IGAD Oo Somaliland Ku Marti-qaaday Shir Caalami ah Oo Lagu Qabanayo Itoobiya

0
530

Hargeysa, (Dawan)- Wasiirrada arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo  Caafimaadka Somaliland ayaa kulan la yeeshay wefti ka socday urur gobolleedka IGAD oo socdaal ku yimi dalka.
Kulankan oo shalay ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ayaa wasiirka wasaaraddaas Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaas ka dib warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in weftigaasi ay la kulmi doonaan doonaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, waxaanu tilmaamay in muddo saddex cisho ah ay dalka ku sugnaan doonaan.
Maxamed Biixi Yoonis oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxaan soo dhawEynayaa weftigan Somaliland yimi, kuwaasoo mashaariic badan noo haya, weftigani waxay inala joogi doonaan saddex cisho. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkana way la kulmi doonaan wasiirro faro badanna way la kulmeen, waxaanay halkan kula kulmeen wasiirrada caafimaadka, arrimaha gudaha iyo aniga ( wasiirka arrimaha dibadda), mar labaad waxaan idinku soo dhaweynaynaa Somaliland anagoo hubna cilaaqaadka aanu la yeelanay IGAD oo horena cilaaqaad ka dhexeeyay IGAD iyo Somaliland.”
Maxamed Cabdi Afay oo ka mid ah weftiga IGAD oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in IGAD Somaliland ka taageeri doonaan xaga doorashooyinka, waxaanu yidhi, “Waxaanu u nimi inaanu xaqiijino waxa ka jira Somaliland oo aanu ku dhiirigalino dawladda doorashooyinka soo socda, in aanu diyaar u nahay oo urur ahaan garab galno oo dawladda la qabano doorashooyinka oo wixii ay nooga baahan yihiin siino,  doorashooyinkaasi waxa ay muhiim u yihiin umadda halkan ku nool iyo geeska Afrika.”
Maxamed Cabdi Afay waxa kale oo uu tilmaamay in ururka IGAD uu Somaliland ku martiqaaday shir lagaga hadlayo caafimaadka oo ka dhici doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu yidhi, “Mida kale shir lagu qabanayo Addis ababa oo ay isugu imanayaan 500 oo wefti ah oo ka socda caalamka oo idil, ayaanu ku marti qaadnay Somaliland in ay shirkaas ka soo qaybgasho oo arrimaha caafimaadka ku saabsan.”
By: Khadar M.  Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply