Guurtida Oo Ku Baaqday In Ajaanibka Dalka Laga Saaro Inta Aan La Fulin Diiwaan-gelinta madaniga ah

0
475

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir-gudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka kopwaad ee golahaas Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxay warbixin ka dhageysteen guddida joogtada ah ee golahaas.
 
Golaha guurtida ayaa waxay warbixin ka dhagaysteen gudoomihii hore ee guddi hoosaadka joogtada guurtida xildhibaaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale. Guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtida ayaa waxay tallo
ku soo jeediyeen qoddobo ay ka mid yihiin in dalka laga saaro dadka soogalootiga ah intaan la gaadhin diiwaan galinta madaniga ah ee muwaadiniinta loogu qaybinayo kaadhadhkii jinsiyadda, in la qabyo tiro hawlaha ku xidhan doorashooyin isla markaana la kala xadeeyo gobolada iyo degmooyinka dalka intaan la gaadhin doorashooyinka soo socda, in xukumada Somaliland ay kor u qaado dhiiri galinta iyo tayaynta dugsiyada lagu barto xirfadaha sida farsamada gacanta . Ugu dambayna guddida joogtada ah ee golaha guurtidu waxay sheegeen in ay lagama maarmaan tahay in golaha guurtidu uu yeesho la taliye dhinaca arrimaha diinta ah.
 
Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Gudoomiyihii hore ee guddida joogtada  waxa uu sheegay in ay kulamo la yeesheen qaar ka mida masuuliyiinta warbaahinta dalka isalamarkaana ay kala hadleen sidii bulshada loogu gudbin lahaa warar waxtar u leh oo aan qabyaalad ku qotomin. Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi waxa kale uu sheegay in ay mar kale warbaahinta ugu baaqayaan in aan bulshada loo gudbin warar ay ka dhex-muuqato qabyaaladi kuwaas oo bulshada kala qaybin kara una horseedi kara tafaraaruq iyo naxli.
 
Xildhibaan Muuse Cabdi waxa uu sheegay in guddi ahaan ay shaqaynayeen intii u dhaxaysay labadii kal-fadhi ee 53-aad iyo 54-aad ee uu goluhu fasaxa ku jiray. Waxa uu sheegay in guddi ahaan ay xooga saareen arrimaha nabadgelyada, ansaxa iyo dhibaatada dadka soo galootiga ah ee aan u dhalan Somaliland isala markaana sifada sharci darada ah ku jooga.
 
Guddidani waxa kale oo ay sheegeen in mudadii uu goluhu fasaxa ku jiray ay kulamo la yeesheen qaar ka mida masuuliyiinta qaranka, kuwaas oo ay ka xog-waraysteen hawlaha ay bulshada u hayaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo deganaaha ka jiray dalkeena. Guddida joogtada ah ee golaha guurtidu waxay guud ahaan shacabka Somaliland ku bogaadiyeen sida fiican ee ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka hadh iyo habeenba, iyagoo u soo jeediyay in ay halkaa ka sii wadaan oo ilaashadaan dalkooda.
By : Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply