Wasiirka Maaliyadda Oo Darsay Baahiyaha Ay Qabaan Maxkamadaha Hargeysa

0
457

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, ayaa dersay baahi ay qabaan maxkamaddaha magaaladda Hargeysa oo ay kala ah Maxkamadaha degmadda, gobolka iyo Racfaanka gobolka Maroodi-jeex, si ay wasaaradda maaliyadu miisaaniyad sanadeedka 2015-ka  ugu darto kharashaad ay ku daboolaan baahiyaha ugu daran ee ay qabaan.
Wasiir Samaale oo shalay kormeer ku sameeyay maxkamadaha gobolka Maroodijeex  ayaa kormeerkiisu waxa uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay baahiyaha kala duwan ee  ka jira maxkamadaha iyo sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa,  iyada oo ay hore cabashooyin la xidhiidha dhinaca baahiyaha haysta uga soo yeedheen maxkamadaha.
Waxaana wasiirku intii uu ku guddo jiray kormeerkaasi uu kulamo la yeeshay guddoomiyeyaasha maxkamadaha kala duwan ee ka jira  Hargeysa, waxaanu warbixino ay halkaasi ku siiyeen ka dhegaystay   guddoomiyeyaasha Maxakamadaha  ee ka hawlgala goboloka Maroodi Jeex.
Guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi Jeex Garsoore C/rashiid Duraan  oo ku hadlayay afka guddoomiyeyaasha maxkamadaha gobolka   ayaa wasiirka uga mahad celiyay kormeerka uu ku dersayo heerka baahiyaha maxkamadaha gobolka isla markaana uga xog waramay baahiyaha haysta.
C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Maaliyadda  oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay si fudud wax uga qaban karaan baahiyaha ay maxkamduhu qabaan, balse miisaaniyadda sanadka soo socda inteeda badan ay  u qorsheeyeen in ay ku baxdo doorashooyinka soo socda.
Hase yeeshee waxa uu wasiirku  balanqaaday in ay wax ka qaban doonaan baahiyaha ay maxkamaduhu u soo gudbiyeen, isla markaana ay mudnaanta koowaad siin doonaan maxkamadaha. waxaanu yidhi “Sanadkan soo socda ee 2015-ka intan waa aynu qaban kari lahayn, hase yeeshee waxaa ku beegan doorashooyinkii qaranka labada doorasho ee golaha wakiiladda iyo madaxtooyada, markaa wixii miisaaniyadda la heli karo  halkaasi ayaanu doonaynaa in aanu gelino. Laakiin maxkamadaha waxaanu siin doonaa mudnaanta koowaad”.
Waxaanu intaasi raaciyay “Qalabka iyo xafiisyadda wixii aad  u baahan tihiin idinka ayaa soo qori doona, oo soo nidaamin doona, qolooyin ay wasaaradda maaliyadu xidhiidh la leedahay ayaanu idiin soo diri doonaa, qoraalkan uu C/rashiid oo ah guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Maroodi Jeex, si deg deg ah ayaan u wax uga qaban doonaa. Waxaanu diyaar u nahay in aanu wax ka qabano wixii suurtogal ah, waana in aynu gacmaha is-qabsano oo dedaalkii bani’aadannimo Illaahay dartiis wixii karaan keena ah aynu umadda ugu qabano, baahidiinu aad ayay u badan tahay balse sanadba wixii aanu ka qaban karno ayaanu ka qabanaynaa” ayuu yidhi wasiir Samaal.
Kormeerkan uu shalay wasiirka maaliyaddu ku soo maray maxkamadaha kala duwan ee gobolka Maroodi Jeex ayaa ka mid ah kormeero iyo kulamo uu maalmihii u danbeeyay la yeelanayay madaxda iyo masuuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda qaarkood, kaasi oo la xidhiidha odoros miisaaniyadeedka sanadka soo socda ee 2015-ka  oo ay wasaaradda maaliyaddu ku hawlan tahay diyaarintiisa.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply