Goleyaasha Deegaanka Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Loogu Fasaxay Fadhiyadda Aan Caadiga ahayn

0
478

Hargaysa (Dawan): Goleyaasha deegaanka ee dalka ayaa dhamaantoodba si isku mid ah u soo dhaweeyay go’aankii uu wasiirka daakhiliga Somaliland Cali Warancadde ku fasaxay in goleyaasha deegaanku ay fadhiyadooda aan caadiga ahayn   qabsan karaan.
 
Ka dib markii uu hore xayiraad uga saaray wasiirka arrimaha guduhu goleyaasha deegaanka dalku in aanay  qaabsan Karin fadhiyadda aan caadiga ahayn, hase yeeshee  wasiirka ayaa todobaadkii hore dabayaaqadiisii waxa uu si rasmi ah u shaaciyay inuu dhamaaday wakhtigii digreetadaasi isla markaana ay wixii hada ka danbeeya goleyaasha deegaanku qabsan karaan fadhiyadooda  aan caadiga ahayn.
 
Tallaabadaasi uu wasiirka daakhiligu xayiraadii saarnayd kaga qaaday fadhiyadda aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka dalka ayay si buuxda u soo dhaweeyeen dhamaanba goleyaasha deegaanka ee Somaliland, iyaga oo arrintaasina ku tilmaamay in ay tahay mid xiligan si aad ah loogu baahnaa.
Hadaba  arrintaasi sida ay u arkaana ayaanu hor  dhignay  xildhibaano ka kala tirsan goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka   Laascaanood, Burco, Boorama, Caynaba iyo Gabiley oo aanu wax ka waydiinay sida ay u arkaan go’aanka wasiirka arrimaha gudaha.
Xildhibaan C/casiis Xuseen Maxamed oo ka mid ah golaha deegaanka magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool  oo xalay aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay,  ayaa go’aankaasi ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo uu qaaday wasiirka arrimaha gudaha, waxaanu soo dhaweyntiisa ku sababeeyay inuu ku taageerayo dib u dhac balaadhan oo uu sheegay in uu ka jiro magaaladda Laascaanood, sidaas darteedna loo baahan yahay in is-bedel lagu sameeyo maamulka dawladda hoose ee magaaladaasi.
 
Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi “Go’aankan uu wasiirka arrimaha gudaha  xayiraadii kaga qaaday goleyaasha  deegaanka ee uu ku fasaxay in ay fadhiisan karaan, arrintaasi waxaan u aragnaa haddii aanu nahay golaha deegaanka Laascaanood inay tahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday xagga horumarka iyada oo wasiirkuna sheegay in fadhiyadaasi ay u xayirnaayeen mudadaasi sanadka ahayd  si maayaradda fursad loo siiyo, oo aan loogu buuqin ee uu wax qabto loona eego iyo in lagu ogaado ninka aanan waxba qabanaynin ee damdamlaha ah iyo masuulka wax qabanaya.  markaa wasiirku aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay. ka Laascaanood ahaan tallaabadaasi uu wasiirku qaaday aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa,  sababta aanu u soo dhawaynaynaana waxay tahay mudadaa sanadka ah degmooyinka kale hore ayay u socdeen, magaaladda Laascaanood-na dib ayay u guratay, waxaana laga yaabaa in degmooyinka yar yar ee ay ka mid yihiin Baki inay ka horeeyaan xagga horumarka.”
 
Xildhibaan C/casiis oo  aanu waydiinay inay ka gole ahaan doonayaan inay xilka ka qaadaan guddoomiyaha golaha deegaanka Laascaanood waxa uu ku jawaabay “Goleyaasha deegaanka dalka waxaa loo doortay inay horumarka ka shaqeeyaan oo ay wax u qabtaan magaalooyinkooda iyo dadkii soo doortay markaa  haddii la eego waxaanu u aragnaa in magaaladayada Laascaanood ay ugu horumar liidato, xilkuna waa meerto oo marba nin ayaa fuulaya, ninkii hawshiisa ka soo bixi waayana waa la fadhiisiyaa oo mid kale ayaa lagu bedelaa”.
 
Sidoo kale xildhibaan C/rasaaq Xuseen Obsiiye oo loo yaqaano Shiine Falidh,  kana tirsan golaha deegaanka Burco, oo aanu telefoonka kula xidhiidhnay isaga oo joogay Burco ayaa soo dhaweeyay go’aanka wasiirka arrimaha gudaha,  waxaanu yidhi “Horta arrintani waa mid dastuuri ah, go’aankaasi waxaan u arkaa mid aad u wanaagsan waanan soo dhawaynaynaa,
 
Xildhibaanka oo aanu waydiinay in ay ka gole ahaan u qorshaysan tahay ama ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan maayarkooda, waxa uu ku jawaabay “Maya imika nooma qorshaysna in uu wax ka bedel ku samayno hogaanka golaha deegaanka, wax aanu ku durno maayarkayagana nooma muuqdaan golahayaguna imika si fiican ayuu iskula jaanqaaday oo uu u shaqaynayaa, laakiin markii la gaadho waa dastuuri in la sameeyo haa waanu soo dhawaynaynaa” ayuu yidhi xildhibaan Shiinne falidh.
 
Dhinaca kale xildhibaan Aamin Cumar Cabdi  ( Aamin Cumar Dheere) oo ka mid ah golaha deegaanka Gabiley ayaanu isna  waydiinay sida uu u arko go’aankaasi uu wasiir Warancade  xayiradii uu hore u saaray kaga qaaday fadhiyadda aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka Somaliland, waxaanu yidhi “Waa arrin soo dhawayn mudan markaa waanu soo dhaweynaynaa, aadna waanu u soo dhawaynaynaa, waxaanan u aragnaa tallaabo hore loo qaaday”.
 
xildhibaan Aamin Cumar Cabdi, oo aanu isna hor dhignay su’aal ahayd in ay doonayaan in ay yeeshaan fadhi aan caadi ahayn oo ay xilka kaga qaadayaan maayarka, waxa uu ku jawaabay “Dabcan, wasaaradda arrimaha gudaha waxaa taalay codsi ay xildhibaanadda golaha deeganku ku dalbanayeen inay doonayeen in ay yeeshaan fadhi aan caadi ahayn oo ay xilka  kaga qaadaan  maayarka  in la noo ogolaado, markaa tani dalabkayagii way fududaynaysaa, waxaanay noqonaysaa wixii hortaagnaa fadhigayaga oo meesha ka baxay, markaa aad ayaanu u soo dhaweynynaa, wasiirka daakhiligana waanu ku hambalyaynayaa” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Amiin.
 
Xildhibaan Iid Xasan  Cabdi (Iid Xasan Dheere) oo isna ka tirsan isla golaha deegaanka Gabiley ayaa isna si la mid ah sida xildhibaanadda  kale  u soo dhaweeyay go’aankaasi wasiirka daakhiliga, waxaanu  sheegay in tallaabadani ay tahay mid ay xukuumadu ku kasbatay goleyaasha deegaanka ee dalka.
 
Waxaanu yidhi “Lallaabadaasi waxaan u arkaa mid aad iyo aad u wanaagsan oo ay xukuumadu qaaday, waana mid ku haboonayd in xiligan la qaado, wasiirka arrimaha gudahana waan ku hanbalyaynaynaa. kolay waajibaadka golaha waxaa ka mid ah  mar haddii hogaanku xumaado inuu is-bedel yimaado, qorshahayagana way ku jirtay in aanu maayarka bedelno, tallaabadana wxaanu u aragnaa mid ay xukuumadu nagu kasbatay anaga, waanan ku hanbalyaynaynaa”.
 
Sidoo kale xildhibaan Xasan Yuusuf Aadan (Xasan Dhabaashe) oo isna ka tirsan golaha deegaanka magaalada Caynaba, oo aanu la xidhiidhnay  ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhawaynayaan go’aankaasi,  hase yeeshee aanay ka gole deegaan ahaan wakhtigan u qorshays-nayn in ay xilka ka qaadaan guddoomiyahooda.
 
waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa waananu ku faraxsanahay  in xayiraadii hore u saarnayd fadhiyada aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka dalka uu wasiirku ka qaado,  waanan ku hambalyaynaynaa wasiirka. Anagu haddii aanu nahay golaha deegaanka Caynaba dhawaan ayaanu is-bedel ku samaynay maamulka, markaa sabab aanu xiligan xilka uga qaadno ma jirto, laakiin talaabadaasi wasiirka daakhilga waanu soo dhawaynaynaa”.
Ugu danbayntii  Xildhibaan  Sh. Ibraahim Axmed Liibaan oo ka mid ah xildhibaanadda  golaha deegaanka   Boorama oo khamiistii todobaadkii hore  ka hadlay arrintani ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo digreetadda uu wasiirka Daakhilgu xayiraadda kaga qaaday fadhiyadda aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka dalka.
Waxaanu xildhibaanku tilmaamay in xayiraadaasi ay ahayd mid ka soo hor jeedda dastuurka dalka iyo xeerarka ay ku shaqeeyaan goleyaasha deegaanka dalku. waxaanu yidhi “Waan soo dhawaynaynaa digreetada ka soo baxday wasaarada Arrimaha Gudaha ee xayiraada naga qaaday, marka horeba waxa ay ahayd xayiraad aan dastuurka iyo xeerka golayaasha degaanka waafaqsanayd, waan soo dhawaynaynaa waxana ay xaqiiqdu tahay in golayaasha degaanku ay leeyihiin xaq dastuuri ah oo ay aayada degmada loo soo doortay kaga taliyaan, marwalbana waa masuuliyad xildhibaanada saaran inay danta guud ka hormariyaan danta gaar ah, fasaxaadana waxa ay xildhibaanada u sahlaysaa inay kulmaan oo wax is waydiiyaan oo ay si qumman u fikiraan isla markaana hormarka degmada iyo hogaanka suuban ee ku hagi kara isla doontaan.”
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply