Guddoomiyaha WADDANI Oo Ku Baaqay In Tallo Laga Yeesho Komishanka Doorashooyinka

0
506

HARGEYSA (DAWAN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku baaqay in tallo laga yeesho in Komishanka doorashooyinka qaranka ee xiligan muddada loo jidiidiyo iyo in la wada bedelo si loo soo magacaabo Komishan cusub oo suurto-geliya doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto kal-dambe. Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu xukuumadda kula gal-gashay inay leedahay masuuliyadda koowaad ee suurto-gal ka dhigaysa in la qabto doorashadda, sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu shalay ka soo laabtay dalka Jabuuti oo uu muddo todobaad ah ugu maqnaa socdaal shakhsi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti.
“Guud ahaana dareenka dunida iyo sida aan qabo ka shacbiga reer Somalilandba maanta waxa la sugayaa,waxaa la sugayaana waxa weeye Xukuumada oo lays waydiinayaa goor may qabanaysaa Doorashadii?,waxaan ka war-qabnaa sida Xeerku uu tilmaamayo Doorashada waxaa ka horaynaysa Diiwaan gelin diiwaan galintu waxa weeye waxaa la diiwaan galinayaa dadka codaynaya ee qaan gaadhka ah ee reer Somaliland arrintaasi meel wanaagsan ayaa ay soo gaadhay waa laga wada shaqeeyey laakiin laba arrimood ayaa wali ka qabyo ah ansixinta wax ka bedalka iyo kaabista Xeerka Diiwaan gelinta oo barrigii hore Diiwaan gelintii la sameeyey waxaa lagu sameeyey faraha laakiin maanta waxaa lagu daray Indhaha markaa xeekaasi Xukuumada ayaa uu horyaala,waxaana laga sugayaa Xukuumada  Xeerkaasi si ay u bilaabanto wakhtigii loogu tallo galay diiwaan gelinta ee ahaa bisha 9-aad xeerka haddii ay golaha u soo gudbiso si dhakhso ahna haddii ilaahay ka dhigo uu golahuna waa jibkiisii ka guto,”ayuu yidhi C/Raxmaan Cirro waxaanu intaas ku daray  “Arrinta kale waxa weeye ee ka qabyada ahi ee mujtamaca dawliga ahina inaga sugaayo arrinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka,haddii Komishankan jooga loo kordhinaayo muddadiisa iyo haddii kale oo tallo kale oo midaysan oo lagu midaysan yahay la qaadanayaba taana waxaa laga rabaa in ay Xukuumadu ay soo bandhigto.Waxaa aduunkuna rajaynayaa shacbiguna rajaynayaa in diiwaan galintu wakhtigeedii ay ku bilaabanto oo aan wax dib u dhac ahi ku imanin.”
 
“Aniga iyo Golaha Wakiiladuba waxaanu diyaar u nahay in marka Xukuumadu ay qabato Doorasho Golaha Wakiilada ah in aanu amaanadii aanu shacbiga u soo celino laakiin su’aashu waxa weeye goorma ayaa ay qabanaysaa Doorashada?,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Wakiiladdu. C/Raxmaan Cirro waxa uu sheegay in kulamo uu Jabuuti kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan dalkaasi uu la soo qaaday sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal ee jaarka ah, waxaanu yidhi “Waxaan safar hawleed oo kooban aan ku tagay dalka Jabuuti ee aynu Jaarka nahay sida aad ka war-qabtaanba waxaa innaga dhaxeeya Jabuuti Cilaaqaad wanaagsan oo dhinacyo badan leh haddii uu yahay dhaqan,haddii uu yahay ganacsi iyo haddii uu yahay Iskaashiba muddadii koobnayd ee aan halkaas joogay waxaan marti u ahayn dawlada Jabuuti,waxaana safarkayagii koobnaa uu daarnaa uun sii xoojinta Cilaaqaadkaa dhinacyada badan leh ee innaga dhaxeeya dalka aynu walaalaha nahay ee Jaarka ah ee Jabuuti,waxaanu iska arragnay Masuuliyiin dalkaasi haddii ay yihiin baarlamaan iyo haddii ay yihiin Xukuumadba,waxaanu isla soo qaadnay uun waxaa ay ahaayeen sii xoojinta Cilaaqadkaa wanaagsan ee ka dhaxeeya labada waddan,waxaan kale madaxweynaha ugu tagay  booqosho sharfeed,Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kaleba waxaanu ka wada hadalnay wanaajinta cilaaqaadka Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply