Xukuumadda Oo Shaacisay Waxqabadkeedii Afartii Sannadood Ee La Soo Dhaafay

0
459

HARGEYSA (DAWAN)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday warbixin dheer  oo ay soo saareen waxay tafaasiil kaga bixiyeen qorsheyaashii u fulay xukuumadda  Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo afar jirsatay.
 
Afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul  ayaa shir jaraa’id oo uu Sabtidii ku qabtay xarunta madaxtooyadda waxa uu bayaamiyay qoddobadii u hirgalay xukuumadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyadda waxbarashada, caafimaadka, siyaasadda dibadda, adkaynta nabad-gelyadda, cadaalladda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
 
Qeybta koowaad ee warbixintan waxaanu akhristeyaashayadda sharafta leh halkan ugu soo gudbinaynaa waxqabadkii xukuumadda ee dhinacyadda nabadgelyadda, waxbarashadda, caafimaadka iyo cadaalladda.
 
Afhayeenka Madaxtooyadda oo ka hadlayay waxqabadka xukuumadda Somaliland waxa uu yidhi  “Marka hore dhamaanba shacabka reer Somaliland   meel ay joogaanba guddaha iyo dibadaba waan salaamayaa, waxaana ku bogaadinaynaa sida iskaashigooda iyo isku duubnidoodu qaran ahaan ay inoogu suurto gelisay in waxbadani ay noo qabsoomaan, waana ILAAHAY MAHADII,
Intaasi ka dib  walaalayaal  muddo Afar sanno ah  ayaa haatan ka soo wareegtay  markii xilka qaranka iyo hogaamintiisaba  ay la wareegeen  madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici  ka dib  natiijadii ka soo baxday  iyo doonistii shacabka reer Somaliland  sida dimuqaraadiga ah  ay ugu doorteen  hogaaminta dalka  xisbiga kulmiye  kuna badaleen  xisbigii talada hore u hayay ee UDUB,  waxay ahayd  marxalad guul ah  sidii  nabad-galyada ahayd  ee wax waliba  ay ku dhamaadeen, in kastoo  dalka ay taalay  duruufo adag  iyo goldaloolooyin  u baahnaa in deg-deg  wax looga qabto,  waxaa nasiib wanaag ahayd oo kale  sidii shacabka Somaliland  ay filayeen  kuna doorteen  xukumadan, ayaa madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland  uu markiiba dhaqaajiyay   barnaamuj wax-qabad iyo qorshe  hagid siyaasadeed leh  oo koobayay  baylaha tirka  duruufihii yaalay oo dhan.
Sideedaba waxaa ay ummadi ku jiri kartaa  oo qaran ku dhismi karaa marka ay jirto  Maba’adii  aas-aasi ah  oo ku salaysan  aaminsanaantooda  aragtida guud ee ummadda oo ku qotoma  go’aan loo dhan yahay  kaasina  waxa uu ahaa in   go’aankii shacab  ee dadka reer Somaliland  ay ku go’aamiyeen  magaalada BURCO 1991-KII  waana takeentay  dhowrista  iyo ilaalinta  hadafka qaran-nimada  gayigan reer somalilandna  ka sabato bixiyay  duruufaha adag  ee ka jira  gobolkan geeska Afrika oo meelo badan oo ka mid ah  ay ka taagan yihiin  nabadgalyo darro iyo awood kala hororsi, waayo  inaga  shacab ahaan meel marinta  go’aankeena qaran-nimo  ayaa inagala wayn  waxkasta oo kale oo khuseeya dane qof amba mid kooxeed. Marka hadaba  la eego  ama aan dib ugu noqono  afartii sanno ee aynu ka soo gudubnay ee xukummadan  uu hogaaminaayay Madaxwayne Axmed Maxamed (Silaanyo) xilka ummaddana haysay  wixii ay qabatay  waxay noqotay  natiijadii ka soo baxday horumar iyo wax-qabad  muddo gaaban  qarankan u keenay  isbadalo, siyaasadeed  dhaqaale, kor u qaadida dhisme  hay’ado dawladeed oo  sal adag ku taagan, kor u qaadida  adeegyada bulshada, abuurida kaabayaal dhaqaale, daryeel tayayen shaqaale iyo darajo ciidan,  amniga qaranka, gogol walaalnimo , maamul fidin, abuurida iyo midaynta xooga  ummadda  iyo xukumada oo dhinaca wax wada qabsiga u dhaqaaqay, soo celinta  haybadii dawladeed  iyo dejinta siyaasad dibadeed oo leh ujeedooyin  iyo hadaf  beesha caalamka  lagu gaadhsiinayo  qadiyada qaranimo  ee dadka reer Somaliland ay leeyihiin intaasi oo wax-qabad ah oo raacaya  dariiq qeexan iyo hogaamin ay u dejisan tahay  halka loo socdo  iyo halkii laga yimid  ayaa qarankan ka dhigtay  dal iyo dad u jihaystay, xaga hormumarka  deganaanshiyaha iyo rajo ku dhisan  waxa aynu qabsanaa inay jawaab u tahay   gaadhida  himilada qaranka ee beesha caalamka.
Qodobadaasi aynu kor ku soo sheegnay ayaan mid mid u dulmari doonaa waxyaabihii ugu mihiimsanaa ee xukumada madaxwayne Silaanyo qabatay oo xaqiiqadii   doorashadiisii ay shacabka Somaliland ay u ahayd fursad wax-qabad oo dadkeena iyo dalkeenaba u soo korodhay
NABADGALYADA QARANKA (National security)
Waxaa ILAAHAY MADAHDII AH in guud ahaanba  dhulka Jamuuriyada Somaliland  ay ka jirto  nabadgalyo buuxda , xukumada Somalilandna  waxay si mugleh ugu shaqaysay  sii xoojinta  nabadgalyada dalka, xaalad kastoo timaadana  oo dhalinkarta nabadgalyo darona  waxay ku xalisay  caqli aqooneed iyo waayo aragnimo sii adkaysay walaalnimada iyo wada jirka shacabka reer Somaliland oo fahamsan  aas-aaska wax noqoshadeenu in ay tahay  kuna tiirsan tahay  nabadgalyada, waxaa xukumada uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)  ay xooga saartay  tayeynta, balaadhinta, tababarada iyo qalabaynta hay’adaha qaranka ugu qaabilsan nabadgalyada  kuwaasi oo xasladay  nabadgalyada  Jamhuuriyada Somaliland, waxaa xukumaddu iskaashi dhinaca nabadgalyada ah  ay la gashay  wadamada jaarkeena iyo kuwo caalamka kale ah, waana  qorshayaasha nabad-galyo  ee ay xukumadani ay u dejisay  geyigeena uu ka dhigay  meel ka caagan  budhcad badeed iyo dibaatooyinka ay wadaan  kooxaha argagixisadu, waxaana amaan mudan  shacabka reer Somaliland oo gacan buuxda  xukumada ku siiyay ilaalinta nabadgalyada geyiga oo qof waliba  halkiisa uu ku noqday  xilqaad nabad-galyada dhowra  kana jira in cid kale  ay dhaawacdo nabad-galyada.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply