“Kii 5-ta Sanno ku Darsaday Ayaa Madaxweynaha Sanadku u Hadhay Ku Eedaynaya Inuu Muddo Kordhisan Doono

0
458

Hargeysa (DAWAN)-Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Guddoomiyaha Wakiiladda oo xilka ku sii haya afar sanadood oo muddo dhaaf ahi, uu haddana Madaxweyne Siilaanyo oo aanu wakhtigiisiiba dhamaanin ku eedeynayo inuu muddo korodhsan doono.
Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in doorashada madaxtooyaddu ay wakhtigeedii ku qabsoonto, isla markaana aanay muddo kordhintu ahayn waxay dalban karto xukuumaddu.
Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxa kale oo uu axsaabta mucaaridka ah ugu baaqay inay ka waantoobaan olalaha ay ugu jiraan inay jiilka cusub ku tallaalaan xanuuno qabyaaladeed, isagoo ku dooday in axsaabta siyaasadda loo sameeyay inay bulshadda ka daweeyaan qabyaaladda iyo saamaynteeda taban-ba.
“Qollada axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland, gaar ahaan xisbiga WADDANI oo uu hoggaamiyo masuulka 4-aad ee Qarankeenna Somaliland, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo aannu ixtiraam weyn u hayno, waxaannu doonaynaa inaannu uga jawaabno, annagoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ixtiraam ugu hayna, annagoo ixtiraam ugu hayna guddoomiyaha  mucaaridka ee xisbiga WADDANI ee uu yahay, waxaannu leenahay sheekada soo noq-noqotay ee xisbigaaga aad ku cel-celisaan ee ah in dawladdu amma xukuumaddu ay doonayso in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha, aad baan uga xumahay in aynu ilawno maaha taariikhdeenna dhow iyo ta fog,”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
 
Wasiirku waxa uu sheegay in ninkii mudadii la doortay muddo leeg ku darsaday uu madaxweynaha ku haaraamayo inuu muddo korodhsan doono, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxa uu xilka uu hayo loo doortay 2005-tii, waxaanay kaga  ekayd 2010-kii, maantana waxaynu joogna 2014-kii, waxaana muuqta muddadii dadku doortay muddo leeg oo saayida amma dheeraad ah oo mar walba loo kordhinayay inuu ku fadhiyo, madaxweynaheenna la doortay ee kursiga fadhiyana waxaad og tihiin in muddadii la doortay waliba sannad u hadhsan yahay, markaasaa  kii 5-ta dheeraadka ah ku darsaday, waxa uu madaxweynaheenna sannadku u hadhay uu ku eedaynaya inuu muddo kordhisan doono oo uu dhegaha dadka ka badiyey oo ku-xigeennadiisu ku cel-celiyeen in aan doorashadu waqtigeeda dhaafin, madaxweynuhu muddo kordhin samaysan. Aad baan uga xumahay waxaan leeyahay muddo kordhintu ma fiicna, muddo kordhintuna kuma xidhna  madaxweynaha, rabitaankiisa iyo rabitaan la’aantiisa midna maaha, waana arrin u taalla golayaasha sharciga ah ee awooddaas iyo masuuliyadahaas leh.” Md. Cabdilaahi Cukuse oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waa arrin u taalla  Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee shaqadaas leh, waa arrin u taalla hay’adaha ka shaqeeya iyo kuwa xil-gudashadaas leh, laakiin maaha mid uu dalbado, mid loo dalbo iyo mid uu diido toona, Golayaasha sharci-dejinta, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah masuulkii ugu sarreeyey oo Guddoomiyaha Guurtida oo qudhi ka  madax taagan yahay, waxaannu  ugu celinaynaa in uu naftiisa baro in ay muddadu dhammaan karto oo aanu madaxweyne waqtigiisii hadhay aanay ku eedaynin wax aan laba gaadhin, iyadoo lagala xishoonaayo waxa uu isagu sameeyey.”.
Sidoo kale  Warfaafintu waxa uu  sheegay in axsaabta mucaaridka ahi ay dhalinyaradda u rarayaan geedi qabyaalad ku dhisan oo ay ku marin habaabinayaan, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaan maalmahan ka  maqlaayay warbahinta arrin innagu cusub oo inta dhalinyarro la ururiyo naanayso qabyaaladeed loo bixiyo lagu sheego inay reer hebal yihiin oo ay reer hebal kalena iskaashanayaan, dabadeedna sidaa ay reer hebal-weyne ku noqonayaan. Waxaan leeyahay dhalinyarrada waxaynu isku ogayn haddaynu axsaabta nahay iyo shacbigaba inaynu ka rarno qabyaalada, waxaynu isku ogayn inaynu u bislayno inay noqdaan shacbi dimoqradiyada la jaan-qaada, waxaynu isku ogayn oo aynu ku shaqaynaynay in dhalinyarada maskaxdooda ka illaalino xanuunka qabyaaladu leedahay oo dhibaatadeeda in badan dadkeenna waawayni ay soo arkeen, waxaynu isku ogayn oo hawsha xisbiyadu tahay in geediga Somaliland guurayso iyagu ay hormood ka noqdaan oo iyagu raraan.”
 
“Waan ka xumahay in xisbiyadeennii nidaamka  dimuqraadiyada lagu sameeyay, xisbi doonaya inuu tartamadda dimuqraadiyada ka qeyb-galo in dhalinyaradii da’dii soo koraysay waliba oo xitaa aan ahayn kuwii hore maskaxdooda qabyaaladu  gashay inuu imika isagu ku abuuro qabyaad oo magacyo kala duduwan u bixiyo, shacbigeenana aynu doonayno inay u midoobaan dhismaha qarankan aynu yagleelnay ee maanta quruxda badan leh cududii iyo xoogii barito la wareegi lahaa taladiisa inay iyagu maanta qabyaaladda ku sii talaalaan, iyagoo waliba magacyo   beri hore la isticmaali jiray ama aan waligoodba shaqaynin  ayay imika doonayaan inay dib u cusboonaysiiyaan oo ay abaabulaan. Waan ka xumahay xisbiga WADDANI  Runtii  ma aan jeclayn inay waxaas oo kale ku sifoobaan,waxaanu doonaynaa inta badan axsaabta mucaaridka ah inaanu saaxiib ahaanno oo ay mucaaridadoodu ahaato toosin,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu
 
Wasiirku waxa kale oo uu tilmamay in fannaaniinta xidigaha Geesku  meel kaga dhaceen qarankooda, shacabkooda iyo fankoodaba, waxaannu yidhi; “Waxaan Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan-ba uga Tacsiyadaynayaa,Khaladka Weyn ee ay galeen Koox ay Magacooda barteen oo la baxday Xidigaha Geeska, dhallinyaradaas oo khalad aan caadi ahayn gashay, naftooda ka gashay, fankooda ka galay, dalkooda ka galay, dadnimadooda ka galay, waxaan shacabka iyo intii magacooda taqaanayba ka tacsiyadaynayaa gafkaas.”
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply