“Waxa xil naga saaran yahay inaanu abuurno jawi shaqada marka la doonanayo loo siman yahay” Wasiir Xirsi

0
506

Hargeysa, (DAWAN)- Ururka Gaaroodi oo ka shaqeeya horumarinta dhinaca bulshadda ayaa shahaado sharaf ku maamuusay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Ururka Gaaroodi oo xaflad ku qabtay Hargeysa  ayaa shalay sheegay in shahaadadan uu madaxweynaha Somaliland ku mutaystay waxqabadka dhinacyada badan leh ee xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ka hirgelisay afartii sanadood ee la soo dhaafay, waxaana madaxweynaha shahaadadaas u guddoomay Wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Xafladan oo ahayd mid si weyn loo agaasimay, isla markaana uu soo qaban-qaabiyay ururka Gaaroodi ayaa waxa ka qaybgalay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiir ku-xigeenka kalluumaysiga Cabdikariim Axmed Mooge, agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha ciyaaraha iyo duulista iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay xoghayaha ururka Gaaroodi oo faahfaahin ka bixiyay aasaaskii ururka iyo qaab-dhismeedkiisa oo uu ku sheegay mid waxyaabo badan ka qabta dhinaca waxbarashada, dhalinyaradda.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in ururka Gaaroodi uu yahay mid waddani ah oo waxtar weyn ka gaystay dhinacyada kala duwan ee bulshada, waxaanu yidhi. “Ururka Gaaroodi waxay ku siiyeen madaxweynaha shahaadadda iyo wuxuu taray madaxweynuhu horta waa inaan sheegaa. Dugsiga Sallaxley tacab badan ayay galiyeen ururka Gaaroodi, tacabkaas qaybtii ugu badnayd oo 70% ah ayuu madaxweynuhu ka furtay.”
 
Guddoomiyaha ururka Gaaroodi oo hadal kooban isaguna ka jeediyay xafladaas ayaa sheegay inay urur ahaan aad ugu faraxsan yihiin inay madaxweynaha Somaliland ku maamuusaan shahaado sharaf.
Wasiirka wasaaradda madaxtooyada oo madaxweynaha u guddoomay shahaado sharafta ay ururka Gaaroodi ku maamuuseen oo halkaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa hadalladiisii, “Waxa xil naga saaran yahay inaanu fudadayno oo aanu sahalno sidii shaqo abuur loo samayn lahaa, maaha shaqsi baa shaqo loo abuurayaa, waa si caam ah oo loo siman yahay dalka oo dhan, waxa xil naga saaran yahay inaanu abuurno jawi shaqada marka la doonanayo loo siman yahay, laakiin maaha hebel intaanu gacanta qabano inaanu shaqo gayno ee waa inaanu nidaam qofku ku shaqo tago aanu abuurno.”
Dhinaca kale, waxa xafladaas ku lamaanaa 13 arday oo dhamaystay kulliyada injineerinka ee jaamacadda Hargeysa, kuwaasoo uu ururka Gaaroodi ka bixin jiray lacagta ay ku dhiganayeen waxbarashadaas.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply