Puntland Oo Xidhiidhkii Wada-shaqayneed u Jartay Dawladda Muqdisho

0
460

Garoowe, (Dawan)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  shaaciyay in maamulkiisu uu xidhiidhkii u jaray dowladda itaalka daran ee Soomaaliya ee ka dhisan Muqdisho.
Cabdiweli Gaas oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhammaaday shir uu la qaatay golaha wasiirrada maamulkiisa wuxuu sheegay in shirkaasi uu la xidhiidhay go’aanka Puntland ee heshiis dhawaan lagu saxeexay maagalada Muqdisho, kaasoo maamul mid ah loogu sameynayo gobollada Galguduud iyo Mudug.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid baal-marsan dastuurka ku meel gaadhaka ah ee dalka Soomaaliya, isagoo xusay inay kasoo horjeedaan, waxaanu dawladda faderaalka Soomaaliya ugu baaqay inay masuul ka tahay wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas, maadaama deegaanno ka tirsan Puntland lagu daray maamulka la sameynayo.
Sidoo kale, Cabdiweli Gaas ayaa muddo 15 cisho ah u qabtay xubnaha Puntland matala ee ku jira goleyaasha dawladda dhexe ee Soomaaliya inay si dhaqso ah Muqdisho uga soo baxaan.
Qodobbada kasoo baxay shirkaas ay isugu yimaadeen maamulka Puntland-na waxay ahaayeen sidan:
“Puntland markay aragtay heshiiskii maamul-u-samaynta gobollada dhexe oo taariikhdiisu ahayd 30/7/2014-ka. Markay eegtay dastuurka dalka qodobkiisa 50-aad, faqradiisa shanaad iyo lixaad. Markay aragtay dastuurka qodobkiisa 52-aad, faqradiisa labaad, xarafka (B) iyo faqradiisa saddexaad, waxay ku gaadhay go’aan sidan soo socota.
Puntland waxay kasoo hor-jeeddaa heshiiskii maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe, kaasoo khilaafsan dastuurka Soomaaliya.
Puntland waxay aad uga xun tahay ka qayb-galka shirka ee xubnihii ka socday beesha caalamka, maadaama heshiiskaas uu yahay mid khilaafsan dastuurlka KMG ah ee dalka u yaalla.
Waxay Puntland nasiib-darro u aragtaa in madaxdii sare ee dawladda federaalka ah ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor-imanaya dastuurka dawladda, iskana hor-keenaya bulshada Soomaaliyeed.
Puntland waxay wada-tashi ugu yeedhaysaa xubnaha kaga jira goleyaasha dawladda dhexe ee kasoo jeeda deegaannada Puntland muddo 15 maalmood gudahood ah, ugu dambeyn 15-ka bisha Augusto ee soo socota.
Sidoo kale, Puntland waxay dib ugu yeedhaysaa xubintii uga wakiilka ahaa guddiga dib-u-eegista dastuurka, Caasha Geelle Diiriye.
Puntland waxay go’aan ku gaadhay inay gabi ahaanba joojisay wixii xidhiidh iyo wada-shaqayn ah ee ay la lahayd dawladda federaalka Soomaaliya.
Puntland waxay caddeyneysaa wax alla iyo wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee maamul-u-samaynta gobollada dhexe oo qaybo ka mid ah ay ka taliso Puntland ay  mas‘uul ka tahay dawladda dhexe.”
By: Siciid M. Askar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply