“ILAAHAY Ayaan Uga Mahad Celinayaa Caafimaadka uu I Siiyay Iyo Masuulka uu Ummadda Iiga Dhigay” Madaxweynaha Somaliland

0
548

LONDON (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warar sheegayay in xaaladiisa caafimaad liidato oo lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha internet-ka, waxaanu sheegay in arrintaasi ay tahay dacaayad aan raad lahayn.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay ka hadlayay xaflad afur iyo casho iskugu jirtay ay u sameeyeen qaar ka mid ah qurbo-jooga reer London, waxaana xafladaasi kala qeyb galay Marwadda koowaad Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam  Cabdi Aadan,  Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI Iyo UCID, wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Cali Aadan Cawaalle, siyaasiyiin  iyo marti-sharaf kale.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ugu horayn u mahad celiyay xubnaha qurbo-jooga reer London ee xafladaasi u sameeyay, waxaanu yidhi   “Jaaliyadda reer UK ee halkan iskugu timi iyo marti-sharafta kale aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida sharafta leh ee halkan noogu soo dhaweyseen waan idiinka mahad celinayaa,  dalkii warkiisi waad haysaan waxba idin kama dhina dal dimuqraadi ah ayaynu nahay dimuqraadiyada qaarba si ayay u fahmaan dad badan ayay dimuqraadiyada iyo Tignoolajiyaduba  u danaysay laakiin waxa wanaagsan Alle ha ina tuso,  dalkan waxa badan ayaa laga qabtay oo iska bedalay  mudadii aanu joognay oo laga qabtay dhinacyada caafimaadka, waxbarashadda iyo adeegyadda kaleba.”
 
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in maadaama oo aynu nahay dal dimuqraadi ah ay u adkaysan doonaan wixii dhaliil lagu toosinayo, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dal dimoqraadi ah ayanu nahay ma dhaliil li’in oo ma diidayno dhaliil waxa la qabtay-na ma yara, waanu u adkaysanaynaa oo diyaar ayaanu u nahay oo waanu qaadanaynaa wixii toosina. Jaaliyada reer Somaliland  waan u mahad celinaynaa kaalinta ay dalka kaga jiraan mar walba.”
Madaxweynaha oo ka hadlayay warar ka dayrinayay caafimaadkiisa oo lagu baahiyay shabakadaha Internet-ka qaarkood, waxa uu yidhi “Caadfimaadkayga ayay wax ka sheegaan (saxaafaddu) waanigaa caafimaadka  qaba ee idin hor-jooga wixii run ah ayaa iska soo bixi doona,   Illaahay baan ugu mahad-naqayaa caafimaadka  uu I siiyay iyo masuulka ummada iiga dhigay labadaba.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu xafladaasi ka ammaanay Wasiirka waxbarashadda oo uu xusay inay wax badan ka qabatay horumarinta tacliinta mudadii ay xukuumadiisu jirtay.
Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska iyo xubno ku hadlayay afka saddexda xisbi qaran oo dhammaantood sheegay in aanay haboonayn in wax laga sheego cirdiga madaxda qaranka isla markaana warar aan jirin laga fidiyo caafimaadka madaxweynaha.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply