Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Oo Xadhiga Ka Xadhiga Ka Jaray Xarun Ganacsi Oo Casri ah

0
497

Hargaysa (Dawan): Wasiir xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Bashiir Cabdi Xariir,  ayaa  shalay  xadhiga ka jaray xarun ganacsi oo cusub  oo laga furay magaaladda Hargaysa, xaruntaasi oo isugu jirta Super Market iyo  kaalin Shiidaal oo casri ah, taasi oo magaceeda la yidhaahdo Hass Petroleum and Feul Station.
Xaflada aad u balaadhan oo  xadhiga lagaga  jarayay   xaruntani ganacsi ee cusub  oo lagu qabtay halka laga hirgeliyay oo ku taalla xaafadda shacabka ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenada wasaaraddaha ganacsiga,  kalluumaysiga iyo  masuuliyiin kala  duwan oo ka tirsan xukumadda Somaliland.
Bashiir  Cabdi Xariir wasiir xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah  oo isagu si rasmi ah xadhiga uga jaray xaruntaasi ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan si aad ah u soo dhaweynayaan xaruntani ganacsi ee casriga ah. Isla markaana uu qorshaha wasaaradda ganacsigu yahay in ay dhiiri geliso ganacsatadda muwaadiniinta ah ee dalka ka hirgeliya.
Isaga  oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasaarad ahaan waanu dhiirigalinaynaa ganacsiga madaxa-banaan,  qorshaha wasaaraduna waa inuu horumariyo  ganacsiga  iyo maalgashiga ay samaynayaan muwaadiniinta reer Somailand.  labadan shirkadood ee Shire   iyo Hass-Petroleum kaalinta iyo super market-yadda  casriga ah ee ay magaladda Hargeysa  ka hirgeliyeen  waanu soo dhawaynaynaa wasaarad ahaan ayuu yidhi Wasiir xigeenka wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlayay furitaanka kaalinta iyo subermaarkidka cusub ee casriga ah.”
Dhinaca kale wasiir ku xigeenka ganacsiga ayaa u soo jeediyay shirkadaha xawaaladaha ah ee dalku in ay ay dadka danyarta ah ee reer Somaliland lacago amaahiyaan si ay ganacsi ugu abuurtaan, taasi oo uu tilmasamay in ay wax ka tari karto dhibaatadda Tahriibka ee Aafeeyay dhalinyaradda dalka.
“Wasaarad ahaan waxaanu ku dhiirigalinay shirkadaha xawaaladaha iyo baanankooda inay danyarta Somaliland amaahiyaan lacago ay ku shaqaystaan si tahriibku inooga yaraado, arrintaasina way bilaabee shirkadaha qaarkood, oo waxay lacago  amah ah oo muddo lagu soo celiyo siiyeen dhalinyaro  badan oo imika dalka kaga shaqaysta, ka wasaarad ahaana talaabadaasi waanu ku hanbalyaynaynaa shirkadaha sameeya.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsigu.
Sidoo kale Wasiir xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badaha C/kariin Axmed Mooge oo isna ka hadlay furitaanka kaalinta iyo super marke-yadan is huwan ee  casriga ah ayaa soo dhaweeyay xaruntan ganacsi ee casriga ah ee laga furay magaaladda Hargaysa, isaga oo muwaadiniinta hirgelinayayna ku amaanay horumarka iyo bilicda ay magaaladda ku soo kordhiyeen.
Waxaanu  yidhi “Waan soo dhawaynaynaa fikrada cusub ee uu keenay ninkan dhalinyaradda ah ee Maxamed Xasan  Shire (Mulkiilaha xarunta ganacsiga) waxaanan  leeyahay waa in dhalinyaradu dalkooda u fikiraan oo shaqooyinka noocan oo kale ah ka abuurtaan,  si tahriibku inooga yaraado.”
Maxamed Xasan Aadan (Shirre) oo ah Mulkiilaha kaalintan Shiidaalka  iyo super market-kani  ganacsi ee  cusub  oo isna xafladaasi xadhiga lagaga jarayay   hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay qaybaha ay ka kooban tahay xaruntani ganacsi ee casriga ee uu hirgeliyay, taasi oo uu sheegay in ay isugu jirto qayb dukaamaysi, Kaalin Shiidaal iyo sidoo kale qayb lagu iibiyo qalabka kala duwan ee dayactirka Gaadiidka.
Waxa kale oo uu sheegay  Maxamed Xasan Aadan (Shirre) oo ah Mulkiilaha kaalintan Shiidaalka  iyo super market-kani  ganacsi ee  casriga ah in sidoo kale xaruntani laga heli karo qaybta lagu maydho  Baabuurta oo  casri ah. Waxaanu u mahad naqay dhamaanba dadkii kala duwanaa ee xafladaasi ka soo qayb galay.
Waxaanu yidhi  “Kaalintan  iyo super market-kani   cusub ee Shirre company   iyo  Hass-Petroleum ayaa iska kaashaday oo wado sameeyay,  u jeedada ugu wayna ee aanu fikradan u keenay waa in dadkeena la tuso in uu wali dalkeenu  dihiin yahay oo qofkii fikrad keenaaba  uu helayo cid maalgelisa. Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan madaxda kala duwan iyo marti sharafta ka soo qaybgashay.”
By: Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply