“Dhuxulaysiga Aanu Ka Dagaalamaynaa waa mid Ganacsi oo illaa Iiran La geeyo Oo Laga Sii Dhoofiyo Puntland”

0
466

Hargeysa(Dawan):- Wasaaradda Deegaanka Somaliland,ayaa ka hadashay  hawl gallo lagaga hor tegayo isla markaana  lagu joojinayo dhuxulaysato xaalufiyay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag  kuwaasoo dhuxusha ay deegaamadaas ka shidaan u qaada dhanka Puntland halkaas oo ay ka sii dhoofiyaan iyagoo qaab ganacsi  u geeya dalal fog fog.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo  Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, oo xalay u warramaysay wargeyska DAWAN,waxaa kale oo ay ka hadashay in ay ku hawlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa dhirta dalka ee la xaalufinayo iyo  hirgalinta beero lagu daryeelo  xawayaanka dalka oo lagu daryeelo caafimaadkooda si looga hortago in ay dabar go’aan.
 
Ugu horrayn Wasiirka Deegaanka oo la weydiiyay  sida uu ku bilaabmay hawl galka lagula dagaamayo dhuxulaysatada gobolka Sanaag, oo khamiistii 100 askari oo iskugu jira ciidanka qaranka iyo booliska gobolkaasi u baxeen si ay tallaabo uga qaadaan kooxaha xirfadda ka dhigtay inay shidaan dhirta, waxaanay tidhi “Markaan  arkay sida loo gumaadayo dhirtii deegaanku hodanka ku ahaa ee ay waliba u gumaadayaan dad ku mamay ka ganacsiga dhuxusha,markaa guddoomiyaha gobolka Sanaag,isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka sanaag,Maayarka taliyeyaasha ciidammada iyo bulshadda reer Sanaag oo midaysan ayaa hawshaa wada qaatay waxaana ka hawl galay ciidan loo xil saaray ka hor tagga dhuxulaysiga iyo xaalufinta dhirta markaa Sanaagna waa deegaan ay ku badan yihiin dadka dhuxusha ka ganacsadaa markaa hawshaasi way bilaabantay waana lagu gudo jiraa, imikana waxaanu gaadhsiinaynaa gaadiid dawladdu ugu tallo gashay in ciidankaa la dagaalamaya dhuxulaysatada   dhirta qoyan werwerka ku hayaa ay ku hawl galaan iyagoo imikana haysta gaadiid hore ay u siisay wasaaradda deegaanku.”
Wasiirka oo aanu weydiinay haddii ay joojiyaan in gobolka Sanaag dhuxul laga shido waxa ay dadka deegaanka ugu bedelayaan ee ay wax ku karsanayaan,waxaanay tidhi  “Horta dadka gobolka Sanaag oo dhan waxaa ku filan dhirta qalashay ee dhacday umana dhuxul waayayaan marka aynu joojino shidista dhirta qoyan,dal ahaanna waxaynu ka badbaadaynaa in dalkeennu nabaad guuro oo uu xaalufo taas oo haddii aynaan ka hor tegin oo aynu gumaadno dhirta qoyan innagu yeelanaysa saamayn nololeed oo aynaan ka soo waaqsan Karin, waxaan ognahay in aynaan dhir beerin isla markaana aynu gumaadayno kuwii Illaahay inoo soo saaray,taasina waxay dalkeena ka dhigaysaa dal nabaad guur ah oo ay ku yaraadaan roobabku oo xaaluf noqda dad iyo duunyana aan lagu noolaan Karin, markaa  in aynu deegaankeenna badbaadino oo ka hortagno meel kastaba ha noqotee waxna laga qabto cid kasta oo dhir qoyan gumaaday waa tallaabo  ka go’an Xukuumadda.”
Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil  oo aan weydiinay dhuxusha gobolka Sanaag laga shido ee loo gumaadayo dhirta Qoyan halka la geeyo waxay tidhi “Dhuxulaysatadan gobolka Sanaag xaalufisay dhuxusha ay shidaan maaha mid deegaanka laga isticmaalo laakiin waa mid ganacsi oo inta ay Puntland geeyaan ay  halkaa ka dhoofiyaan oo ilaa Iiraan la geeyo,waxaana dadka deegaanka layaab ku noqotay markii ay arkeen kumanaan god oo dhuxul lagu shido oo waliba dadkaa ku mamay shidista dhirta qoyan ee dhuxusha dhoofiyaa ay dhirta ku shidaan  taas ayaana keentay in madaxda gobolka iyo wax garadka bulshadu ka wada hadlaan isla markaana laga wada hawl galo.”
Wasiirka Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare oo aanu weydiinay halka ay ku dambasay deeq libaaxyo ah oo uu ugu deeqay Wasaaradeeda Wasiir Waran-cadde,waxay ku jawaabtay  “Wasiirku waa la diyaar in uu nagu soo wareejiyo Libaaxyada iyadoo ay taasi dhiiri galin u tahay in dadka kale ee reer Somaliland-na in ay nagu soo wareejiyaan xawayaanada ay guryaha ku haystaan,laakiin waxaa ka horreeya in la helo beertii lagu hayn lahaa laguna xannaanayn lahaa oo aanu imika qorshaheedii wadno marka aanu annagu dhankayaga ka diyaarino halkii lagu daryeeli lahaa iyo dhakhaatiirtii caafimaadkooda ka shaqayn lahaydna Wasiirka waanu ka guddoomi doonaa imika wuu noo hayaa,waxaa kale oo jira xawayaanno badan oo dalka ka dabar go’aya oo u baahan in la ilaaliyo oo la daryeelo oo beerta Xawayaanka lagu daryeelo oo dalkana qiimo weyn ugu fadhiya markaa hawshaa bilawgeedii waanu ku gudo jirnaa dhakhsana way u dhammaan doontaa.”
Waxaanu Wasiirka oo ka jawaabaysay su’aal la xidhiidhay  seerayaasha Xukuumaddu doonayso in laga hirgeliyo banka Qool-caday oo qaybo ka mid ah dadka deegaankaasi ka cabanayeen in is-afgarad laga gaadhay iyo in kale waxaanay tidhi  “Hirgelinta seerayaashu waxay ka mid yihiin qorshayaasha horumarineed ee dalka laga qabanayo,waxyaabaha horumarka ah ee dalka laga hir-geliyay iyo kuwa la wadaba maalinta Axada todobaadkan ayaa kulan weyn oo wax ku ool ah lagaga wada hadlayaa markaasaa laga wada doodi doonaa isla markaana tallo waafiya oo dalka iyo dadkaba wax u tarta laga wada  yeelanayaa si ay iyadoo aan dhibaato innagu keenayn dalka looga hir-galiyo.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply