“Warkaasi waa Been Madaxweyne Ku xigeenkuna Ma Isticmaalo Twitter-ka, Dalkuna waa Nabad-gelyo”

0
482

HARGEYSA (Dawan)- Madaxtooyadda Somaliland ayaa si adag u beenisay war lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo liidato isla markaana Madaxweyne Ku xigeenku heegan geliyay dalka.Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo ay faafiyeen qaar ka mid ah saxaafadda war-xumo tashiilka ah.Mr. Dhuxul wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay  siiyay Tifaftiraha Guud ee wargeyska DAWAN, Cumar Maxamed Faarax.Ugu horayn Afhayeenka Madaxtooyadda oo la weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo iyo jiritaanka warka sheegayay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynuhu liidatosida lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha Internet-ka, waxaanu yidhi “Runtii waa arrin haba yaraatee wax ka jiraa aanu jirin oo aan sal iyo raadtoona lahayn, madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland nasasho ayuu u tagey dalka Ingiriiska, wuxuuna dadka reer Somaliland ee ku dhaqan magaalaDda London kula tukan doonaa salaada ciidal-fitriga. Waxaa wax lala yaabo ah oo shacabka reer Somaliland aanu ka raali-gelinaynaa sida mar walba saxaafadda qaarkeed war aan xaqiiq ahayn oo ummadda khal-khal ku ridi kara aanay iyaga oo aan hubsan ay sii daayaan.” “Waa arrin akhlaaqiyaadka saxaafadda ka baxsan, dalkan shacabka Somaliland way wada leeyihiin qofka suxufiga ahina waa muwaadin, kuwa kalena waa muwaadiniin, dhisimihiisa iyo wada-jirkiisa ayaa loo taagan yahay, qofkasta oo innaga mid ah oo khal-khal geliyaana waa qof u adeegaya cadawga Somaliland,”ayuu intaas raaciyay Afhayeenka Madaxtooyaddu. Mr. Dhuxul waxa uu sheegay in caafimaadka Madaxweyne Axmed Siilaanyo aad u wanaagsan yahay, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuu caafimaad qabaa. Waxa kale oo ay warbaahintaa warxuma tashiilka ahi sheegeen in madaxweynaha ay xaaladdiisu liidato iyo madaxweyne ku-xigeenka oo heegan geliyay ciidanka iyo dalkaba,  waa arrin lala yaabo runtii, waxay weliba yidhaahdeen madaxweyne ku-xigeenku wuxuu isticmaalay barta bulshada ee Twitter-ka oo uu ku faafiyay warkaas uu heeganka ku geliyay dalka, waxaan leeyahay madaxweyne ku-xigeenku ma isticmaalo Twitter, waana arrin qayrul masuulnimo ah oo la doonayo in dhibaato dalka lagu galiyo oo wada-jirkiisa lagu wiiqo, waa dhibaato markii uu cadawga Somaliland meel kale oo uu kasoo galo uu kari waayay uu adeegsanayo qaar innaga mid ah.” “Waan ka raaligelinayaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba anigoo afka madaxweynaha iyo afka madaxweyne ku-xigeenka ku hadlaya, waxaan ugu bushaaraynaynaa in dalku nabad yahay sidii wada-jirka ahayd ee dadka ay mar walba heeganka ugu ahaayeen ilaalinta nabadgelyada iyo niyada daacada ah ee ay ku barbar taagnaayeena ay  la garab taagnaadaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu. Mr. Dhuxul waxa uu tilmaamay inaanay xukuumaddu ka hadhi doonin  cidii faafisay warkaas “Waxaan idiin sheegayaa inaanu maxkamad la tiigsan doono oo aanaan ka hadhi doonin cidii warkan been abuurka ah faafisay,”ayuu yidhi Afhayeenku. Axmed Saleebaan Dhuxul waxa kale oo uu noo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu xalay  xaflad afur iyo casho iskugu jirta la leeyahay qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda London ee dalka Ingiriiska.
By: Siciid M. Askar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply