Ciidanka Qaranka Ee Aagga Saax-dheer Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadhigii Iyo Ilaaladii Cali Khaliif

0
478

Hargeysa, (Dawan)- Ciidanka qaranka Somaliland ee Somaliland ee ku sugan aagga Saax-dheer ee gobolka Sool,ayaa gacanta ku dhigay gaadhigii dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh,  dirawalkiisii iyo ilaaladiisii.
Sarkaal sare oo ku sugan aagga Saax-dheer  oo ka tirsan ciidanka qaranka,ayaa wargeyska Dawan u xaqiijiyay qabashada gaadhiga dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh iyo ilaaladiisa,waxaanu intaa ku daray in  uu ka baxsaday nin kale oo ka mid ahaa ilaalada Cali Khaliif Galaydh. “Waanu haynaa gaadhiga Cali Khaliif iyo dirawalkiisiiba waanan soo wadnaa.”ayuu yidhi sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka ee aagga Saax-dheer.
Dhinaca kale waxaa war qoraal ah ka soo baxay taliska guud ee ciidanka qaranka oo caddeeyay qabashada gaadhiga Cali Khaliif Galeydh.
Warkaas qoraalka ah ee ka soo baxay taliska  guud ee ciidanka qaranka ayaa lagu sheegay in aanay ciidanka qaranka wax dhibaato ahi ka soo gaadhin qabashada gaadhiga Cali Khaliif Galeydh.
Waxaanu u dhignaa warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland sidan: “Cutub-yada ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan aagga Saax-dheer waxay gacant ku dhigeen badhtamihii xalay gaadhigii dagaal ooge Cali Khaliif Galeydh, iyadoo ilaaladiisuna saaran tahay. tani waxay digniin u tahay dagaal ooge kasta.”
Qoraalka ee ka soo baxay taliska guud ee ciidanka qaranka ayaa waxaa ku saxeexnaa taliyaha ciidanka qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply