Itoobiya iyo Kiiniya oo Qaaday Tallaabooyin ay kaga Gaashaamanayaan Fiditaanka Cudurka Ebola

0
544

Hargaysa(Dawan) Dalalka Kenya iyo  Ethiopia,  ayaa ku dhaqaaqay howgallo looga hortagayo inuu cudurka halista ah  ee Ebola  soo gaadho dalalkooda.
Sida ay werisay shalay wakaaladda wararka ee Walta dalalkaasi oo  ah meelaha ugu ballaadhan Afrika ee ay    ku badan yihiin  socdaalada dadku ayaa waxa ay qaadeen  tallaabooyin lagaga hortagayo sidii looga gaashaaman lahaa inay kiisas cudurka Ebola ah ay soo gaadhaan dalalkooda.
Sida oo kale shirkada  Ethiopia Airlines ayaa sheegtay in ay bixinayso digniino hor leh oo  dheeraad ah oo la xidhiidha ka foojignaanta  inuu dillaaco cudurkaasi.
Dayaaradaha qaranka  Itoobiya  ayaa ah shirkadda ugu weyn ee isku xidhiidhisa dalalka  Afrika.  Sida oo kale waxa ay u kala gooshtaa qaaradaha Americas, Europe, Asia iyo Bariga dhexe.
Shirkaddu waxa ay intaa raacisay inay samaynayso la socod gaar ah iyo indho ku  hayn duulimaadyada oo dhan ah ka imanaya Galbeedka Afrika soona gaadhaya madaarka Addisababa.
Dhinaca kale xarunta howgallada masiibooyinka ee Kiinya ayaa hadal qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay ku diyaarisay adeegyo caafimaad oo heegan ah madaarada si ay uga hortagto inuu soo gaadho wixii suurtagal ah khatarta cudurkaasi.
 
Cabsida laga qabo inuu ku  sii fido fayraskaasi Galbeedka Afrika ayaa si aad ah u kordhaysay maalmahan.
Wakaalada wararka AFP ayaa werisay in ay ugu dhawaan 700 oo qof uu dilay cudurkaasi tan iyo markii la ogaaday kiiskii ugu horeeyay bishii Febarweri.
(AFP)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply