Maxaad ka taqaanaa 10 magaalo ee ugu tijaarta badan Maraykanka.

0
777

Hargeysa (DAWAN) Waa magaalo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkaasi Maraykanka,waana mid kamid ah gobolka California ,waa magaalada Saddexaad ee ugu balaadhan gobolkaasi ,waxaanay kamid tahay tobanka magaalo ee ugu baaxada weyn dalka Maraykanka marka la eegaayo magaalooyinka dalkaasi ka kooban yahay,waana magaalada ugu weyn ee ku taala agagaarka Silicon Valley.
Magaaladan ayaa la aas aasay 29 kii November 1777 kii,waa meel ay deganaan jireen ciidamo dalkaasi Spain ka socday ,waxaanay markii dambe noqotay meeshii keliyaata ahayd ee dad shicib ahi degeen markii dambe magaalo ahaan .
Magaaladani waa meel ay soo mareen boqortooyooyin kala duwani,iyada oo sannadkaasi la aas aasay ee 1777 ay deganaayeen ciidamo ka socday dalkaasi Spain ,halka ay sannadkii 1821 ilaa 1823 ,waxa haystay oo ay gacanta ugu jirtay boqortooyaddii  dalkaasi Mexico ka jirtay ,ugu dambayntiina waxay dawlada Maraykanka gacanteeda soo gashay sannadkii 1823 ilaa 1848 kii ilaa maantana dalkaasi ayay kamid tahay.
Dadka magaaladaasi ku nool ayaa sannadkii 2010 kii lagu qiyaasay inay gaadhayeen 945,942 oo qof ,iyada oo tiro koob kale oo dib loo sameeyeyna lagu qiyaasay inay yidhiin 1.8 million ,dadka tijaarta ah ee halkaasi degan ayaa iyaguna dadkaasi ka noqonaaya 8.1%,iyaga oo halkaasi ka dhistay guryo badan ,sidoo kalena ku yeeshay hanta badan,waxaana hantida halkaasi u taala ama ay ku lee yihiina gaadhayso ilaa 52,358,dhaqaalaha dhex dhexaadka ah ee kazoo gala waxyaalaha ay halkaasi ku lee yihiin ayaa lagu sheegaa inuu yahay $89,940 lacag gaadhaysa, halka qiimaha dhex dhexaadka ah ee guryuhuna gaadhey $648,600 oo lacagta dalkaasi Maraykanka ah ,sidaasna waxay kaga mid noqotay magaalooyinka ugu tijaarta badan uguna qaalisan dalkaasi Maraykanka.
Iyada oo ay dadka dalxiise yaasha ahi waqtiyada fasaxa kusoo qaataan halkaasi,waxa kale oo iyaguna aad u taga dhalinyaradda iyo ardayda .
Maxamed Axmed Yuusuf
Dawannews/Hargeysa Office

Leave a Reply