Badhasaab Cusub oo Loo Magacaabay Gobolka Cusub Ee Xaysimo

0
731

Hargeysa (DAWAN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay  Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir) u magacaabay inuu noqdo badhasaabka gobolka Xaysimo ee uu dhawaan digreetadda madaxweyne ku hirgeliyay gobolnimadeeda. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul,soo saaray waxaanu u dhignaa sidan:-
 
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay SL/M/XERM/249-2670/082014 ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadd Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay:Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo;
Markuu La Tashaday:Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply