Hay’ada caafimaadka adduunka oo ka dayrisay kor u kaca xanuunka Cancer-ka

0
701

Hargeysa (DAWAN) Hay’ada Qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO ayaa tilmaantay in sannad walba uu kor u kac ku imanaayo fiditaanka xanuunka Cancer-ka loo yaqaano,siday ku sheegeen warbixin ay soo saareen toddobaadkii ina dhaafay,iyaga oo intaas raaciyey inay aad uga werwersan yihiin xanuunkaasi iyo kor u kaca uu samaynaayo.
Hay’adan ayaa sheegtay inay sidoo kalena kor u kaceen dadka qaba xanuunkaasi ,taas oo ay sheegeen inay gaadhey ilaa 14 million oo qof,kuwaas oo u dhigma ama noqonaaya tiradii ugu badnayd ee uu xanuunkaasi ku dhaco caalamka dhawrkii sanno ee lasoo dhaafay.
Tiradan ayaa ah mid aad uga badan tiraddii uu ururkaasi caafimaadka adduunku soo saaray sannadkii 2008 dii oo ahayd markii ugu dambaysay ee ay ku sameeyaan dadka xanuunkaasi asiibay ,waxaanay sannadkaasi dhamayd siday sheegeen 12.7 million oo qof,taas oo ka dhigan inuu kor u kacay xanuunkaasi wixii sannadkaasi ka dambeeyey tiro aad u badan oo dhan 7.6 million ilaa 8.2 million .
Taasina waxay keentay inay kor u kacaan dadka xanuunkaasi asiibay,waxaana dadkaasi lasoo gudboonaaday siday khubaro ururkaasi ka socotay tilmaameen nolol adag oo ay kala kulmeen xanuunkaasi ,gaar ahaana dadka ku nool wadamada dhaqaalohoodu hooseeyo oo ah siday sheegeen kuwa uu ku badan yahay xanuunkaasi.
Kooxdan khubarada ah ee kamid ka ahaa dadkii dabagalka iyo tiro koobka ku sameeyey ,warbixintana kazoo saaray xanuunkan ayaa tilmaamay in fiditaanka xanuunkan ay keentay cabitaanka sigaarka oo kor ugu kacay meelo badan oo kamid ah caalamka ,gaar ahaana wadamada  dhaqaalohoodu hooseeyo,taasina ay noqotay mida keliyaata ee loo aanayn karo kor u kaca ku yimid xanuunkaasi.
Waxa kale oo ay sheegeen in cabitaankaasi ka qayb qaatay fiditaanka kala duwan ee xanuunkaasi lee yahay ,gaar ahaana qaybta ku dhacda sambabada oo ah qaybaha ugu khatarta badan xanuunkaasi sida dhakhsaha ah u gudubta ama u fida ,iyaga oo ku tilmaamay inay tahay ta iminka ugu daran ee fiday qaybta ama nooca ku dhaca sambabada.
“xanuunkan Cancer-ku waa mid aad u khatar badan ,laakin waxaanu aad ula yaabnay sida fudud ee uu u fiday,waana mid aad loola yaabo ,waxa kale oo aanu ogaaney in sigaarku kor u qaaday xanuunkaasi,waana mid loo baahan yahay in si wada jir ah wax looga qabto ,iyada oo ilaa hadda ay kooxaha kala duwan ee nala shaqeeyaa (WHO) ay dedaal ugu jiraan sidii ay dawo ugu heli lahaayeen xanuunkaasi”.sidaas waxa yidhi David Forman oo ah mid kamid ah hay’ada baadhitaanada Cancer-ka oo hoos timaada  hay’adan jimciyadda Quruumaha ka dhacaysa u qaabilsan caafimaadka adduunka.
Waxa ay kooxahani sheegeen inay dhowaan ogaadeen daahana ka qaadi doonaan xanuunkaasi qayb kamid ah oo dumarka ku dhacda ,kaas oo ka duwan Cancer-ka naasaha ku dhaca ,waxaana laga helay xanuunkaasi qaybtiisa dumarka wadamo gaadhaaya 140 wadan oo kala duwan .
Kooxdan WHO ayaa qoraalkooda ku sheegay in ay filayaan korodh kale oo ku yimaada xanuunkaasi ,gaar ahaana sannadka 2025 ka oo ay yidhaahdeen waxa laga yaabaa inuu gaadho ilaa 19 million in ka badan oo xaaladood ,gaar ahaana dhinaca isbedbedelka oo ay sheegeen inay tahay ta ugu daran ee ay adag tahay in lala socdaa.
Maxamed Axmed Yuusuf
Dawannews/Hargeysa Office

Leave a Reply