Xildhibaan Shabeel Oo Ku Baaqay Inaan Qabyaalad lagu Raadin Codka Dadweynaha

0
475

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka in aanay codkooda siinin xisbigii qabyaalad iyo kala qaybin adeegsada, waxaanu si adag u naqdiyay siyaasiyiinta ku foogan in qabaa’il loo kala saaro dadka ku dhaqan dalka.
Xildhibaanka oo shalay u waramayay wargeyska Dawan ayaa waxa uu u soo jeediyay xisbiyada mucaaridka inay soo bandhigaan barnaamij siyaasadeed oo wax-qabad  xambaarsan, waxaana uu tilmaamay in aan loo baahnayn in wax ka hooseeya Somaliland  cod lagaga doono shacabka reer Somaliland.
Xildhibaanku waxa uu haaraamay in siyaasadda dalka ay saameyn ku yeelato qabyaaladdu waxaanu yidhi  yidhi  “Nin kasta oo caqli leh oo garasho u saaxiiba waxa uu garanayaa qabyaaladii waxay dumiso mayee wax alaalle  waxay tari kartaa in aanay jirin, arrinkaa dadka ku shaqaynaya ee soo cusboonaysiiyay aad iyo aad ayaan u cambaaraynayaa waxaanan leeyahay dadkan iyo dalkan waxay ka soo baxeen dhibaatooyin isa soo dabo jiitamay oo leh wakhtiyo kala duwan iyo waayo kala duwan leh in dib loo celiyo oo aan heer hoose lagu celiyo uma baahna, in laga karo oo hab heer qaran ah oo  Somalilandnimo ku jirto   oo dadka lagu kala saaraynin  qabiil oo midnimada wax u dhimaysa in dadka shacbiga madaxda u ah ee hogaanka u ah salaadiinta ha noqdaan ama xildhibaanada ha noqdaan ama masuuliyiinta qaranka ha noqdaan  am haboona  in la arko iyagoo qabiil adeegsanaya, dhaqanka noocaas ahna waan cambaareynayaa.”
Xildhibaan C/Kariim Aw Cali Shabeel  oo aanu waydiinay sida uu u arko arrinta Habar Magaado waxa uu yidhi “Waa arrin lagu qoslo wax la isku  kab-kabi karaa ma jirto oo magacyo loo kala samayn karaa anigu waan ka soo horjeedaa  oo xildhibaan qaran ayaan ahay, waxaana leeyahay arrinka yaan laga qaadin midnimo iyo Somalilandnimo wixii ka hooseeya  waan cambaaraynayaa”.
Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay xisbiyada mucaaridka inay shacabka u soo bandhigaan barnaamij siyaasadeed oo cad waxana uu yidhi “Xisbiyada mucaaridka waxaan ugu baaqayaa in ay ku shaqeeyaan midnimo oo ay ummadda ay u soo bandhigaan barnaamij siyaasadeed oo cad oo waxqabad xambaarsan iyo cadaalad, laakiin aan ku salaysnayn in dadka la kala qaybiyo waxaanan shacbiga Somaliland u soo jeedinayaa in aanay  wax ku dooran qabyaalad iyo nin jeclaysi, laakiin ha ku doorteen qofkii aan qabyaalad adeegsanayn ee waxqabadkiisana u soo bandhigaya.”
By: Khadar M.Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply