Somaliland Oo Dib U Dhisaysa Mid Ka Mid Ah Dhismaha Raad-raaca Taariikhda Islaamka Ugu Weyn Barriga Afrika

0
512

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa ku hawlan sidii dib loogu dhisi lahaa mid ka mid ah dhismayaasha raad-raaca diinta Islaamka ugu faca weyn Barriga  Afrika oo ku yaalla Somaliland isla markaana dunsan.
Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal oo u waramay wargeyska DAWAN ,ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku jirto qorshaha dib u dhiska Masaajidka ugu faca weyn  Somaliland oo ah Masaajidka  Qiblataynka oo ku yaalla magaalada Saylac ee Xarunta gobolka Selel.
Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda dib u dhiska Masaajidka Qiblataynku u leeyahay Somaliland iyo  halka uu kaga jiro taariikhda diinta Islaamka ee mandaqadda,waxa uu yidhi “Horta  waa masaajidka ugu da’da weyn Somaliland isla markaana ah dariiqa ay diinta Islaamka ka soo gashay dalkeenna iyo guud ahaan dalalka barriga Afrika waa  masaajidka qiblataynku waa masaajid  la dhisay xilligii Rasuulku(SCW) uu noolaa taana waxaa caddayn u ah labadiisa qiblo oo marag u ah in la dhisay isla markaana lagu cibaadaystay intaan Rasuulkeenna(SCW) la farin in uu maka oo qiblada ah u jeesto, markaa waa la dhisayaa waxaana la doonayaa oo xukuumaddu ay ku hawlan tahay in la dhiso isla markaana aan la dhalan rogin oo uu dhismihiisu noqdo mid loo dhisay sidii uu xiligaa u dhisnaa.”ayuu yidhi Wasiir Cali Siciid.
Wasiirku waxa uu  intaa ku daray . “Marka hore waa masaajid,   mar labaadkana maanta wuxuu ka mid yahay goobaha taariikhiga ah ee dalka Somaliland ee noqday aataarta qadiimka ah ee dalkani leeyahay lagana dheehan karo taariikhda Islaamka ee Somaliland oo noqonaysa isla bilawgii iyo soo bixiddii Nebi Muxamed(CSW)  markaa maanta waa goob taariikheed  oo dalkani leeyahay, dhismihiisana waanu ka hawl galay waxaanan isla kaashanaynaa dalka Turkiga oo qudhiisa taariikh badan aynu wadaagno.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply