Madaxweyne Ku xigeenka Oo Daah-furay Wajiga 1-aad Ee Mashruuca Horumarinta Somaliland

0
64

Hargeysa(Dawan):- Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ee ay Wasaaradahoodu hir-galinayaan mashruuca horumarinta Somaliland wajigiisa koowaad,kaasi oo laga maal-gelinayo  Sanduuqa Horumarinta Somalialand (SDF) ayaa ka war bixiyay qaabka ay uga hawl gelayaan mashaariicdaas iyo Wasaarad kastaa  waxa ay yoolka  ugu mudan ka dhigatay hir-gelintiisa ee ay ku bilaabayso Mashruuca horumarinta Somaliland.
Xaflad loo qabtay daah furka Hirgalinta  mashruuca horumarinta Somaliland oo shalay agu qabtay Hotel  Ambassador ee magaalada Hargeysa,ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo si rasmi ah u furay mashruucan,Wasiirrada ay wasaaradahoodu fuliyaan  wajiga koowaad ee mashruuca horumarinta Somaliland, hay’adaha Dawladda ee kala ah Waddooyinka,  Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Guddoomiyeyaasha Gobolada Somaliland, Xildhibaanno,Salaadiin  Culima awdiin, iyo marti sharaf kale oo ka kala yimi qaybaha bulshada.
 
Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka  Sacad Cali Shire oo ka hadlay Mashruuca horumarinta Somaliland ee  shalay la daah furay wa uu kaga duwan yahay kuwii hore ee ay Somaliland ka heli jirtay caalamka,ayaa yidhi. “Maanta waxaa inoo wada sharaf ah dawlad iyo dadweyneba inaan isugu wada nimaadno sidii aynu u furi lahayn mashaariic horumarineed oo  laga maal galinayo  Sanduuqa Horumarinta Somaliland,sidaad la socotaanba dawladaha hore u maray waddamada ka saboolsan ama ka hooseeya sadex siyaabood ayay u caawiyaan sadexdaas oo kala ah.
1.Waa Dawlad ka dawlad caawimada ay siiso ama kaabidda bajadka waxa loo yaqaan jidkaa waxaa lacagta la isku mariyaa marka ay labada dawladood is ictiraafsan yihiin,innaga(Somaliland) wali la inama ictiraafin markaa jidkaasi inooma furna.
2.Waxaa uu yahay ka labaadna in ay cid dhexe u soo mariyaan gaar ahaan hay’adahainnaguna waxaynu ka mid nahay dalalka ay cidda dhexe u soo mariyaan caawimada jidkaa dhexe la soo mariyo ee hay’adaha caalamiga ah ama kuwa qaramada midoobay la soo mariyo  waxa lagu qabanayo iyo meelaha wax lagaga qabanayo waxaa go’aamiya ciddaa loo soo dhiibay  inteenna loogu tallo galay in ay mashaariidaas ka faa’iidaystaan tallo gaaban ayaynu ku leenahay.
3.Habka Sadexaad waxaa weeye habka Sanduuqa,mashaariicda aynu maanta daah furaynaa waxay hoos timaadaa deeqaha iyo lacagaha la soo mariyo habkaa Sanduuqa,habka sanduuqu waxaa uu kuwaa kale kaga duwan yahay wali lacagta waxaa gacanta ku haya ciddii bixisay iyo cidday iyadu u igmatay, laakiin mashaariicda lagu qabanayo waxa ay noqonayaan,halka laga fulinayo iyo habka ay noqonayaan waxaa iska leh cidda la siinayo oo ah innaga.”
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in horumarku ku jiro in danta guud la iska kaashado sidii loo taabo-gelin lahaa, waxaanu yidhi  “Ugu horrayn waxaan bulshadda reer Somaliland u sheegayaa in ay mashaariicdani yihiin qaar dalku leeyahay oo waddanka oo dhan wax loogu qabanyo,mana jirto cid gaar ah oo wax loo qabanayo iyo qof si gooni ah loogu naas nuujinayaa ummadda ayaa leh oo waddanka,ayaa leh waxaana loo baahan yahay in aynu dawlad iyo shicibba u wada guntanno sidii aynnu dalkeena wax ugu qaban lahayn ee aynu uga dhigi lahayn dal aynu tacab badan galinno oo halka ay nolosheenu ku xidhan tahay aynu ka wada shaqayno,sida xoolaha,beeraha biyaha iyo wax kasta oo horumar ah.”
Madaxwyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata isla markaana la hadlaya siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa yidhi. “Waxaan u soo jeedinayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah in aanay wax kasta mucaaridad uun aanay gelin oo aanay dhaliilin ee wax qabadka dalka laga hir galinayo ee ay dawladdu waddo ee dalka iyo dadkaba ay dani ugu jirto waxaan u soo jeedinayaa in ay  dhiiri galiyaan oo ay ka qayb qaataan,dadweynaha reer Somaliland-na waxaan u sheegayaa in mashaariicdan imika la bilaabayaa in ay yihiin kuwii ugu weynaa ee aynu inagu qorshaynay meelaha wax lagaga qabanayo waana qaar la inagu eegayo oo haddaynu si wanaagsan u maamulanno halkaa ka sii soconaya oo qaar badan oo kalena ay daba socdaan oo dhakhso u bilaabmi doona,ugu dambayn waxaan u mahad naqanayaa labada dawladood ee noqday abadii waddan ee ugu horreeyay ee dhaqaale ku shuay sanduuqa horumarinta Somaliland oo ah sanduuqa laga hirgalinayo mashaariicdan,waxaan leeyahay aan u wada guntanno in aynu hawshaa sida ugu wanaagsan uga soo baxno.”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) .
 
 
Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka hadashay kaalinta ay Wasaaradeedu kaga qayb qaadanayso mashruuca horumarinta Somaliland ee shalay la daah furay,waxaana hadalkii Wasiir Shugri ka mid ahaa. “Waxaanu marka ugu horraysa ka duulaynaa sidii dalkan dhulkiisa loogu soo celin lahaa gacanta Dawladda isla markaana loo baabiin lahaa seerayaasha ama beeraha  sharci darada ah ee la iska ootay mana dhici doonto in dhul dadku wada leeyahay  inta uu qof iska ooto in uu sheegto,waxaa kaloo aanu wadnaa oo aanu dalka oo dhan ka samaynaynaa seerayaashii dalkani uu  lahaan jiray,seerayaashu kuma koobna oo kaliya labada imika hadal hayntoodu inagu badan tahay ee Aroori iyo Qool-caday,laakiin gobol kastaa wuxuu leeyahay  dhul seere ahaan jiray kaasoo aanu soo celinayno anagoo iska kaashanayna wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo dadka deegaanka,waxaa kaloo aanu awooda saaraynaa sidii aanu ula dagaalami lahan xaalufinta iyo nabaad guurka dhulka lagu hayo muhiimaduna waa in aanu badbaadino dhirta qoyan ee la jayaro,arrintaana waxaanu iskaashi buuxa laka yeelanaynaa dadka deegaanka,ciidamada nabad gelyada guddoomiyeyaasha gobolada iyo guud ahaan wax garaka bulshada,waxaa kale oo aanu wadnaa qorshe ah in ciida laga ilaaliyo nabaad guurka oo dhulka la nafaqeeyo.”
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somailand Dr Cabdi Aw Daahir Cali,ayaa isna ka xog warramay ahmiyadda ay bulshada  iyo xoolaheenaba ay u leedahay samaynta seerayaasha Qool-caday iyo Aroori waxaanu meesha ka saaray warar aan jirin oo dadka lagu jaah wareeriyay.
“Waxaan dadkeenna u sheegayaa oo aan mar labaad ku celinayaa waar nolosheenu xoolo ayay ku xidhan tahay oo waa laf dhabarka dhaqaalaheenna,xooluhuna dhul ay daaqaan oo aynu u hagaajino ayay u baahan yihiin waxaanu doonaynaa in aynu ka gudubno qaabka aynu hadda nahay ee ah xoolo raacato oo aynu noqono xoolo dhaqato,waxaan doonaynaa In ay xoolaheenu helaan seerayaal dadku wada leeyahay oo duunyadeenu daaqdo oo marka abaarta ay ka helaan calafkii ay cuni lahaayeen oo dhakhaatiir caafimaad ay ugu diyaar tahay,seerayaasha Qool –caday iyo Aroori waxaa iska leh dadka deegaanka iyo bulshada reer Somaliland waa seerayaal la wada leeyahay oo aan cid gaar ahi lahayn,seere aanu Al-Jaabiri u xidhayno iyo mid aanu maxjarka indha-deero u xidhayno midna ma jiro ee dadka reer Somaliland,ayaanu u xidhaynaa oo naga go,aan ah oo waajib na saaran ah oo aakhiro la ina weydiinayo haddii aynu gudan wayno, seere Cabdi Aw Daahir xidhayaana ma jiro ee Qaranka Somaliland, oo aynu ka wada mid nahay ayaa xdhaya ee nagala qayb qaatao oo ka daaya tashwiishka iyo dacaayadda waa mustaqbalkii nolosheenna’e.”
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole,ayaa dhankiisa sheegay in muhiimadda koowaad ay saarayaan xidhista dooxyada dalka  kuwaasoo ay ugu horaysiinayaan Boorame illaa Burco. “Waxaanu awooda koowaad saaraynaa in aanu qabanno biyaha dooxyada ee ina dhaafa annagoo marka koowaad ku bilaabaynna Boorame illaa Burco,taas oo ah hawl aad u adag una baahan aqoonteeda iyo kartideenna,waxaan is weydiinay markii aanu ku fikirnay in aanu dooxyada xidhno halkaan ka bilaabi lahayn,haddaan Hargeysa ka xidhno dooxeeda waxba maanu qaban laakiin waxaan tagnay oo aanu sahan ugu baxnay halka uu doox kastaaba ka soo bilaabmo,taasina waxay nooo sahashay in aanu kaga hawl galayno in aanu doox kasta halka uu ka soo bilaabmo ka bilawno qabashada biyaha mara,waxaana ka hawl galaya marka laa reebo inta uu nooga baahdo aqoon yahan dadka deegaanka doox ksataba kuwaasoo kuna tababaranaya isla markaana  ka helaya shaqo abuur inta mashruucu socdo oo lacagtu ay galayso dadka deegaanka.”
Daah furka mashruuca horumarinta Somaliland oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee noociisa ah ee lagaga dhawaaqo Somaliland,ayay dhaqalihiisa bixiyeen dawladaha Ingiriiska  iyo Denmark.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
 
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here