Kabash-kabashtii Shaqaalaha Iyo Kormeerkii Kadiska ahaa Ee Wasiir Samaalle

0
506

Hargeysa(DAWAN) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa shalay kormeer Kadis ah ku maray Kastamka Kalabaydh, Abaarso iyo xafiisyada Gabiley ee Dakhli soo saarka, kuwaas oo uu ugu tagay iyadoo shaqaalaha qaarkoodna shaqaynayeen, kuwa kalena fasaxii Ciida dheeraysteen.
Wasiir Samaale oo Kormeerkiisii ugu horeeyey ka bilaabay Kastamka Kalabaydh ayay ka war heleen shaqaalihii hawsha waday, kuwaas oo ku baraarugay isagoo dhex taagan, waxaanay ku noqotay fajac iyo Anfariir maadaama oo aanay ka filay, waxaanu ugu tagay Maamule ku-xigeenka iyo Qasnajiga Kastamkaas iyo shaqaale kooban, kuwaas oo uu u kuur-galay qaabka ay u shaqaynayeen, halka shaqaalaha intoodii badnayd ay iska maqnaayeen iyada oo ahayd maalin shaqo.
Wasiir Samaale waxa uu muddo ku sugnaa Kastamka iyadoo maalmaha Ciida uu Kastamku yahay ka ugu mashquul badan isla markaana uu soo maro Jaadka ugu badan, waxaanu goob joog u ahaa Dakhli badan oo ka soo xerooday shalay  iyo labadii maalmood ee ka horeeyey, sida ay warbixinta ku siiyeen masuuliyiinta Kastamkaasi.
Wasiirka Maaliyadda ayaa  markii uu ka soo laabtay waxa uu hadana Kormeer ka adag kii kalabaydh kaga Dul-degay xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Gabilay, kuwaas oo uu kula kulmay shaqaale kooban, waxaanu mid mid u galay dhammaan laamaha iyo Waaxyaha wasaaradda Maaliyadda isagoo faray in ay laban laabaan shaqada ay qaranka u hayaan, maadaama laga soo baxay Bishii Ramadaan iyo maalmihii u astaysnaa faraxadda Ciidal Fidriga.
Wasiir Samaale waxa uu Lugtiisii u danbaysay ku soo maray Kastamka Kalabaydh, halkaas oo ay ka socotay shaqada Hubinta iyo dakhli ururinta ee uu u abuuran yahay, waxaanu kula kulmay Maamulaha Kastamkaasi iyo qaar ka mid ah shaqaalaha, kuwaas oo ka roonaa kuwii kalabaydh, waxaanu in door ah Indha Indheeyey qaabkii ay u socotay hawsha Kastamkaasi.
Kormeerka Kadiska ah ee Wasiirka Maaliyaddu ku maray Kastamada Galbeedka Hargeysa iyo Gabilay ayaa ahaa kuwo uu ku dar-dar galinayey hawl maalmeedka shaqo ee ilaha Dakhliga, waxaanay ahaayeen kuwo aanay ka filayn shaqaaluhu.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply