Somaliland Oo Beenisay Inay Nicholas Kay Kala Hadashay Arrimaha Soomaaliya

0
467

Hargeysa (DAWAN)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in aanay Nicholas Kay, kala hadlin arrimo la xidhiidha nidaamka Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan wax ku taxaluqa arrimaha Soomaaliya oo ah mid aan Somaliland  waxba ka khusaynin.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed  shalay  ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Wasaaradaasi Md. Siciid Cali Muuse. Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxa kale oo ay bayaamisay in aan Nicholas Kay ka wada hadlin sidii uu dib uga furan lahaa xafiiskiisii, hase yeeshee ay la soo qaadeen sidii looga wada shaqayn lahaa in labada geesood ay bog cusub u furi lahaayeen oo ku wajahan wax-wada qabsigooda. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa, Nicholas Kay,ayaa booqasho lagu martiqaaday ku yimi Somaliland todobaadkii la soo dhaafay, casuumadaas oo uu  u fidiyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis.  Sababta martiqaadka ayaa ku salaysanyd  in bog cusub loo furo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Jamciyada Quruumaha ka dhexysa(UN). Somaliland waxay Wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa  kala hadashay arrimaha horumarinta, bani’aadamnimada iyo qoddobo kale, mana jirin wax la xidhiidha siyaasada Somalia oo Somaliland kala xaajootay Kay, sida niidaamka Federaaliga ah ee Somalia,Taas oo aan ahayn arrinta u taala Jamhuuriyada Somaliland.  Waxay kale oo Wasaarada Arrimaha Dibedda ee  Somaliland cadaynaysaa , in aan Nicholas Kay laga hadlin, haba yaraatee, in ha’yadiisu xafiis ka furanayso Somaliland. Labada geesoodba waxay ku niyadsan yihiin in booqashadaasi furi doonto  socdaalo kale oo ay Nicholas Kay iyo asxaabtiisa UN ku yimaadaan Somaliland.  Intii uu Hargeysa joogay, Kay, wuxuu la kulmay Wasiirro xukuumada ka tirsan, wakiilada Baarlamaanka, Bulshada Rayidka ah, dad ka socda Gobolada Barri iyo xubno axsaabta mucaaradka ka tirsan. Nicholas Kay, wuxuu xukuumadda Somaliland u xaqiijiyey in xafiiskiisu uu si buuxda   ugala shaqaynaayo Somaliland  xaga nabada iyo horumarinta, iyadoo diirada la saarayo  qoddobada horumarinta iyo ammaanka.  Nicholas Kay iyo weftigiisii waxa warbixino kooban laga siiyey meelaha ay Somaliland wax-qabadka uga baahan tahay iyo in la cadeeyo,  lana tilmaamo horumarka weyn ee muuqda oo ay Somaliland meelo badan ka gaadhay, taas oo ay ka mid tahay nabada iyo amaanka.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply