Wasiirka Xoolaha Oo Ka Hadlay Habka Loo Maamulayo Seeraha Aroori iyo Qool-cadey

0
505

Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir Cali, ayaa faahfaahin ka bixiyay habka loo maamulayo  Seeraha Qool-cadey iyo Aroori  oo uu sheegay inaanay jirin cid meel ay deganayd laga rarayo.
Waxa kale oo uu tilmaamay wasiirku in  hadba dhinac la beerayo dhinacna dadku degayo oo  hab loo maamuli doono seeraha, taasoo faa’iido u ah dadka deegaanka.
Wasiirka ayaa ka jawaabay hadal madax-dhaqameed iyo xildhibaano deegaanka ah ka soo yeedhay, kaasoo ku salaysnaa muran ka taagan dhulkaas seeraha laga xidhayo eeddahaas oo uu sheegay  inaanay waxba ka jirin, isla markaana uu caddeeyay in aanay jirin dan gaar ah o laga leeyahay seeraha oo aan ahayn in dalka loo beero. “Seeraha Aroori iyo Qool-cadey cid meel laga rarayaa haba yaraatee ma jirto. Waa la joojiyay seerihii dadka laga rari jiray. Laba qaybood ayaa loo kala xidhayaa, dadka deegaanka ayaa kolba dhinac degaya oo u kala guuraya waxaa luuqada ingiriisiga lagu yidhaahdaa (Rotational grazing system). Dhinaca ay degan yihiin mooyaane dhinaca kalena waxaa looga beeraya daaq iyo caws, waa danta deegaanka.” ayuu wasiir Cabdi Aw-daahir oo sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta Facebook ee ku leeyahay bogga Internet-ka.
Wasiirku waxa uu u jawaabta dadka eedaynaya mashruuca seeraha Aroori iyo Qool-cadey ku sheegay inay ogaan doonaan faa’iidada ugu jirta marka habka maamul la raaco. “Waxaan hubaa in deegaanku ogaan doono ka wax taraya iyo ka khalkhalinaya ee u tumaaya durban been ah ee sheegaya in muran jiro, dadka deegaanka ayaa taladeeda iska leh, waana inay ka faa’iidaystaan, markaad ogaataan waxtarkiisa badan ee idinka idiinku jira oo aan hubo in aad ogaanaysaan ayuunbaa la bilaabayaa, mar labaad waxaan ku celinayaa cid laga rarayaa ma jirto adigoo yaalla ayaa kolba dhinac laguu xidhayaa, waxa lagaaga samaynayaa warihii, ceelashii iyo daaqii iyo adeegii kale.” ayuu yidhi wasiirka xanaanada xooluhu.
Wasiirku ugu dambeyntii waxa uu dadka tuhunka iyo fikirka qaldan ka haysta seerahaasi u soo bandhigay ciwaano ay la xidhiidhaan si loo fahansiiyo seeraha  iyo habka loo beerayo, waxaanu yidhi, “Si aad xogogaal u noqoto la soo xidhiidh tel. No 0634240082 AMA e-mail: Molharg2@hotmail.com si ballan laguugu qabto maalmaha isniinta 9:00- 12:00 subaxnimo madaxda wasaaradda xanaanada xoolaha oo aad la wadaagi doonto talo waxtar u leh deegaanka iyo seerahaaga, waanu u samraynaa dareeenka dadkayaga ilaa ay nala fahmayaan waxaanu u qabanayno inuu yahay dantooda.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply