Maayarka Jabuuti Oo Socdaal Rasmi ah ku Yimid Dalka

0
488

Hargeysa(Dawan):- Maayarka caasimadda dalka Jabuuti ee magaalada Jabuuti Xuseen Cabdillaahi  iyo Wefti uu hoggaaminayo,ayaa shalay lagu soo dhaweeyay  caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ay booqasho ku yimaadeen rasmi ah ka dib marti-qaad ay ka heleen guddoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa ahna duqa caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Cabdiraxmaan Soltelco). Maayarka Caasimadda ayaa Maayarka Jabuuti iyo Weftigiisa ku soo dhaweeyay  madaarka caasimadda ee Hargeysa, waxaanu Maayarka Jabuuti uga mahad-celiyay siday u ajiibeen marti-qaad ay ku soo cusuumeen Somaliland. Maayarku waxa uu tilmaamay in xidhiidh wax wada qabsi uu ka dhaxeeyo labada magaalo ee Hargeysa iyo Jabuuti, waxaanu xusay in weftiga Jabuuti ay ka qeyb geli doonaan carwo weyn oo ganacsi oo lagu qabanayo magaaladda Hargeysa. “Aad ayaan uga mahad celinayaa maayarka Jabuuti iyo ku xigeenkiisa  sidii ay u ajiibeen inay ka qayb galaan carwadan, socodkani waa kii labaad, waxa  hore u jirtay inaanu annigu hore u booqanay magaalada jabuuti,  halkaas oo aanu is fahan ka gaadhnay sida ay labada magaalo u wada shaqayn lahaayeen,  waxaanu socdaalkani ku soo  beegmay  carwada ganacsi ee la qaban doono oo ay ka soo qayb gali doonaan wadamada jaarka ah oo ay jabuuti ugu horaysay Yemeni ku xigto, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin  inaad soo ajiibteen codsigayagii,” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Soltelco. Duqa Jabuuti oo dhiniciisa ka hadlay Safarkiisa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Booqashadooda  Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku nimid marti-qaad aanu ka helnay maayarka caasimada Hargeysa, si aanu uga qayb galno xaflada bandhig carweedka lagu qabanayo Hargeysa, aniga iyo weftiga aan hogaaminayo oo iskugu jira koox hido iyo dhaqan ah iyo maal qabeeno reer Jabuuit ah, waxaanan aad ugu mahad celinaynaa  xukuumadda Somaliland, maayarka caasimada iyo shacabka waxaanan leeyahay dadkii idiinku dhawaa ee jaarka ah ayaanu nahay, Annaguna haddii aanu carwo qabanayno mudnaanta koowaad waxa yeelanaya dadka reer Somaliland taasina waa balan,” Ayuu yidhi Maayarka jabuuti.
By: Faysal Xiis Weerar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply