Guddi Hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Komishanka Maamul Wanaaga

0
497

Hargeysa (Dawan) Guddida hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa waxay kulan la yeesheen gudoomiye ku-xigeenka komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa ee Somaliland mudane Xuseen Cabdilaahi Jaamac oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan komishankaas.
 
Kulankan oo ay warbaahintu dibada ka joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday waxa uu ka hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxnuu yidhi “Waxa noo yeedhay guddida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada, waana markii labaad ee ay noo yeedhaan.”
 
Isagoo sii faah-faahinaaya kulankaas ay la yeesheen guddida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada waxa uu yidhi “Annaga iyo guddi hoosaadka wakiilada ee ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranku waxaanu iska waraysanaynay arrimo lu saabsan habsami u socodka hawlaha qaranka sidii loo wanaajin lahaa.”
 
Mar uu ka hadlaayey gudoomiye ku-xigeenku waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii aanu wada shaqayn joogto ah u yeelan lahayn annaga iyo guddidani, si fiican ayaanu isula garanay waxyaabihii aanu ka wada hadalnay.”
Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabah keena musuq-maasuqa, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Musuq-maasuqa waxa keena maamul xumaaday, markaa hadii maamulka la wanaajiyo waxa hubaal ah in uu meesha ka baxayo ama la waayayo musuq-maasuqa. Komishan ahaan dhamaan waxyaabaha keena msusuq-maasuqa dadaal baanu ugu jirnaa in aanu meesha ka saarno.”
 
Waxa kale oo gudoomiye ku-xigeenka  komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Hadaanu nahay komishanka maamul wanaaga intii aanu jirnay waxa noo qabsoomay waxyaabo aad u badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin.” Gudoomiye ku xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Waxa ay shaqadaydu tahay in la wanaajiyo maamulka dawladnimo bulshadana la fahansiiyo maamul wanaaga. Markaa waxa noo qorshaysan in aanu halkaa ka sii wadno dadaalka si dalkeenu guul uga gaadho la dagaalanka musuq maasuqa.”
 
Kulankan dhexmaray gudoomiye ku-xigeenka komishanka maamul wanaaga mudane Xuseen Cabdilaahi iyo guddida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi is fiican waxaana lagu balamay in si wada jir ah loo ilaaliyo hantida qaranka. kulankanina waxa uu ka mid ahaa  kulano is xog-waraysi ah oo ah guddidani maalmihii ugu dambeeyay la yeelanaayeen qaar ka mida masuuliyiinta qaranka,  kulankii kan ka horeeyayna waxay la yeesheen maayarka degmada Gabiley.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply