Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Qabyaalad Miciinsaday, Quusna Ka Taagan Taageeradii Shacbiga

0
475

Hargeysa (Dawan)-Hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan kooxda siyaasadda ku jaho-wareertay   ee samaystay ururka sharci darrada ah ee la magac baxday Madasha wadatashiga ayaa maalmihii u dambeeyey magaalada Hargeysa ka wadey shirar kala duwan iyo ololeyaal oo lagu kala qaybinayo beelaha  reer Somaliland ee walaalaha ah, kuwaas oo ay ku beer laxawsanayaan qaar ka mid beelaha dhexe ee Somaliland iyagoo aan xaalaynaynin beelaha kale ee dalka  degan.
Siyaasiyiintan qabyaalada iyo cunsuriyada isu bahaystay ee ka kala tirsan labada xisbi mucaarid  iyo kooxdii siyaasada ku fashilantay ee isku magacawday Madasha wadatashigu waxa ay dhawrkii habeen ee ina dhaafay magaalada Hargeysa ku qabanayeen  kulamo doceedyo reereed oo ay bulshadda ku doonayaan inay ku kala dhilaan. Shirarkaasi oo ay sheegeen inay kaga wada tashanayaan midaynta Beelaha Habar-magaadle isla markaana ay ku nashaqadeynayaan iyo qorsheyaal  iyo   shirqoolo   dhalanteed ah oo ay doonayaan inay ku ridaan xukuumadda Somaliland ee ku timid rabitaanka iyo iraadada bulshadda reer Somaliland, marka la gaadho doorashadda madaxtooyadda ee kal-dambe lagu wado inay dalka ka dhacdo.
Siyaasiyiintan ololahan ku maxaabsanayaa waxay u xusul duubayaan inay hanaan aan xalaal ahayn oo aan ku wanaagsanayn sunaha dawladnimo iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka  mdina ay isku dayaan inay xisbiyadda mucaaridka ah ee aan hadafka iyo barnaamijka siyaasadeed midna lahayn loogu soo jiidi lahaa taageeradda dadweynaha qeybo ka mid ah beelaha dhexe ee Somaliland, maadaama oo siday sheegeen ay murrashaxiinta Madaxtinimadda ee WADDANI iyo UCID ay yihiin xubno ku abtirsada ardaaga habar-magaadle.
Kulankii ugu dambeeyey kulamadaas qabyaalada iyo kala qaybinta ummada ku dhisan oo  habeenimadii Isniinta ee 21. 07. 2014, ka dhacay guri ku yaala xaafada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa  oo ay ka qayb-galeen dhawr  oday oo ka mid ah  madax dhaqameedka  beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa  iyo xubno ka mid ah siyaasiyiinta ku hawlan abaabulida iyo qabashada kulamadaas qabyaaladeed,oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xaashi Cilmi, Cali Maxamed Yuusuf Cali Gurey oo ah Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID, Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Majaajiliiste Jamaal Cali Xuseen (Jamaal Qoslaaye) oo ay wehelinayeen xubno beeshiisa ah, oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Ibraahim Dhego-weyne), Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, iyo kuwo kale oo aan la magacaabin.
Warku waxa uu intaas raaciyey in Jamaal Qoslaaye iyo xubnaha kale ee ay isku beesha yihiin ay kulankaas odayaasha kaga codsadeen  in ay beel ahaan u taageeraan Murashaxa Xisbiga UCID , oo ay sheegeen in uu yahay ninka ugu xiga reer ahaan sadexda murashax ee Ku  tartami doona doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto  sannadka dambe ee 2015-ka. sidoo kale Majaajiliiste Jamaal yare iyo xubnaha kale ee reernimada kula socday waxa ay dhaliilo faro badan  iyo eedo kala gedisan u soo jeediyeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumadiisa, isla markaana waxa ay odayaasha ka codsadeen in ay taageerada kala laabtaan Madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye, isla markaana ay qabyaalad iyo reernimo ku taageeraan  xisbiga UCID  iyo murashaxiisa Madaxweynaha Mr Jamaal Qoslaaye.
Xubnahaasi waxa kale oo la sheegay in ay odayaashaas u bandhigeen hadal cabasho iyo garnaqsi qabyaaladaysan isugu jira oo ay ku muujinayaan sida uga xun yihiin isla markaana uga soo horjeedaan shir todobaadkii hore magaalada Hargeysa ku dhex maray xubno odayaal iyo siyaasiyiin ah oo ka soo kala jeeda beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa iyo beesha Galbeedka Burco, kuwaas oo la sheegay inay shirkaas kaga wada hadleen laba arrimood oo kala ah,
sidii ay aayahooda iyo dannahooda  uga wada tashan lahaayeen wax lagu tilmaamay beelaha Habar Magaado, iyo sidii taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee ku abtirsada beelaha Habar Magaado, gaar ahaan beelaha deegaamada Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa taageeradooda loogu  wareejin lahaa dhinaca xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, oo lagu tilmaamay in uu yahay xisbi Habar Magaado, isla markaana  uu murashax iyo guddoomiyebe ka yahay nin Habar Magaado ahi.
 
Iyada oo warku intaas raaciyey in ay Jamaal Qoslaaye iyo xubnihii kale ee taageerayaashiisa ahaa ku doodeen, isla markaana odayaashaas ugu gar dhigteen in shirka lagu tilmaamay wadatashiga beelaha Habar Magaado ee ay ka qayb galeen ahaa shir iyaga ku lidi ah oo lagula dagaalamayey Xisbiga Ucid iyo Murashaxiisa Madaxweynenimada, sidoo kalena waxa ay Jamaal iyo saaxiibadii duqaydii kulankaas ka qayb gashay u sheegeen  in uu Jamaal taageerada iyo codadka beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa kaga xaq leeyahay Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa Wadani, maadaama uu reer ahaan isagu ka xigo oo uu  uga dhow yahay beeshaas. Sidoo kalena Jamaal waxa uu odayaasha ugu calaacalay in murashaxnimadiisa laga noqon karo hadii uu xisbiga Ucid taageerayaal ku soo kordhin waayo, taasna sida keliya ee uu kaga hortigi karaa ay tahay in uu helo taageerada beesha ay odayaashaasi ka soo jeedaan.
Waxaase  la soo weriyay   in odayaashii kulankaas ka qayb galay beeniyeen in ay wax cod iyo taageerro ah u balan qaadeen siyaasiyiintii   ka soo jeeday  xisbiga WADDANI  iyo Odayaashii Beesha Galbeedka Burco, balse waxa ay u xaqiijiyeen inay  jiraan kulamo dambe oo ay labada dhinac u balansan yihiin in arimahaas lagaga wada hadlo.
Geesta kalena waxa kulankan ka horeeyay shir doceed kale oo ay todobaadkii hore  isku soo hor-fadhiisteen xubno kale oo isku tilmaamay odayaasha iyo wax garadka  beelaha Habar Magaado, gaar ahaan beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa iyo beesha Galbeedka Burco. Kulankaas oo ku qabsoomay Huteelka Kaah ee magaaladda Hargeysa ayna  ka qeyb galeen  siyaasiyiin kala duwan oo isugu jira qaar xiqdi iyo xaasidnimo gaamurtay u haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, oo ay horkacayaan Maxamed  Xaashi Cilmi, Xidhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Siciid Sulub Maxamed iyo Dr Maxamed Cabdi Gaboose. waxa la sheegay in  lagu faaqiday dhawr arimood oo ay ka mid yihiin sida run looga dhigo karo riyadda la xidhiidha in la mideeyo wax lagu tilmaamay afarta beelood ee Habar magaado ku abtirsada oo kala ah Habar Awal, Habar Garxajis, Arab iyo Ayuub, kuwaas oo ay ka qaybgaleyaasha kulankaasi ku doodeen in midayntooda iyo isu keenidoodu  muhiim u tahay  isbahaysiga qabyaalada iyo kala fogeynta bulshada ku dhisan ee ay samayntiisa ololaha ugu jiraan. Kaas oo ay u arkaan in uu yahay sida keliya ee ay ku gaadhi karaan qorshahooda khiyaaliga iyo laab la kaca ku salaysan ee ay ku doonayaan in ay ku ridaan Madaxweynaha JSL iyo xukuumadiisa.
Warkani waxa kale oo uu intaas ku daray  in qaar ka mid ah siyaasiyiintii kulankaasi ka qeyb galay uu ka mid yahay Maxamed Xaashi Cilmi ay soo jeediyeen in loo hawl-galo sidii beelaha Habar-magaadle ay codkooda ula garab istaagi lahaayeen xisbiga WADDANI doorashada soo socota, hase yeeshee waxa ay arrintaasi ku xidheen shardi ku saabsan in murrashaxa madaxweynaha Xisbiga Wadani qofka uu noqonayo laga baaraan-dego oo aan Cabdiraxmaan Cirro lagu deg-degin in la sii shaaciyo inuu yahay Murrashax madaxweyne ee Xisbigaas. Warku waxa uu intaas ku daray in xubno ka mid ah odayaashii iyo siyaasiyiinta beesha galbeedka Burco ay sas ka muujiyeen dhawaaqaasi isla markaana  ku doodeen inaanay suurto-gal ahayn  in Cirro lagula tartamo murrashaxnimadda Xisbiga iyo in la  bedalo midna, taasi oo shirkaasi ka dhex abuurtay kala shaki hor-leh oo durba lagu kala biyo diiday hanaanka loo midoobayo iyo murrashaxa la isku raacayoba.
Qoddobada kale ee shirkaasi  lagu soo qaaday waxa ka mid ahayd in aan wax taageerro ah la siinin xisbiga UCID, maadaama oo aanay suurto-gal ahayn siday sheegeen inuu guul ka gaadho doorasho Madaxweyne isla markaana murrashaxoodu yahay ka ugu meeqaam hooseeya saddexda murrashax ee illaa imika la og-yahay inay u taagan yihiin doorashada madaxtooyadda, taas aawadeedna waxa ay siyaasiyiintaasi ku taliyeen in  si doorashada loogu guulaysto loo baahan yahay in Faysal Cali Waraabe iyo beeshiisaba lagu qanciyo in ay ka tanaasulaan taageerada ay siiyaan xisbiga Ucid isla markaana ay codadkooda iyo taageeradoodaba ku biiriyaan  Xisbiga Wadani.
Siyaasiyiinta soo alifay sheekadan beelaysan waxa ujeedadoodu yahay inay ismuujiyaan si ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugaga rux-ruxdaan mansabo waaweyn oo ay ka qabtaan xukuumadda. Waxa kale oo ay shaambad reernimo ku dhufteen xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI  Iyo UCID oo ay suurto-gal tahay in bulshadda markii horeba ka calool-weydsanayd ay dib candhuuftooda uga sii liqaan marka ay ogaadaan in barnaamijka siyaasadeed ee ugu weyn ee ay iib-geynayaan uu yahay mid culayska lagu saarayo beelo gaar ah  oo lagu kala fadilayo beelaha ku walaaloobay qaranimadda Somaliland, qaarna lagu faquuqayo.
Dhaqdhaqaaqyadan siyaasiyiinta mucaaridka ah  oo danahooda siyaasadeed iska hor imanayaan ayaa la saadaalinayaa in isku daygoodan iyo shirqoolkan ay isla maagan yihiin uu gacantooda ku dhicisoobi doono iyagoo aan wax tallaabo ahba qaadin, maadaama oo shacbiga reer Somaliland ee bislaaday
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply