Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Oo Si weyn uga dhex Muuqday Soo dhawayntii shalay Ee Madaxweyne Siilaanyo

0
450

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo safar fasax oo shaqsi ah ugu maqnaa Ingiriiska ayaa dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha oo shalay  ka soo degay madaarka caasimadda ee Cigaal ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Maxamed Kaahin Axmed, , wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka iyo dadweyne kale.
Madaxweynuhu markii uu ka soo degay garoonka Cigaal ee caasimadda waxa uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland, isagoo saxaafaddana hadal kooban ku siiyay qolka nasashada ee madaarka.
Madaweynuhu wuxuu sheegay inuu kulamo la yeeshay madaxda dawladda Itoobiya oo uu socdaalkiisa kusii maray, isla markaana ay ka wwda hadleen danaha labada dawladddood.
Sidoo kale waxa uu xusay inuu kulamo la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska.
“Farxad weyn bay ii tahay inaan dalka kusoo laabto. Anigoo muddo labaataneeyo maalmood ka maqnaa, muddadaa aan maqnaa markii hore dalka Itoobiya ayaan sii maray, waxaananu is-aragnay masuuliyiinta dawladda Itoobiya oo aanu ka wada hadalnay danaha labada dal, ka dib waxaan uga gudbay dalka Ingiriiska oo aan muddo fasax ah ku maqnaa.  anigoo bulshada reer Somaliland ee halkaas (Ingiriska) joogtana aan fursad u helay qaybo badan oo ka mid ahna aanu la kulanay oo aanu la ciidnay oo aanu la hadalnay oo danaha dalka, baahiyahooda iyo waxay tabanayeen ay iyaguna noo sheegeen , taageerada dadka iyo dalkana aanu ku guubaabinay, isla markaana taageeradooda iyo niyad wanaagsanan dadka iyo dalkaba way u muujiyeen.” ayuu yidhi madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray isagoo ka hadlaya dareenka fasaxii uu muddada ku maqnaa .
“Muddadaa fasaxa baan ku maqnaa, fasax wanaagsana waan soo qaatay, farxad weyna way ii tahay inaan dalkii hooyo kusoo noqdo.”
By: Siciid M.Askar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply