Wasiir-u-dawlaha Maaliyadda Oo Dalka Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay

0
507

Hargeysa (Dawan)- Wasiir u dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay  Madaarka Diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa, kaddib markii uu ka soo laabtay socdaal caafimaad oo uu muddo laba bilood iyo dheeraad ah ugu maqnaa dalka Maraykanka.
 
Xubnaha ugu miisaanka culus Golaha Wasiirrada, oo ay horkacayaan Wasiirrada Maaliyadda, Madaxtooyada, Duulista Hawada, ku-xigeeno, Madaxdhaqameedyo, xildhibaano, Waxgarad iyo Masuuliyiin kale oo laamaha dawladda ka tirsan ayaa Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiirka, kuwaasoo sheegay inay farxad weyn oo alle loogu mahad naqo ay tahay in Wasiir Cadaani isagoo caafimaad qaba uu dalka ku soo laabto.
 
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi oo soo dhaweynta kaddib, Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka ayaa tilmaamay inuu xubin muhiim ah oo ka maqnayd  uu yahay muddo Saxar-diid, Waxaanay Xamdi naq u jeediyeen allah SWT ee Caafimaadka siiyay, una suurto geliyay maanta inuu dalkiisii ku soo laabto.
 
Wasiir u Dawle Cismaan Saxardiid oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa ugu horayn mahad naq u jeediyay dhamaan dadkii u soo duceeyay intii uu Cisbitaalka ku jiray, oo ay ugu horeeyaan Madaxwenaha iyo marwada koowaad ee Qaranku, isagoo dhinaca kalena talooyin u soo jeediyay Shacbiga Somaliland, siiba dhalinyarada.
 
“Wasiiradii, Xildhibaanadii, Madaxdhaqameedkii, qurbo-joogii iyo dhamaan dadkii kale ee ila soo hadlayay ee ii soo duceeyay ayaan u mahad naqayaa. waxa kale oo aan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo marwada koowaad  oo in badan iyo in badan ila soo hadlay, iina soo duceeyay” ayuu yidhi.
 
Waxaanu intaasi ku daray  “Markii aan qaliinka galay, saddex dhakhtar ayaa ii yimi oo igu yidhi afar Xiddid ayaa la prepas-garaynayaa, markaa waxaad gelaysaa qaliin qof lagu sameeyo midka ugu adag oo ay adagtahay inaad ka kacdaa ee warqad saxeex, dabaddeed markiiba waxa niyada ku soo dhacay qoyskayga, Qaranka Jamhuuriyada Somalland, gaar ahaan waddada ceerigaabo, dabadeedna waan ducaystay, qarankana waan u daceeyay iyo dadkiisa” ayuu yidhi.
 
Cismaan Saxardiid oo talooyin u jeedinayay Dhalinyarada caadaystay cunista ama isticmaalka Balwadaha kala duwan ee nafta u daran ayaa tusaale ku bixiyay naftiisa dhibaatooyinka ay u geysteen Balwadahaasi.
 
Waxaanu yidhi “Anigu qaliinka aan galay anigaa isu geystay oo Sigaar iyo qaad cunay, dhalinyaradda Somaliland ee soo koraysa waxaan leeyahay inanka Qaranka Somaliland u soo korayoow ha isku cunin qaad iyo sigaar aniga waxa sidaa ii galay waa labadaas”.
 
 
 
Ugu dambeyntii waxa uu talooyin guud u soo jeediyay Shacbiga Somaliland, isagoo ugu baaqay inay muujiyaan midnimo iyo isku duubni ay Bulshada caalamku u aqoonsato.
 
Saxar-diid ayaa iftiimiyay in Qaranka Somaliland isku duubnidiisu indhaha caalamka soo jiidanayso. “dalkani hadduu gobol yahay, haduu degmo yahay iyo haduu dalkiisa yahay Nin qayb qaybiya ka foojignaada, waxaanay Somaliland wax ku noqonaysaa adduun weynuhana idinku aqoonsanayaa waa hadaad isku duubnaataan.
 
Waxa loo baahanyahay dadka reer Somaliland   ka Gobolka Sool, jooga ka Laasqoray jooga ilaa ka Lowyo caddo jooga, Inaan loo kala saarin qabiil qabiil ee ay noqdaan umad meel kuwada dhimanaysa, meel ku soo wada dhimatay, oo isku mida”ayuu yidhi.
 
Cismaan Saxar-diid ayaa sheegay inuu nasasho ku jiri doono muddo lix bilood ah, islamarkaana uu halkan u yimi si uu dadkiisa iyo dalkiisa ula wadaago waayaha dalka ka jira, isagoo nasanaya.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply