WEEDHA WARGEYSKA: Ha La Soo Gole-joojiyo Wadaadkan Xadhkaha Goostay

0
95

Waxa uu sheegtaa    in uu yahay nin Sheekh ah  oo  diinta yaqaana,  isla markaana aqoon durugsan   u leh taariikhda  Islaamka iyo siiradda nabiga NNKHA.
Hase yeeshee deel-qaafkiisa ayaa xakamaha goostay isla markaana waxa uu masaajidka uu khadiibka ka yahay  ee xaafadda xawaadle ka dhigtay Fagaare uu  kaga hadlo arrimaha siyaasadda oo uu dhex butuqsado, iyo weliba meel uu  ku aflagaadeeyo kolba cidii uu doono, gaar ahaan madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee Qaranka oo uu had iyo jeer u jeediyo  eedo xaqiiqada ka fog, iyo aflagaadooyin aan loo meel dayin.
 
Af xumooyinka  iyo meel ka dhacyada joogtada ah ee uu wadaadkaasi had iyo jeer kula dul kufo hogaamiyeyaasha Ummadda waxaa u dambeeyey  khudbad dheer  oo uu maalintii Ciidda soonfureed ee todobaadkii hore ka jeediyey  qaar ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa oo salaadii Ciida ku tukanayey garoonka Xawaadle ee Xaafadda 26-ka Juun . Khudbadaas oo ahayd mid sidii wadaadkaas iyo khudbadahiisaba looga bartay  inteeda badani  ku saabsanayd dhaliisha xukuumadda iyo cambaaraynta madaxda Qaranka, waxa uu ku sheegay   in afar Wasiir oo ka tirsan xubnaha golaha Wasiirada Somaliland ay ka soo cawdeen qaar ka mid ah dawladaha ay Somaliland jaarka yihiin,  ka dib markii ay la shaqayn kari waayeen afartaas Wasiir. Isaga oo isla mar ahaantaasna  Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu si deg deg ah xilka uga qaado afartaas Wasiir. Hase ahaatee  hadalkaas oo ay dadweynihii  xiligaas ku tukanayey garoonka Xawaadle iyo kuwii kale ee warbaahinta ka akhriyeyba ay aad ula yaabeen.
Waxa kale oo uu khudbadaas kaga  hadlay arrimo kala duwan oo intooda badani ahaayeen qaar xaqiiqada ka fog  oo aanay Ummadda wax dan iyo maslaxad ahi ugu jirin, isla markaana ahaa  fidmo abuur, isku dir, iyo kala fogeynta  shacbiga iyo xukuumadooda, tusaale ahaan waxa uu sheegay  in xukuumadu iibinayso dhulkii iyo guryihii dawlada ee  ku yaalay magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka iibinayso dad gaar ah oo aanu magacaabin. Isaga oo isla mar ahaantaana dadweynaha reer Hargeysa ugu baaqay in ay kacaan oo hantidooda ilaashadaan, kana hor tagaan qorshahaas xukuumaddu wado. Hadalkaasi oo dadweynihii  garoonka  ka daawanayay iyo kuwii warbaahinta ka akhriyay-ba ay la yaabeen kuna tilmaameen  mid ka turjumaysa sida uu wadaadkaasi ugu jawo-wareeray miidaanka siyaasadda oo aanu fikir iyo xog ka haysan, hase yeeshee uu la shir yimaado  sheekooyinka aan maan-galka ahayn ee fadhi ku dirirku ay soo alifaan.
Waxa dadweynaha ka biyo diiday hadalkan ka soo yeedhay ninkan Sheekhnimda sheeganaya ee lagu magacaabo Aadan Xaaji Maxamuud  (Aadan Siiro) ay tilmaameen  in hadaladiisu yihiin qaar laqwi ah oo ay  ka muuqato jaahilnimo iyo xilkasnimo darro faro badani, isla markaana aan munaasib ku ahayn  qof wadaadnimo iyo diin sheeganaya, isla markaana   boqolaal ruux oo muslimiin ah tukinaya. Dadkaasi waxa kale oo ay  sheegeen in aanay ninkaas odayga ah khudbadahiisa intooda badani ahayn kuwo ku taxaluqa diinta Islaamka, hase yeeshee uu dadweynaha masaajidka ku tukanaya u jeediyo muxaadiro siyaasadeed oo aanay  u iman masaajidka.
Dadka fikirkaasi qabay wax ay aad uga biyo diideen, ugana fajaceen  hadalka  Aadan Siiro ee la xidhiidha in dalalka darisku ay ku baaqeen in la bedalo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, kaasoo ay u arkayeen in uu yahay hadal   waxba kama jiraan ah oo ka baxsan nidaamka  caalamiga ah  ee dawladnimada iyo hab-dhaqanka dublamaasiyadeedba.
Waayo dal kastaa waxa uu leeyahay madax-banaanidiisa , mana jirto dawlad xq u leh in ay dawlad kale u yeedhiso cida ay xilal u dhiibanayso ee ay Wasiiro ka dhiganayso, iyo cida ay xilalka ka qaadaysotoona.
Somaliland-na waa dal Madax banaan oo la mid ah dawladaha caalamka,  mana jirto wax tallo ah oo ay dalalka la jaarka ah ka weydiinayso dadka muwaadiniinteeda ka tirsan ee ay u dhiibanayso xilalka Wasiirnimo iyo kuwa kale ee la midka ahba.  Sida aanay iyaguba wax tallo ah uga  weydiinin cida ay xilalka u dhibanayaan, iyo cida ay ka qaadayaan toona.
Sidaas darteed  Aadan Siiro waxa uu ku xad-gudbay hanaanka dawliga ah iyo xidhiidhka caalamiga ahba, waxaanu ka  been sheegay  dawladaha jaarka ah oo uu  ribeeyey, isla markaana ka soo weriyey  waxyaabo aan sal iyo raadtoona lahayn, oo ka baxsan habdhaqanka diblomaasiyada, isla markaana aanay jirin meel ay dawladahaasi ka sheegeen. Taas aawadeedna  waxaa looga baahan yahay Aadan Siiro inuu cadeeyo dawladaha jaarka ah ee ka cabanaya Wasiirada Somaliland kuwa ay yihiin iyo weliba Afarta Wasiir ee ay ka cabanayaan kuwa ay yihiin. Sidoo kalena Ummadu waxa ay wadaadkan ka sugaysaa in uu u cadeeyo cida ay dawladaha jaarku cabashadooda u soo gudbiyeen, goorta ay soo gudbiyeen iyo halka ay ka sheegeen in ay ka cabanayaan Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland.  Waxa kale oo aynu marti uga nahay in uu kala cadeeyo in uu yahay nin reer Somaliland iyo in uu yahay nin u shaqeeya oo wakiil u ah dawladaha jaarka ah ee uu wararka inooga keenay.  Hadii kale arintaasi waxa ay daliil iyo markhaati furba u noqonaysaa fikrad ay dadweynaha qaar faro badan oo ka mid ahi qabaan, taasoo sheegaysa in hadalkan wadaadku ku tiraabay  u egyahay mid jaajuusnimo la xidhiidha,  oo uu doonayo inuu wax aanay ahayn ku calaamadiyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda,  oo uu shakhsi ahaan naxli iyo buqdi faro  badan  u hayo, isla markaana uu  jeclaan lahaa in xilka laga qaado, sida uu haatanba yidhiba.
 
Waxa dadka fikirkaasi qabay ay doodooda ku salaynayeen in  wadaadkaasi  xukuumadii Daahir Rayaale-ba uu sidan oo kale u cambaareyn jiray, hase yeeshee ay ciriqiisa qabteen,  ka dib markii ay ogaadeen in ujeedadiisa oo dhami tahay la xidhiidha aduun uu xukuumada ka doonayo, markaas ka dibna ay siiyeen sida la soo weriyey lacag dhan 30 kun oo dollar, sidoo kalena ay u direen   cisbitaal dibeda ah oo ku yaala dalka Malaysia. Sidaas darteed dadka fikrad qabaa waxa ay sheegeen in uu xukuumadana sidaas si la mid ah ku dilayo xoolo uu ka doonayo, balse aanay jirin wax kale oo meesha yaalaa.
Sheekh Aadan Siiro dadka iyo dalka waxa uu ka yahay qof caadi ah, waxase habboon inuu hadalkiisa shaandheeyo ka hor inta aanu afkiisa mikirifoonka ku rakiban ku baahin oo uu xag-xagashada xukuumadda iyo masuuliyiinta qaranka ee uu caadaystay xataa uga sii gudbin dalalka dariska ah.
Sidoo kalena waxaa daruuri ah in Hay’adaha ammaanku wax ka weydiiyaan waxa uu ku cadeynayo iyo halka uu ka keenay sheeko baralaydan uu dadweynaha ku marin habaabinayo, si uu uga caago inuu mar dambe been abuur cad minbarada cibaadada iyo masaajidada la soo istaago.    Waxaan ku soo khatimaynaa qormaddan  waxa lagama maar-maan ah in Ha’yadaha ammaanka iyo kuwa sharcigu ay waajibkooda ka gutaan Sheekhan fidmo abuurka u ban-baxay ee aanay afkiisa iyo dhegihiisu is-maqlaynin,  isla markaana caadaystay  inuu shacbiga iyo xukuumadooda kala fogeeyo. Kaas oo haatana gaadhay in uu  u talaabo dawladaha aynu jaarka nahay, isla markaana ka sheego been abuur cad iyo wax aanay sheegin oo aan mustawahooda ahayn.
Si kastaba ha ahaatee waxaa haatan la gaadhay xiligii la soo gole-joojin lahaa wadaadkan xadhkaha goostay.
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here