Madaxweyne Ku xigeenka Oo Kulan la Yeeshay Xubno ka socda Jaaliyadda Sweden

0
499

Hargeysa (DAWAN)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden, kuwaasi oo gogol xaadh u ah wefti culus oo ka socda dawladda Sweden oo dhawaan dalka ku iman doona booqasho rasmi ah.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu war-murtiyeedkaasi u dhignaa sidan:-
“Madaxawayne ku xigeenka  Jamuuriyada Somaliland  ahna  ku simaha Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaciil (Saylici)  ayaaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay  wafti ka socda dalka Sweden oo uu hogaaminayo  gudoomiyaha Jaaliyada  Somaliland ee dalka Sweden  iyo xubno kale oo muhiim ah.
 
Weftigan  ayaa madaxwayne ku xigeenka uga waramay  hawlaha  ay ka shaqeeyaan  dalka Sweden ee ku saabsan  wacyigalinta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan  Sweden  sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen  horumarka  dhinacyada  badan leh ee xukuumada Jamuuriyada Somaliland ka wado dalka, waxaa kale oo intaasi ku daray in ay mar walba ku dedaalan  masuuliyiinta dalka Sweden in ay xogo-dheeraad ah ka siiyaan  xaalada dalka, dad  faro badan  oo reer Sweden ah  oo ay halkan ku soo casuumeena ay wax weyn  kala qabteen  sidii dawlada Sweden  loo siin lahaa  xogo-dheeraad ah oo ku saabsan  qarankan Somaliland,  waxa kale oo halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee weftigaasi ka mid ka ahaa.
 
Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdirxmaan Cabdilaahi Saylici  ayaa weftiga soo dhaweeyay kuna bogaadiyay  dedaaalkooda in ay halkaasi ka sii wadan  madaxwayne ku xigeenku  waxa uu xusay in dadka reer Somaliland  ee muwadiniintii meel kasta ha joogaane’ uu xil weyni ka saaran yahay in dalkooda dhismihiisa ay ka qayb qaataan kuna dedaalan sidii Jaaliyad walba wadanka ay la joogto  ay  ugaga warami lahayd  dalkooda halka uu marayo iyo dadkoodu waxay qabsadeen.
ugu danbayntii  weftigani waxay  sheegeen in ay hordhac u yihiin  wefti culus oo dawlada Sweden ka tirsan  oo bisha  September iman doona dalka.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply