Madaxweyne Ku xigeenka Oo Shacbiga Salaadii Jimcaha Kula Tukaday masaajidka Xawaadle

0
39

HARGEYSA (DAWAN)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay salaadii jimcaha waxa uu dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukaday masaajidka Quba ee xaafadda Xawaadle ee Magaaladda Hargeysa.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo aan wadan wax ilaalo ahi waxa salaadii jimcaha ka dib gacan qaadayay dadweyne tiro badan oo ka mid ah dadweynihii ku tukanayay masaajidkaasi.
Imaamka Masaajidka Sh. Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadan Siirro) ayaa khudbadii Salaada Jimcaha waxa uu tafaasiil kaga bixiyay sida diinta islaamku u waajibisay bixinta sakadda oo ah taar dhaqaale oo kor loogu soo qaadayo nolasha dadka masaakiinta ah, waxaanu  dadweynaha ku guubaabiyay inay maalkooda ka bixiyaan qadarka sakadda ee ku waajibtay.
Tallaabadda madaxda sare ee qaranku ay shacbiga kula tukanayaan masaajidada iyagoo aanay la socon wax ilaalo ahi waxay ka turjumaysaa nabad-gelyadda cagaha adag ku taagan ee ka jirta Somaliland.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here