Xildhibaano Ku Baaqay In Qoddobo Dastuurka Ka Hor Imanaya Laga Saaro Xeerka Baananka

0
469

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ugu baaqay mudaneyaasha golahaasi inay ka saaraan xeerka baananka wixii ka hor imanaya dastuurka dalka u yaala iyo shareecada islaamka.
Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan iyo Maxamed Xaaji Ciise oo shalay si isku mid ah ugu waramayay wargeyska DAWAN  ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in ay ku cadahay xeerka baananka ee hor yaala golaha wakiilada inay ribadu xaaraan ka tahay Somaliland, isla markaana aanu dalka ka hawl-geli  karin baan ku shaqaynaya waxa loo yaqaan dulsaarka.
C/raxmaan Yuusuf Cartan ayaa waxa uu u soo jeediyay mudaneyaasha golaha wakiilada in ay ka saaraan xeerkan baananka qodobada lidiga ku ah dastuurka iyo shareecada islaamka, waxana uu yidhi “xeerkan waan u baahanahay oo qodobadiisa in si fiican loo akhriyo ayaa loo baahan yahay oo wixii khalada ee ku jira laga saaro oo la hagaajiyo, markaa xeerkani waa kii inoo  sharxayay in bulshada caalamka ka mid nahay oo adduunka go’doon kagama jirno waxaynu nahay dal caalamka ka mid ah oo wax ka soo iibsada, waxna waan ka iibinaa markaa xeerkani waa kii inoo kala habayn lahaa dhaqaalaheena xeerkii nidaamka islaamiga hore ayaa loo ansixiyay kana waa kii ganacsiga ee aan kula macaamilaynay caalamka dalalka islaamka oo dhamina wuu leeyahay, inaguna dalalkaasi ayaynu la mid nahay, hase yeeshee waan in la waafajiyo dastuurkeena iyo nidaamyada sharci ee dalka u yaala.”
C/raxmaan Yuusuf Cartan waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in wax laga waydiiyo xeerkan baananka culimada, waxana uu yidhi “anigu maan arag wax ribo ah oo ku jira  xeerkan hase yeeshee dulsaarka ayaa ribo loo akhrinayaa taasina waxay u baahan tahay la tashi in lala sameeyo culimada, waxa loo baahan yahay sida ay dalalka islaamku  u maareeyeen baananka ganacsiga ee ka furan yihiin sida Saudi Arabia oo kale oo uu ka furan yahay financial bank sida ay u mareeyaan arrintaas.”
Xildhibaan Maxamed Xaaji Ciise ayaa isaguna waxa uu tilmaamay in aanay haboonayn in dalka laga furo baanan ku shaqaynaya ribada maadaama ay xaaraan ka tahay Somaliland, waxaana uu yidhi “Somaliland nidaam ayay leedahay  ku dhaqanto oo xaga dhaqaalaha iyo maaliyada ah, nidaamkaasina waa mid waafaqsan shareecada islaamka.
Isla markaana waxa aan u baahanahay in  aynu aduunyadii xidhiidh la yeelano oo xidhiidhka maaliyadda ee aynu la yeelanayna waa inuu noqdo mid waafaqsan xeerarkeena iyo dastuurkeena, markaa baan kasta oo imanaya dalka waa inuu waafaqsan yahay dastuurkeena iyo shuruucdeenu sida ay dhigayso oo cadaynaya in aan Somaliland baananka ribada ku shaqaynayaa in aanay Somaliland ka shaqayn Karin, maadaama oo ay ribadu xaaraan ka tahay Somaliland dastuurkeeduna cadaynayo markaa baanka ku shaqaynaya ribada Somaliland kama shaqaynayo laakiin hawlo badan oo xalaala oo uu ka shaqayn karo oo islaamkuna uu ogol yahay dastuurkeenuna uu ogol yahay ayaa jira, kuwaa way ku shaqayn karaan laakiin waxa aanu leenaahy xeerkani waa inuu noqdaa xeer kala saaraya nooca uu noqonayo baanka  Somaliland ka shaqaynaya, waa in uu xeerku cadeeyaa oo uu yidhaahdaa sida ayaa Somaliland looga shaqayn karaa oo kaliya hadaad sidaa ku galayso waad iman kartaa, dastuurkeenuna waxa uu cadaynayaa in ribadu xaaraan inaga  tahay markaa baanka imanaya dalka waa in uu ku galayo shuruucda Somaliland markaa waxa aanu leenahay wax ala wixii ka hor imanaya dastuurka iyo shareecada Islaamka waa in laga saaro xeerkan baanka.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply