“Ninka Maanta Magaado Bilaabaa Waa La Garanayaa Inuu Yahay Nin Abmaday”

0
819

Hargeysa(Dawan):- Xaaji Cabdikariin Xuseen(Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Guurtidda Somaliland, ayaa kelmad kaftan ah ku bilaabay hadal waano iyo dar daaran ah oo uu shalay  ka jeediyay kulan lagu daah furayay Mashaariicda Horumarineed ee sanadkan dalka laga hirgalinayo oo maanta lagu daah furay hotel Ambasator ee magaalada Hargeysa. Kelmadda katanka ah ee Xaaji Cabdiwaraabe,ayaa markii uu carabka ku dhuftay magaca Habarjeco waxa loo wada dhegtaagay waxa  ka dambeeyay ee uu raacin doono iyo kaftan uu  ka sheekeeyay oo dhex maray guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan,laakiin markii uu dhameeyay kaftanka,ayaa lagu soo dhaweeyay sacab  aan kala go’ lahayn. Xaaji Cabdikariin Xuseen oo bulshada ka wacyi galinayay dhibaatada qabyaalada ayaa hadalkiisa ku bilaabay kelmad kaftan ah oo ay  hore isku waydaarsadeen Guddoomiyaha Golaha Guurida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. Xaaji Cabdi-kariim Xuseen oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi  “Waxaanu haasawnay Guddoomiyahayaga oo waxaan ku idhi Waar magacan Habar-jeclo maxaa idiin diiday sida  kuwa kale ilayn lama soo qaado kii kale ee la gudboonaa ee Magaado,waxaanu iigu jawaabay Gudoomiyuhu, annaga kaayagu wuu hirgalay oo ceeb malaha ayuu igu yidhi,waana  runtiisa. laakiin ninka maanta Magaado bilaabaa waa la garanayaa  inuu nin abmaday yabay.”ayuu yidhi Xaaji Cabdiariin Xuseen oo  kaftankaasi oo sababay in mar kaliya sacab is qabsado oo masuuliyiin iyo marti sharafba kelmadda Xaajiga lagu soo dhaweeyo sacab. Waxaa kale oo uu Xaaji Cabdikariim  Xuseen ka hadlay seerayaasha la doonayo in laga hir-galiyo qaar ka mid ah bananka Somaliland isagoo tallo ahaan ku soo jeediyay in laga badiyo labada ban ee Aroori iyo Qool-caday oo imika qorshaysan in la seero loona xidho Xoolaha,waxaanu yidhi “Bananka Aroori iyo Qool-caday dadka deegaanka,ayaa loo seerayaa meel lagama seeranayo,waa danteenna,waa dhaqaalaynta xoolaheenna  ha la is garab taago oo ha laga daayo carqalada iyo dacaayadda,waxaanan ku talinayaa in intaa laga kordhiyo oo mid kalena galbeedka dalka laga hir-galiyo midna bariga dalka laga hir-galiyo si aanay labada ban culays ugu noqon marka  la seero laakiin xooluhu ha wada helaan seerayaal dalka oo dhan laga hir galiyo,dadkana waxaan u sheegayaa in seerayaasha la wadaa ay yihiin kuwo ay dadka deegaanku leeyihiin oo ay duunyadoodu leedahay oo aanay cid kale lahayn haddii ay abaari dhacdana waa la wada daaqi doonaa laakiin cidda lihi waa innaga.” Waxaa kale oo uu bulshadda kula dardaarmay in laga wada shaqeeyo nabad-gelyada oo uu ku adkeeyay dadweynaha in  ay ogaadaan cid kasta oo soo degta guryaha u dhow oo kiraysata isagoo waliba dumarka iyo dhalinyarada ku adkeeyay in ay fiiro gaar ah u lahaadaan cid kasta oo ku soo korodha halka ay degan yihiin.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply