WAX-QABADKA XUKUUMADU AY KA QABATAY ADEEGYADA AAS-AASIGA AH EE BULSHADA .

0
89

Madaxwayanaha Jamuuriyada Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) isagoo og-kaalinta  iyo saamaynta  aqoon la’aantu ay bulshadu ku yeelan karto  horumarkooda iyo ilbaxnimadooda , isla markaasina ku xisaabtamaya aqoontu in ay tahay tan abuurta  hal-abuur, ummadda u keena  horumar iyo mustaqbal wanaagsan,  ayuu dalku u dhigay  siyaasad waxbarasho oo dhamaanba ubadkeena  siinaysa  fursad waxbarasho oo aanay  lacagi ku xidhnayn ,  culays kasta  oo dhaqaale oo ay arrintaasi ku keenaysay qaranka  oo dhaqaalihiisu aad u kooban yahay  kamay  hor istaagin in uu barnaamijkaasi uu guulaysto , waxaana xukumadu  ay bilaash ka dhigtay  dhamaan  waxbarashada aas-aasiga ah, waxaa ay talaabadaasi ay keentay in ilmo kasta oo reer Somaliland ihi  meel kasta oo dalka ka mid ah hajoogee  ay heleen waxbarasho bilaash ah  waxaana lagu garan karaa  qiimaha arrintaasi iyo haraadka loo qabayba in sanadkii koowaad ee xukunka xukumadan  ay kordhaan  arday  u dhiganta  kala badh ardaydii reer Somaliland ee hore iskuulada ugu jiray  kaasi oo korodhka uu gaadhay  43.3%  waxaana xukumada oo taasi si fiican uga baarandagtay  iskuna halaysay  waxa aynu haysano  ay u dhaqaaqday  kordhinta  macalimiinta  si ay u daboolaan baahida waxbarasho ee ardaydii soo korodhay, waxaa xusid mudan  markii  ay xilka la wareegtay  xukumdani  macalimiinta dugsiyada hoose dhexe  iyo kuwa sare  wax ka dhigaa ay ahaayeen  2,000 oo macalin  oo xukumadihii  kala danbeeyay ee xukuumadan ka horeeyay  midba meel ay soo gaadhsiisay shaqaalaynta  macalimiinta, hase ahaatee waxaa arrin guul ah in muddadaasi afarta sanno ah  ee xukumadani ay talada haysay ay shaqaalaysay 4,500 oo Macalin oo waliba lagu xushay  Awoodooda aqooneed ee gudbinta  waxa ay dhigayaan, waxaa wax-barasho dibadeed ay xukumadu ay u dirtay 2,500 Oo arday waxaa la dhisay 600 oo Dugsi oo sigu jira kuwo hoose dhexe (15 Dugsi) oo ah dugsiyada sarre  ayaa kordhin, dhisid  iyo dayactir ay ku samaysay, 266 Hablood ayaa ay xukumadu ay siisay  deeq  waxbarasho,  waxaa la dhisay  dugsigii farsamada gacanta ee Burco lana qalabeeyay  si dhakhso ahna ay hawshii wax dhigistu ay uga bilaabi doonto .
WAXQABADKA CAAFIMAADKA
Waxaa dhab ah  awooda caafimaad  qabka  bulshada ama qofku ay  tahay  ta horseedka ka noqon karaysa  bulsho u taagan  nolosha  iyo mustaqbalkooda danbe, waxaa muhiimada arrintani ay tahay qaran ahaan in bulshada reer Somaliland  hesho  caafimaad ku filan  waa talaabo xoojinaysa  awoodeena wax-qabsi.
Xukumada Somaliland  hindihiseheedu wuxuu yahay  abuurida iyo hormarinta caafimaadka dadkeena, iyodoo dadaal badan dabadeed xukumadan talada haysaa  wax-qabadkeeda dhinaca caafimaadku  uu ku tusayo  natiijo wanaagsan, waxaa xukumadu  dalka goboladiisa iyo degmooyinkiisa  kala duwan  ay ka hirgalisay 689 goobo caafimaad ah oo iskugu jira, cisbitaalo gobol ,kuwo degmo, MCH-yo , health post-yo waxaana ay hogaanka qabatay oo ay  la wareegtay  afar sano ka hor iyadoo dalka ay jiraan 260 goobood oo caafimaad  waxana inoo soo baxay  tirooyinka goobaha waxqabadka caafimaadka markaan eegno, korodh  kala badh ka sareeya oo muddo gaaban  ku qabsoomay, waxaa kaloo xukumadani ay  goobaha caafimaadka ka hawlgalisay  38 Ambulance waxa la hawlgaliyay  xarumood oo lagu daaweeyo  khaasna u ah   cudurka  TB-da, waxaa xukumadani dadaal wayn  u gashay  sidii loo helilahaa mishiinada kaliyaha lagu sifeeyo oo aan jirin dalkeena  dhibaato badana dadkeena ka haysatay iyadoo cida ay awoodi kartaa mooyee, dadkeena aan awoodi Karin arrintaasi  dad faro badan ay  u dhintaan ama ay waxyeelo ka soo gaadhay waxana haatan shaqeeya dalkeena gudihiisa  7 mishiin oo kaliyaha lagu sifeeyo oo xukumadani ay keentay  baahiwayna ay dabooshay, waxaa shaqaala caafimaadka xukumadani ay ku kordhisay shaqaalihii hore 2,559shaqaale waxaan hore u jiray  1,374 shaqaale ah, waxaa la hirgaliyay siyaasada  daadajinta  caafimaadka si goobta iyo qofka la badbaadinayaa ay iskugu dhawaadan  gurmadna loo fidin karo
CADAALADA IYO GARSOORKA
Cadaaladu waxay ka mid tahay  waxyaabaha  ugu muhiimsan  marka la eego  dhisme bulsho  iyo mid qaranba,  dhismaha cadaalada oo dastuurka si cad ugu tilmaaman , waxaa xukumadani markii ay timid ay ahayd cadaaladu  meelaha loogu hadal haynta badan yahay  wax ka qabashadeeduna ay lagama-maarmaan u ahayd  dhismaha qaranka, waxaana xukumadani oo taasi ogayd ay si mug leh dib ugu eegtay  dariiqii dheeraa ee  qaabka cadaaladeenu ku socotay.
iyadoo la sameeyay  dib u habayn wayn oo ku saabsan  dhismaha cadaalada ee dalka  iyo qiimaynta  wax-qabadka  iyo ka war haynta  dhibaatooyinkii haystay  bahda  garsoorka iyo cadaalada iyo dadka loo adeegayo .
Dib u eegistaasi lagu sameeyay cadaalada  waxay keentay  in la qabto  shir-waynayaal arrimaha cadaalda iyo garsoorka lagu naaqishaayay , waxaana ka soo baxay  qaab iyo habab loo waajahayo  nidaamka cadaaladeed iyo garsoorka oo saldhig u ahaa is badalka wayn  ee maanta ka muuqda  cadaalada iyo garsoorka dalka, waxaa la  tababaray  dhamaaanba hawl-wadeenada cadaalada, waxaa la qoray  garsoorayaal iyo hawlwadeeno cusub oo la biday aqoontooda cadaaladeed in ay noqon karayso mid wax ka tarta arrimaha Cadaalada iyo Garsoorka iyadoo sida wanaagsan looga faa’idaysanayo,  oo waxtaraysa nidaamka cadaaldadeed ee dalka  waxaana la dhamaystiray  dhismaha heer  gobol iyo heer qaran ee hay’adaha  cadaalada ka shaqeeya in kastoo cadaaladu ay tahay hawl adag oo u baahan  wakhti dheer sixideeda ayaa hadana  dadaalada xukumadani ay ugu jirto uu yahay mid maalin  kastaba u socda in wax la hagaajiyo . waxaana amaan mudan  masuuliyiinta caalada uga masuulka ah oo xilkasnimo weyn, qabashada iyo hagaajinta  hawshan ka muujiyay.” LA SOCO……………….
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here