiin, waana  baalasha ay ku duusho wasaaradda dibu-dejintu, maadaama oo ay Somaliland tahay meel nabad ah, dhulka aad guddida ka tihiin, xaafaddo qorsho lagu degay maaha oo maanta haddii dhibi ka dhacdo meel loo soo mara ma  jirto.” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa degan idinkaana guddi ahaan ka masuul ah ogna aqal walba cidda ka soo baxda iyo cidda u adeegta, idinkaana u dhib yareyn kara hay’addaha amniga suga, waxaana la doonaya sida aad masuulka uga tihiin in aad u sugtaan amniga.”

Waxa uu agaasimuhu tilmaamay inay tiro-koob ku sameeyeen dadka degan xaafaddaha danyarta ah, isla markaana waxa uu meesha ka saaray kaadhadh been abuur oo uu sheegay in suuqyada dadka lagaga iibinayo, waxaanu yidhi.  “Tiro koobkan aanu ku sameynay labada IDPs hay’addii sameysay tiro koobkan kaadhadh ayay sameysay, kaadhadhkuna waxa ay la mid yihiin kuwii  hore. kaadhadhka la leeyahay iibsada dadka suuq jooga ah,  ee la leeyahay wasaaradda dibu-dejinta ayaa bixisay, waxba ka ma jiraan. Dadweynaha waxaanu ku wargelinaynaa  in ay soo qabtaan cidda wararka noocan oo kale ah  galisa suuqa.”

Waxa uu gegabadii agaasimaha wasaaradda dibu-dejintu kula dardaarmay guddida labada xaafaddood ee State House-ka iyo Stadium-ka. “Runtii waxa tihiin buundadii u dhexaysay  dawladda iyo ummada, xukuumaduna balanqaad fara badan oo ay ummadda u samaysay way fulisay 80% oo way socdeen, inta hadhayna haddii Alle yidhaah way dhamaystirmi doonaan, bishan barakaysan ee ramadaan ee lagu jiro waxa jira abaaro ka  jira goobaha ay ku jiraan dadka danyarta ah ee noocan oo kale ahi waxaananu kula dardaarmaynaa inay ducaystaan Illaahay waydiistaan inuu roob siiyo.”

By: Khadar M.Xaashi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply