Guddoomiyaha SOLJA Oo Daadifeeyay Guddi Qaban-qaabo Oo Sharci Darro ah

0
467

HARGEYSA (DAWAN)-Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta  Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamad Yuusuf ayaa ganafka ku dhuftay Liiska Guddi uu sharci darro ku tilmaamay oo xubno ka mid ah Hoggaanka ururkaasi ay u magacaabeen Guddida qaban-qaabadda shirweynaha shanaad ee SOLJA.
Xasan Maxamad Yuusuf oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in soo xulista guddida qaban-qaabada shirweynaha in uu awood u siinayo sharciga ururka u yaalaa  Guddoomiyaha ururka, waxaana uu ku dooday  in aanu xeer hoosaadkooda ku jirin in gudida fulinta xubno ka mid ahi ay noqdaan  gudida qaban qaabada shirweynaha.
“Dadku waxay ku kala baxaan waa sharci iyo nidaam, sharciga ururka u yaalaa ayaa qof kasta awood wax u siinaya.  qodobka 6aad waaxdiisa labaad xubinta (c) ayaa waxay sheegaysaa laba qodob. Qoddobka koowaad  waxa ku qoran gudida qaban qaabo ayaa la magacaabi doonaa shirweynaha ka hor.  qodobka labaadna waxa ku qoran gudida waxa soo xulaya Guddoomiyaha ka dib markuu kala tashado ku xigeenka iyo Xoghayaha guud waxaana ansixinaya gudida fulinta  xubnaha xulistoodu halkaas ayay ku cadahay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOLJA.
Guddoomiye Xasan Maxamed  waxa uu xusay  in si khaldan loo fahmay  awoodaha gudida fulinta waxaanu  yidh  “Isla Qodobka lixaad waaxda saddexaad waxa ku jirta qobob ay si khaldan u fahmeen dhinaca awoodaha gudida fulinta xubinta (d) isla qodob kaas 6-aad  ayaa waxay sheegaysaa gudida fulintu waxay iskugu  yeedhi karaan shirweyne aan caadi ahayn  haddii ay qoraal ku soo jeedi yaan seddex meeloodoow laba dalool isla qobkaas laftigiisa waxa ku jira gudida fulinta ee ururka ayaa u xil-saaran qaban-qaabada shirweynaha una igmanaya guddi qaban qaabo.  Gudida fulintu waa aniga iyo xubnaha aan guddoomiyaha u ahay annagaa u xil saaran in aanu magacawno laakiin cid baan u igmanaynaa laakiin maaha in aanu annagu isku qorayno oo annagu noqonayno xubnihii gudida qaban-qaabadda.”
By: Khadar M.Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply