“Way Dhammaatay Xilligii Ay Laba Wefti Oo Laba Maamul Kala Ahi Dhahar Wada Iman Lahaayeen”

0
507

Dhahar, (Dawan)- Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga hadlay  xubno ka tirsan maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Dhahar, isla markaana sababeeyay joogitaankooda oo ay la xidhiidhiyeen mid aan saamayn ku lahayn Somaliland-nimada deegaanka iyo dadka midnaba, iyagoo jawaab ka bixiyay eedayn uu u soo jeediyay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.
Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo ku sugan magaalada Dhahar ee gobolka Badhan ayaa beeniyay warar sheegayay  in madax ka tirsan maamulka Soomaaliyeed ee Puntland ay kula ciideen magaalada Dhahar.
Waxaanu Wasiir Buureed intaa ku daray in  magaalada Dhahar maalintii ciiddii uu dadweynaha kula tukaday, isla markaana uu halkaa dadka kala hadlay isagoo xusay in isla maalintii ciidda  salaaddii duhur ka dib ay xubno ka tirsan maamulka Puntland oo dhalasho ahaan  ka soo jeeda deegaanka Dhahar yimaadeen magaalada, isla markaana dadweynuhu ku mudaharaadeen, laakiin ay ku degeen guryahoodii oo aanay soo dhaafin magalaadana hore galin.
Waxaanu Wasiirka kalluumaysiga Somaliland sheegay in aanay nimankaa reer Puntland cid deegaanka ka tirsan wax kulammo ah la yeelan, balse ay ku ekaayeen guryahooda.
Wasiirka kalluumaysiga Somaliland Cali Faarax Buureed oo wareysi siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Dhahar ee gobol Badhan waxa uu ugu horeyn ka hadlay jiritaanka in wefti ka tirsan maamulka Puntland ay ku sugan yihiin magaalada, waxaanu yidhi, “Horta magaalada Dhahar ma jiro meel ay wefti reer Puntland ahi salaadii ciidda kula tukadeen, cid ay khudbad u jeediyeenna ma dhicin, laakiin niman deegaanka u dhashay oo xilal ka haya maamulka Puntland,ayaa maalintii ciida xilli ku beegan salaadii duhur magaalada Dhahar yimi, kuwaasoo ay reerahoodu magaalada degan yihiin, ka dibna dadweynaha ayaaba mudaharaad kala hor tegay markii dambana guryahooda ayay iska galeen oo qoysaskooda ayay la ciiddeen, mana jirto meel ay dadka kala hadleen, halkanna (Dhahar) waa Somaliland dad ahaan iyo dal ahaanba cid ay la kulmeen oo aan xaasaskooda iyo carruurtooda ahaynina ma jirto.”
Wasiir Buureed oo aanu weydiinay waxa  uga qorsheysan xukuumad ahaan haddii ay weftiga reer Puntland isku dayaan in ay kulamo la yeeshaan waxgaradka deegaanka ama ay hore uga bixi waayaan, ayaa ku jawaabay. “Horta nimanku inkastoo ay xil u hayaan maamulka Puntland haddana halkan waxay yimaadeen iyagoo ah niman deegaanka u dhashay oo xaasaskoodii iyo carruurtoodii la ciiddaya, dhulka xuduudaha ahina inta badan way iska hawlo badan yihiin, laakiin waxaan kuu sheegayaa hadday hore u jirtay in aanay dibna u dhici doonin in xuduudka Somaliland ay ka soo tallaabaan dad sheegayana in ay maamul kale yihiin oo sifo sharci-darro ah dalka ku soo gala, deegaannada bariga Somaliland-na noqon maayaan meel laba maamul isugu yimaadaan  oo taasi wey soo dhamaatay dhakhsana waa loogu kala bixi doonaa, xukuumadduna qorshe cad ayay ka leedahay ilaalinta iyo sugidda xuduudaha Somaliland.”
Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa waxaa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ku eedeeyay xukuumaddu in ay shirkado badda Somaliland xaalufinaya heshiis qarsoodi ah la gashay,waxaanu yidhi. “Horta waxaa wanaagsan in qofku waxa uu yaqaanno uu ka hadlo sida runtu tahayna ninka u hadlaya xisbiga ucid ee ay dhawaan xilkan u magacaabeen anigu waxaan ku ogaa oo aan ku aqaanay nin beeraley ah waxa uu ka hadlayaana waa kalluun iyo khayraad bad ku jira, xilligan aan kula hadlayana badda Somaliland hal laash ama doon ama markab kaluumaysi midna kuma jiro oo waa xilliga bad xidhanka ee ay dhacdo dabayl xagaagu, markaa horta waxay ahayd in uu badda aqoon u yeesho ama uu cid xog ogaal ah wax weydiiyo, laakiin waxaan filayaa inaanu bad warkeeda hayn ee malaha beertiisa ayuu ku arkay maraakiib daaq xaalufinaysa, waxaa kale oo uu sheegay in badda sun lagu daadiyay, taasna waxba kama jiraan horena inta loo sheegay ayay beenawday, markaa waxaan odhan lahaa waar khayraadka baddeenna ku jira ha inaga dacaayadayninna oo sun aan lagu shubin ha inagaga sheegina, ninkaana waxaan leeyahay waa xilligii beeraha la beeranayay ee badda ciddi xilligan ma gasho.”
By: Fayal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply