Waxgaradka Sool Oo Ku Baraarugay Halista Kooxda Nabad diidka ah Ee Khaatumo

0
515

HARGEYSA (DAWAN)- Weftigii Wasiirrada ahaa ee uu Hoggaaminayay Wasiirul dawlaha Nabadeynta gobolada Barri Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle) oo maalmihii u dambeeyay socdaal shaqo ku joogay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa shirar kala duwan oo nabad-gelyadda lagu adkaynayo waxay la yeesheen cuqaasha, madax-dhaqameedka Iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda ee magaaladda Laascaanood.
Weftigan waxa xubno ka ah Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga Md. Bashiir Cabdi Xariir, Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe, Wasiir Ku xigeenka Qorshaynta Md. Xasan Daahir Dhimbiil iyo Badhasaabkii hore ee gobolka Sool ahna Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali (jeeni-yarre) waxaanay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kulamo kala duwan oo ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshadda ay isku af-garteen in si wada jir ah looga digtoonaado halista nabad-gelyo darro ee ka iman karta kooxda Khaatumo iyo sidii bulshaddu ay dawladda gacan uga siin lahayd sidii looga hortagi lahaa jalaafooyinka kooxdaasi ay doonayaan inay ku mijo xaabiyaan ammaanka iyo horumarka ka socda gobolka Sool.
Wasiirul dawlaha Nabadeynta gobolada Barri Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle) oo shirarkaasi ka hadlay ayaa cuqaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ku ammaanay siday ula shaqaynayaan xukuumadooda, waxaanu tilmaamay in aan loo baahnayn in koox cidla fadhida oo nabad diid ahi ay saamayn taban ku yeelato ammaanka gobolka, waxaanu bulshadda ku booriyay inaanay dheg u dhigin hadaaqyadda kooxda Khaatumo.
 
 
Cuqaal iyo waxgaradka Laascaanood oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay diyaar u ahayn inay aqbalaan dhaqdhaqaaqyo nabad-gelyo darro oo laga sameeyo magaaladda Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, waxaanay sheegeen inaanay aqbalaynin in kooxo fidmo wadeyaal ahi ay caruurtooda maskaxda ka xadaan.
Maayarka Magaaladda Laascaanood C/Qaadir Jaamac Saallax iyo Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo maal-gashiga Md. Bashiir Cabdi Xariir oo iyaguna shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaan xiligan xukuumaddu qorsheyaasheeda horumarintu ay ku jihaysan yihiin gobolka Sool aan loo baahnayn in kooxda Cali Khaliif ay dibin-daabyo ku noqdaan horumarka goboladda Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply