Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay In Lagu Khasbay Dib u furida Xafiiska Siyaasadda Ee Qarammada Midoobay

0
471

Hargaysa (Dawan): Wasiirka  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in Nicolas Kay uu  Somaliland ku dirqiyay in uu Hargeysa ka furo xafiiskiisa siyaasadda ee UNSOM oo ay hore u diiday dawladda Somaliland.
Wasiirku waxa uu  tilmaamay  in ujeedadda socdaalkii uu todobaadkii hore Somaliland  ku yimid ergayga Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya aanay la xidhiidhin inay dawladda Somaliland ogolaatay in xafiiska Mr. Kay ee UNSOM dib looga  furo hase yeeshee in safarkaasi ujeedadiisa ugu weyni ay ahayd sidii loo sii xoojin lahaa loona dardargelin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya hay’adaha UN-ka ee Somaliland jooga iyo UN-ka sidii arrimaha horumarinta.
Maxamed Biixi Yoonis, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAwan, isaga oo jooga Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay in  waxyaabihii ay iskula soo qaadeen madaxweyne Siilaanyo iyo Mr. Kay kulankii ay todobaadkii hore ay madaxtooyadda ku yeesheen  ay ka mid ahayd inay Somaliland badaheeda ilaalintooda iyo masuuliyadoodaba ay iyadu leedahay, isla markaana aanay waxba ka jirin sheegashada dawladda Xamar isla markaana aanay soo farogelin Karin.
Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxba kama jiraan arrintaasi, Nicholas Kay arrintaasi uma iman Somaliland, nagalamana hadal, nala mana soo qaadin, haddii aan si cad kuugu sheego, waxa uu Nicolas Key u yimid Somaliland waxa ugu weynaa in guud ahaanba cilaaqaadka ka dhexeeya Somaliland iyo qaramada midoobay la sii xoojiyo lana dardargeliyo, maadaama oo uu isagu madax u yahay hay’adaha UN-ka ee dalka jooga, in cilaaqaadkaasi la xoogeeyo, in laga wada shaqeeyo arrimaha horumarka, samo-fal iyo arrimaha bani’aadanimadda iyo in wixii tababaro ah ama ha ahaato weriyeyaasha, booliska, inay naga caawiyaan, iyo kor u qaadidda aqoonta haweenka inay UN-ku naga caawiyaan iyo  in uu arko xaqaa’iqa ka jira Somaliland ee ay nabadgelyadu ka mid ka tahay oo marka uu warbixinaha u qorayo qaramadda midoobay inuu warbixin sax ah naga qoro, oo runta taabanaya, waayo waxaa marar badan dhacda in wararka uu Key ka qoro Somaliland ee uu  u gudbiyo UN in aanay kuwo xaqiiqa ahayn iyo sidii dawladda Somaliland iyo hay’adaha qaramada midoobay ee halkan jooga. Wada shaqayntooda loo sii xoojin lahaa”.
 
Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sidoo kale mid guul ah oo midho dhal wanaagsan keenay ku tilmaamay shirkii uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), dhawaan xafiiskiisa kula yeeshay ergayga Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya. “Shirkaasi uu madaxweynaha Somaliland la yeeshay ergayga Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa  waxa uu ahaa shir aad iyo aad u wanaagsan, oo midho dhal ah, isla markaana ay   bulshaduna si weyn u soo dhawaysay” ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in waxyaabihii  ugu muhiimsanaa ee ay kala hadleen Nicolas Key ay ka mid ahayd dhinaca sugida xuduudaha, isla markaana ay u cadeeyeen in aanay Somaliland  cidna ka baryaynin sugida xuduudaheeda. Waxaanu intaasi  ku daray in beelaha dega Sool iyo Sanaag oo uu siyaasiyiinta ka soo jeeda la kulmay ay u cadeeyeen inay Somaliland yihiin.
Waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu si cad ugala hadalnay Nicolas Key una sheegnay in xuduudaha Somaliland ay yihiin muqadas, isla markaana aanay Somaliland cidna uga gabanaynin, cidna u daba fadhiisanayn, sugida xuduudaheeda, sidoo kalena aanay cidna ka ogolaanaynin inay ku soo xadgudubto, iyada oo aanay  cidna   ku duulaynin Somaliland. waxa kale oo uu Mr Key la kulmay beelaha ka soo jeeda Sool, waxaanay si cad ugu sheegeen inay reer Somaliland, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintaasi Siciid Jaamac Cali guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida, waxaanay  u sheegeen in maamulka Khaatumo uu wado fawdo lagana foojignaado, oo ay rebshad iyo dhibaato wadaan”
Sidoo kale waxa uu tilmaamay Maxamed Biixi in ay Nicolas Key kala hadleen in Somaliland ay doonayso in la sii wado lana sii balaadhiyo wada hadaladii u socday Soomaaliya, “Waxa kale oo aanu kala hadalnay Mr. Key in ay Somaliland danaynayso in la sii balaadhiyo wada hadaladii ay  la lahayd Soomaaliya, oo caalamkuna ka soo qaybgalo, lana joojiyo af-xumadda labada wadan, lana fuliyo wixii lagu heshiiyay, waxaanu kala hadalnay oo kale arrimihii aanu hore ugu heshiinay Soomaaliya, sida hawada inay sidoodii ahaadaan, sidoo kale waxa aanu kala hadalnay in aanay Somaliland badeheeda iyo biyaheeda ay iyadu leedahay masuuliyadooda iyo ilaalintoodaba, isla markaana sheegashada ay dawladda Xamar sheegatay aanay waxba ka jirin, iyada oo dawladda Xamar iska sheegatay badaha dawladaha Jabuuti, Kenya iyo Somaliland, waxba ka jirin, iyada oo Kenya iyo DJabuuti labaduba ay ka ashkatoodeen sheegashadda dawladda Soomaaliya, waxananu u sheegnay in aanay Xamar-na soo faro gelin biyaha Somaliland arrimaha biyaha iyo hawaduna ay yihiin wax u go’an Somaliland. Wixii heshiis hore loo galay ee Turkiga lagu gaadhayna in halkoodii loo daayo laguna tixgeliyo, oo wixii lagu heshiiyay sidoo dii loo fuliyo.”
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa mudadii uu joogay waxa uu al-baabo cusub u furay siyaasadda dibadda ee dalka, isaga oo xidhiidho  la sameeyay dawladdo  badan, iyada oo ay mudooyinkii u danbeeyay  wadamo badani sheegeen in ay xafiisyo ka furanayaan  Soamliland.  Iyada oo guud ahaanba bulshadda reer Somaliland ayaa   si aad ah u soo dhaweeyeen dar-darta cusub ee uu geliyay wasiirka arrimaha dibaddu siyaasadda khaarajiga,
 
Waxaana la rumaysan yahay in ay taasi sabab u tahay isaga oo ah rug cadaa muddo dheer ka soo shaqaynayay  hawlaha qaramadda midoobay, isla markaana ka soo shaqeeyay meelo ay ka mid yihiin Qudus iyo dalka Suudaan oo uu ka ahaa ergayga UN-ka u qaabilsan hawlaha gobolka Daar-fuur ee galbeedka wadankaasi.
 
Sida aynu la socono wasiirka ayaa muddo waxa uu ahaa ergayga ugu qaabilsan UN ee maamulayay barnaamijka gobolka Daar-fuur ee dalka Suudaan, isaga oo aqoon culus u leh UN-ka  iyo sida ay u shaqeeyaan, taasi oo si aad ah uga muuqata siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, waxaana taasi markhaati u ah sida ay dalka mudooyinkn danbe ugu soo qulqulayaan wufuud kala  duwan ee caalamka ka socda oo I daba joog ah dalka u yimaada    iyo xidhiidhadda  cusub ee ay Somaliland la furtay wamadda gobolka ka tirsan  iyo kuwa dunida, sida xafiiska ay dawladda Kenya ka furatay Hargeysa iyo ka dawladda Turkiga.  waxaana la filayaa in todobaadkan ay dalka yimaadaan wufuud badan oo kala socda wadamo  caalamka ah sida dalalka  Yurub.”
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply