“Dadka Iska Hadlaana Horumarka iyo Jidka Waxba ma Yeelayaan” Wasiir Xirsi

0
513

Jiddah, (Dawan)- Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sucuudiga, gaar ahaan magaalada Jidah.
Wasiirku waxa uu sheegay in jaalliyadda Sucuudigu ay lacag ugu deeqeen dhismaha jidka Ceerigaabo, lacagtaas oo tiro ahaan gaadhaysa boqol kun iyo dheeraad doollar, isla-markaana laga filayo lacag intaas kasii badan jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Sucuudiga.
Wasiirka ayaa jaaliyadda Sucuudiga ku dhaqan ee reer Somaliland uga mahad-celiyay ka qayb qaadashada qaadhaanka dhismaha jidka magaalada Ceerigaabo, waxaanu yidhi, “Waxaan joogaa dalka Sucuudiga, waxaanu ka wadnaa hawshii qaadhaanka ee jidka Ceerigaabo iyo Burco, si wacan oo qurux badanna way noogu socotaa, xalay (habeen hore) waxaanu joognay magaalada Jiddah, maantana (shalay) waxaanu joognaa magaalada la yidhaahdo Damaam, Jiddah waxay jaalliyaddu bixisay lacag ilaa boqol iyo dhowr iyo toban kun oo doollar ah, lacag boqol kun ku dhowna waa laga filayaa haddii Alle yidhaahdo, lacag intaa ka badanna waa laga rejaynayaa in mandaqadaha kale laga helo, waananu u mahad celinayaa dadka reer Somaliland ee jooga Jiddah iyo guud ahaan Sucuudigaba, si wacanna way uga qayb-qaateen qaadhaanka, qolooyinka kalena waanu ku soconaa, sida Sharqiya, waxaananu rajeynaynaa inay ka sii badin doonaan, reer Jiddana intaa ay bixiyeen aad-bay ugu mahadsan yihiin.”
Wasiirka madaxtooyada oo sharaxaya sidii uu u dhacay kulankii jaalliyada Jiddah ay kusoo ururiyeen qaadhaanka dhismaha jidkaCeerigaabo iyo Burco, waxa uu yidhi, “Ganacsatadii Jiddah joogay iyo dadkii dhammaan joogay Jiddah ayaa si wanaagsan isku abaabulay, si kaash ah oo aan war-wareeg iyo ballan-qaad ahayn ayay u dhigeen qaadhaanka, markaa aad-baanu ugu faraxsan nahay, mana aha markii koowaad ee lacago hore way naga soo gaadheen Sucuudiga, markaa aad iyo aad-baanu ugu han-weyn-nahay, arrintana dhiirigelin ayay u noqonaysaa jaalliyadaha waddamada aan weli qaadhaanka waddada laga soo gurin, waana mid aanu ka fileynay dadkayaga.”
 
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay muddada ay joogayaan Damaam iyo meelaha kale ee ay safarka ku marayaan, “Damaam  Al-sharqiya, waxaanu joogi doonaan laba maalmood, ka dibna waxaanu u gudbi doonaa Riyaad, dhamaanna waxaanu ka filaynaa ka qayb-qaadasho fiican iyo gacan weyn intaba, rejo fiicanna waanu ka qabnaa.” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Wixii noo suurto-gal ah waanu arki doonaa madaxda dawladda Sucuudiga, qaar noo ballansanna way jiraan, inkasta oo ujeeddada aanu imika u soconaa ay tahay qaadhaan ururinta waddada Ceerigaabo iyo Burco.”
 
Ugu dambayn, wasiirka madaxtooyada Somaliland, waxa uu sheegay in dhismaha jidka Ceerigaabo uu si habsami ah u socdo, isla-markaana 30KM ee ugu horeeya ay waxyari ka hadhsan yihiin, lana saarayo carro-tuul iyo jay, dhawaana la saarayo daamurka. “Waxaanu ku rejo waynahay in waddadaasi samaysanto oo taariikhda maalin ka mid ah la arko iyada oo la marayo, imikana si wanaagsan ayay  u socotaa, dadkuna way u soo jeedsadeen, dadka iska hadlaana waddada iyo horumarka waxba ma yeelanayaan, waayo ilaa maalintii aanu bilownay qaar baa lahaa waxba la samayn maayo, qaar-baa lahaa waala cunayaa, qaar-baa lahaa meel qaldan-baa la marinayaa, laakiin waxaasi oo dhan waxa ka muhiim ah maanta shaqadiina way socotaa, waxna lama cunin oo way fushay, wayna muuqanaysaa, wayna muuqan doontaa, haddii Alle yidhaahdo.”
By: Siciid M. Askar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply