Shirkii AIDS-ka adduunka oo lagu soo gebo gebeeyey digniino sharci

0
584

Hargeysa (DAWAN)Shirkii 20aad ee ay isugu yimaadaan ururada arrimaha AIDS-ka ayaa lagu soo gunaanadey wadankaasi Australia maalintii jimcihii,kaas oo talooyin loogu soo jeediyey dhaliilo kala duwan sharciyada kala duwan ee caalamka ka jira.
Sharciyadan ayaa ah kuwo ay ku sheegeen inay kala kulmeen takoorid fara badan,sidoo kalena waxay sheegeen inay yihiin waxyaalaha keenay in lagu guul daraysto joojinta xanuunkan.
Shirkaasi waxa lagu doortay Chris Beyrer oo loo doortay madaxweynaha dalladan International AIDS Society oo loo soo gaabiyo (IAS),iyada oo halkaasi lagu bedelay madaxweynihii hore ee ururkaasi inta mudada ah soo xukumaayey,iyada oo halkaasi amaan fara badan looga jeediyey.
Markii halkaasi lagu doortay ayuu hadal halkaasi ka jeediyey Mr Chris isaga oo ka hadlay xaaladaha kala duwan ee dadka xanuunkaasi la nool haysta,waxaanu yidhi “mawjado takoorida ayaa nalagu hayaa oo aanu ku dhex jirnaa,waana mid adag oo u baahan in loo adkaysto,waxa jira in shuruucda iyo siyaasadaha dawladuhuba ay anaga dib noogu soo fadhiisteen,iyada oo la xadidaayo xuquuqdayada,lana yaraynaayo caafimaadka aanu helayno,waxa kale oo meesha ka sii baxaaya mucaawimooyinkii aanu heli jirney iyo la dagaalankii Virus-ka”. Ayuu yidhi madaxweynaha ururka IAS mr Chris.
Saraakiisha ururkaas ayaa soo qaaday kiis dhowaan ka dhacay dalkaasi Ugandha oo ahaa mid kamid ah xubnaha nurse-ka dalkaasi oo lagu xidhay dalkaasi ,iyada oo lagu eedeeyey inay gudbinaysay xanuunkaasi ,iyada oo sidoo kalena lagu eedeeyey inay dawooyinka u kala iibgeyn jirtey wadamo ku yaala barriga qaarada Yurub iyo sidoo kalena badhtamaha Aasiya.
Xubin ka socotay South African Human Sciences Research Council ahaydna guddoomiyaha ururkaasi oo lagu magcaabo Olive Shisana ayaa sheegtay inay jirto waxyaalaha takoorka ah ee uu sheegay madaxweynaha cusub ee ururkaasi loo doortay,iyada oo ka hadlaysana waxay tidhi mrs Shisana “wuu socdaa weli takoorkaasi,waana mid iminka weji kale yeeshay oo dadkan ayaa la takooraa xanuunkan la nool,waa mid galay xataa meelihii aqoonta iyo meel kasta oo bulshadu ku kulanto,waana mid u baahan in wax laga qabto,iyada oo la wada jiro”.
“saddexdii qarni ee lasoo dhaafay waxa uu xanuunkan HIV/AIDS-ku ina baray waxyaalo badan ,waxaana kamid ah in aanu xanuunku ahayn ka takoorka keena laakin ay dadka iyo dawladuhu keenaan”.sidaas waxa yidhi mid kamid ah barnaamijka la dagaalanka xanuunkan HIV-ga iyo AIDS-ka,isaga oo intaas raaciyey inuu noqon doono mid loo aqoonsado xanuunkani sannadka 2030 ka aafo guddubta.
Qaaradan Afrika ayaa ah mid ku hadhay xaaladaha ugu adag ee xanuunkan,iyada oo 1.1 million oo qof ay ugu dhinteen sannadkii 2013 kii xanuunkan,sidoo kalena 1.5 million qof oo cusub uu ku dhacay ,sidoo kalena waxa la nool xanuunkan dad lagu sheegay inay gaadhayaan 24.7 million oo qof.
Hay’adan ayaa tilmaantay in dhimashada xanuunkan ee caalamku ay kor usii kici doonto qarniyada soo socda,sidoo kalena dadka cusub ee uu ku dhacayaa ay laba jibaarmi doonan haddii aan waxba laga qaban qarniyada soo socda.
Maxamed Axmed Yuusuf
Dawannews/Hargeysa Office

Leave a Reply