Laanta Socdaalka Somaliland Oo Itoobiya Ku Wareejisay Tahriibeyaal Itoobiyaan ah

0
437

Wajaalle (DAWAN)-Xafiiska Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigoodu yahey Magaaladda Tog-Wajaale ayaa shalay  ku wareejiyay  dawladda Itoobiya 42 Tahriibe oo u dhashay wadankaasi, kuwaasi oo sifo sharci darro ah u joogay degmooyinka Gobolka Gabiley. Tahriibiyeaasha oo iskugu jiray rag iyo dumarba sida uu saxaafadda u sheegay Taliyaha laanta socdaalka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan, waxaanu ciidanka Booliska gobolkaas ku ammaanay dedaalka ay ugu jiraan inay xakameeyaan dadka sida sharci darrada ah ku soo galaya dalka. “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley gaar ahaan Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Gabiley,  kuwaasi oo gacan buuxda naga siiyay mudooyinkan danbe tahriibayaasha Itoobiyaanka ah ee dalka soo  galaya,  waana markii sadexaad ee ay nagu soo wareejiyaan tahriibayaal u dhashey dalka Itoobiya,”Ayuu yidhi Cabdirashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley. Taliyaha laanta socdaalka Gabiley waxa  kale oo uu sheegay in muddooyinkan dambe ay soo kordheen dhalinyaradda reer Somaliland ee u tacabiraya Liibiya si ay ugaga sii tahriibaan dalalka qaaradda Yurub. “Waxaanu saddexdii toddobaad ee u dambeeyay qabanay 97 dhalinyarro reer Somaliland ah oo u doonayay inay tahriibaan oo u sii jeeday dalka Liibiya, kuwaasi oo aanu ku qabanay magaaladda Wajaalle isla markaana aanu dhammaantood ku wareejinay waalidkoodii,”ayuu yidhi Taliyuhu waxaanu si adag  ugu digay dirawaladda gaadiidka ee soo qaadaya dhalinyaradda tahriibaysa.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply