10 Xubnood Oo Ka Socday Dekadda Berbera Oo Tababar ku soo qaatay Jabuuti

0
478

Jabuuti (DAWAN)- Toban sarkaal oo ka tirsan shaqaalaha dekeda Berbera ayaa tababar la xidhiidha hawlaha dekadaha waxay ku soo dhamaysteen magaaladda Jabuuti, halkaasi oo lagu tabo-barayay muddo laba bilood ah. Xafladii lagu soo gunaanadayay tabobarkaasi oo lagu qabtay Huteelka Sharaton ee magaalada Jabuuti waxa kala soo qayb galay maareeyaha dekeda Jabuuti  Sacad Cumar Geele iyo maareeye ku xigeenka dekeda Berbera iyo masuuliyiintii tababarkaasi bixinaysay oo sii sagootiyay tobankan xubnood ee ka socday marsadda Berbera.
 
“Waxaan idin xusuusinayaa dhammanatiin shaqaalihii halkan tabobarka loo keenay ee labada bilood ku tababaranay inaad marka aad ku noqotaan dalkiinii hooyo  aad uga faa’iidaysaan dadkii kale ee aan tababarkan nasiibka u helin. Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad fulisaan oo ku camal-fashaan aqoontii aad halkan ku qaadateen oo aad ku dabaqdaan  hawl-maalmeedkiina shaqo,”ayuu yidhi Maareeyaha dekedaha Jabuuti Sacad Cumar Geelle. Maareeyaha Guud waxa uu balan-qaaday inuu shaqaalaha dekadda Berbera si joogto ah fursad ugu siin doono inay tababarro u yimaadaan jamhuuriyadda  Jabuuti, waxaanu yidhi  “Waxaa annaga noo farxad ah si gaarana aanu u xusaynaa inaan had iyo jeer idin garab joogno si aanu idiinku  faa’iideyno khibradayada iyo waayo aragnimadayada dhammaantiin shaqaalaha dekadda  Berbera, intaa uun kuma koobnaanayso waxbarashadu waxay noqon doontaa tu sii socota.”
 
Maareeye ku xigeenka dekeda Berbera. Cumar Abokor Jaamac, ayaa dhankiisa u mahad celiyay dawlada Jabuuti,  waxaanu  sheegay in baahi weyn loo qabay aqoonta ay barteen shaqaalaha dekeda Berbera. “Mahadnaq balaadhan ayaan u soo jeedinayaa dawlada Jabuuti gaar ahaan dekeda Jabuuti haddii ay tahay Maareeyaha sare   iyo haddii ay tahay maareeyaha guud ee dekedaha ee  fuliyay  tababarka shaqaalaha dekeda Berbera Md Sacad Cumar Geelle in nimankaa aad wax noo barteen oo baahi weyn aanu u qabnay in tababarkaa aad noo siiseen inaanu ka midha dhalin doono ka faa’iidaysan doono idinkana  waanu idiinka mahad celinaynaa abaal-na waanu idii nku haynaa,”ayuu yidhi Maareeye Ku xigeenka Dekadda Berbera.
 
Waxa kulankaasi shahaadooyin lagu gudoon siiyay tobankaas xubnood ee ka socday dekadda Berbera oo iyaguna ka mahad-celiyay tababarkii la siiyay isla markaana sheegay inay wax badan oo shaqadooda la xidhiidha ka korodhsadeen dekadda Jabuuti.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply